Dawlada Hoose ee Degmada Guriceel, Galmudug

Dawlada Hoose ee Degmada Guriceel, Galmudug

Share

Bogga Rasmiga ah ee Doowladda Hoose ee Degmada Guriceel, Galmudug, Soomaaliya.

Photos from Dawlada Hoose ee Degmada Guriceel, Galmudug's post 21/04/2026

GUDDOOMIYAHA DEGMADA GURICEEL OO KA QAYB-GALAY SHIR U DHEXEEYA MADAXWAYNAHA DOOWLADDA GALMUDUG IYO MAAYARRADA GALMUDUG.

DHUUSAMARREEB,TUESDAY, 21 APRIL, 2026:

Guddoomiyaha Degmada Guriceel Mudane Farah Abdi Mo'allim ayaa Maanta Caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb uga qayb-galay Shir Muhim ah oo u dhexeeya Madaxwaynaha Doowladda Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo Dhammaan Maayarrada Degmooyinka Galmudug.

Shirkan oo ah mid ay isugu yimaadeen dhammaan Maayarrada Degmooyinka Galmudug, Guddoomiye-yaasha Gobollada, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug ayuu Madaxwaynuhu Warbixinno uga dhagaystay Maayarrada, iyada oo Duqa Degmada Guriceel uu Warbixin Dhinacyo badan taabanaysa Madaxwaynaha ka siiyey Degmada Guriceel ee Cirifka Galbeed u xigta Degmooyinka Galmudug.

DHAMMAAD.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dad-Waynaha Doowladda hoose ee Degmada Guriceel.

09/04/2026

GURICEEL,THURSDAY 09 APRIL: Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Guriceel mudane Bashir Mohamed Salad”Sanka” oo uu wehliyo agaasimaha arimaha bulshada dowladda hoose mudane Abdishakur Mohamed Hasan ayaa booqday mid kamida xeryaha barakacayaasha ee kuyaal degmada Guriceel oo ay hay’adda NRC oo kaashanaysa hay’adda WFP ay kawado qorista kaarar loogu talo galay in lagu caawiyo dadka barakacayaasha ee kunool kaamkaasi maadaama ay dadkaasi yihiin kuwo nugul oo ubaahan saacidaad laxariirta nolosha qaybaheeda Kala duwan.

Xogahaye Sanka oo bulshada barakacayaasha ah lahadlay ayaa usheegay in aan maamul iyo cid kale aan lasii karin kaararka loogu talo galay dadka masaakiinta ee kunool kaamkaas iyo kaamamka kale loona baahanyahay lagaarsiiyo dadka mudane ee loogu talogalay.

Xafiiska warfaafinta iyo wacyigalinta bulshada dowldda hoose ee degmada Guriceel.

Photos from Dawlada Hoose ee Degmada Guriceel, Galmudug's post 31/03/2026

SHIRKA MADASHA MAAYARRADA GALMUDUG OO LA SOO GEBA-GEBEEYEY.

GURICEEL,TUESDAY, 31 MARCH, 2026:

Shirka Madasha Maayarrada Galmudug oo ay
Marti-gelinaysay Degmada Guriceel ayaa Maanta lagu soo xiray Degmada Guriceel.

Shirkan ayaa ah mid si sannadle ah loo qabto iyada oo ay ka qayb-galaan dhammaan Maayarrada Galmudug,Guddoomiye-yaasha Gobollada iyo sidoo kale Wasaaradaha Galmudug.

Shirkan oo ay Gar-wadeen ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa sannadkiisii saddexaad lagu qabanayey Degmada Guriceel oo ah Degmo laf-dhabar u ah Ganacsiga Doowladda Galmudug.

Guddoomiyaha Degmada Guriceel Mudane Farah Abdi Mo'allim oo ah Maayarka Degmada uu Guddoomiyaha ka yahay ay sannadkan Marti-gelinayso Shirka ayaa Madasha qudbad ka jeediyey isaga oo aad ugu dheeraaday ahmiyadda ay bulshada Degmada Guriceel u leedahay in ay Marti-geliyaan Shir nuucan ah.

Geba-gebadii: Guddoomiye Farah ayaa Bulshada reer Guriceel uga Mahad-celiyay sida Gobonnimada leh oo ay u soo dhoweeyeen Martida Shirkan ka qayb-galaysay.

DHAMMAAD.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dad-Waynaha Doowladda hoose ee Degmada Guriceel.

29/03/2026
29/03/2026

Guddoomiyaha Degmada Guriceel, Mudane Farah Abdi Moalim ayaa ka qeyb galay kulan doceed gaar ah oo diiradda lagu saaray horumarinta iyo dardargelinta waxbarashada Degmooyinka Guriceel, Cabudwaaq iyo Hobyo.

Kulankan ayaa waxaa shir Guddoominayay Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug iyo Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada, iyada oo si qoto dheer looga hadlay Caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyada waxbarasho ee Degmooyinkaas iyo Deegaannada hoos yimaada.

Kulanka ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen maayarrada Doowlad Goboleedka Galmudug, kaas oo maanta si rasmi ah uga furmay Degmada Guriceel, laguna falanqeynayo arrimo muhiim u ah horumarka iyo wada shaqeynta Degmooyinka.

Xaafiska Warfaafinta iyo Wacyi Galinta Dowlada Hoose ee Dagmadda Guriceel.

29/03/2026

Xoghayaha Doowladda hoose ee Degmada Guriceel Mudane Bashir Mohammed Salad "Sanka" Ayaa Shirka Madasha Maayarrada Degmooyinka Galmudug ka jeediyey Warbixin kooban oo ku aaddan Horumarka la gaaray, Caqabadaha haysta Dowladda hoose iyo Qorshaha sannadka 2026.

Shirka Madasha Maayarrada Galmudug oo ay Marti-gelinayso Degmada Guriceel.

DHAMMAAD.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dad-Waynaha Dawlada Hoose ee Degmada Guriceel, Galmudug

Photos from Dawlada Hoose ee Degmada Guriceel, Galmudug's post 29/03/2026

DEGMADA GURICEEL OO MARTI-GELINAYSA MADASHA MAAYARRADA GALMUDUG.

GURICEEL, SUNDAY, 29 MARCH, 2026:

Maamulka Degmada Guriceel ayaa Marti-gelinaya Shirka Madasha Maayarrada Galmudug kaas o ah mid si sannadle ah loo qabto iyada oo ay ka qayb-galayaan dhammaan Maayarrada Galmudug, Guddoomiye-yaasha Gobollada iyo sidoo kale Wasaaradaha Galmudug.

Shirkan oo ay Gar-wadeen ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa sannadkiisi Afaraad lagu qabanayaa Degmada Guriceel oo ah Degmo Hal-boowle u ah Doowladda Galmudug.

Guddoomiyaha Degmada Guriceel Mudane Farah Abdi Mo'allim oo ah Maayarka Degmada uu huggaanka u yahay lagu qabanayo Shirka Sannadkan oo Madashan ka hadlay ayaa tilmaamay ahmiyadda uu shirkani leeyahay isaga oo sheegay in Maamulka Degmada Guriceel iyo Bulshada guud ahaanba ay Sharaf u tahay in ay Marti-geliyaan Shir caynkan ah.

DHAMMAAD.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dad-Waynaha Doowladda hoose ee Degmada Guriceel.

29/03/2026

Guriceel: 29/3/2026

Hadal jeedinta Guddoomiyaha Dagmadda Guriceel Farah Abdi Mo’alim ee Furitaanka shirka Maayarradda Dowladda Galmudug.

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Doowladda hoose ee Degmada Guriceel.

29/03/2026

Guriceel: 29/3/2026 shirka Maayarradda Dowladda Galmudug.

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Doowladda hoose ee Degmada Guriceel.

Photos from Dawlada Hoose ee Degmada Guriceel, Galmudug's post 29/03/2026

Sharaf ayay u tahay Maamulka Degmada Guriceel iyo shacabkiisaba in Dagmadda Guriceel ay Marti-gelinayso Shirka Madasha Maayarrada Degmooyinka Doowladda Galmudug.

Dhammaad.

28/03/2026

Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Guriceel ayaa si rasmi ah ula wareegay cagaf ay bixiyeen Wasaaradda Beeraha Dowladda Galmudug iyo Hay’adda IRC, kaas oo loogu talagalay in ay ka faa’iideystaan iskaashatooyinka beeralayda ee degmada.

Munaasabadda wareejinta qalabkan ayaa ahayd mid muujinaysa dadaallada lagu horumarinayo wax-soo-saarka beeraha iyo xoojinta isku filnaanshaha bulshada deegaanka.

Guddoomiyaha Degmada Guriceel, Mudane Farxaan Cabdi Macallim, ayaa si diirran ugu mahadceliyay Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adda IRC taageerada ay la garab istaageen bulshada, isagoo xusay in cagafkan uu yahay mid si weyn loogu baahnaa. Wuxuu tilmaamay in qalabkan casriga ah uu door muhiim ah ka qaadan doono kobcinta wax-soo-saarka, yareynta culayska shaqada beeralayda, iyo horumarinta dhaqaalaha degmada.

Ugu dambeyn, maamulka degmada ayaa ballan qaaday in si hufan loo maamuli doono cagafkan, si looga faa’iideeyo dhammaan iskaashatooyinka beeralayda ee ku nool degmada Guriceel.

Dhamaad.

28/03/2026

GUDDOOMIYAHA DEGMADA GURICEEL OO MAANTA XARIG JARAY CEEL BIYOOD LAGA HIR-GELIYEY DEEGAANKA IIDOW OO HOOS YIMAADA DEGMADA GURICEEL.

Guddoomiyaha Degmada Guriceel Mudane Farah Abdi Mo'allim oo ay wehliyaan Wasiiru-kuxigeenka Wasaaradda Tamarta iyo khayraadka biyaha Galmudug Mudane Ahmed mohamed Farah(Usama),Xildhibaan Mursal sheikh Mahamed Yuusuf iyo madaxda hay'adda IRC ayaa maanta deegaanka Iidow oo hoos yimaada Degmada Guriceel ka xarig jaray Ceel biyood laga hir-geliyey deegaankaas.

Ceelkan ayaa ah mid ay hir-gelintiisa iska kaashadeen Maamulka Degmada Guriceel, Wasaaradda Tamarta iyo khayraadka biyaha Galmudug iyo Hay'adda IRC.

Guddoomiye Farah oo madashan xarig jarka ah ka hadlay ayaa dadka deegaanka Iidow kula dar-daarmay inay ilaashadaan ceelkan..

Dhammaad.

Xafiiska Warfaafinta iyo wacyi-gelinta ee Doowladda hoose ee Degmada Guriceel.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

Xaruunta Hoose Ee Degmada Guriceel
Mogadishu
0000