21/04/2026
GUDDOOMIYAHA DEGMADA GURICEEL OO KA QAYB-GALAY SHIR U DHEXEEYA MADAXWAYNAHA DOOWLADDA GALMUDUG IYO MAAYARRADA GALMUDUG.
DHUUSAMARREEB,TUESDAY, 21 APRIL, 2026:
Guddoomiyaha Degmada Guriceel Mudane Farah Abdi Mo'allim ayaa Maanta Caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb uga qayb-galay Shir Muhim ah oo u dhexeeya Madaxwaynaha Doowladda Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo Dhammaan Maayarrada Degmooyinka Galmudug.
Shirkan oo ah mid ay isugu yimaadeen dhammaan Maayarrada Degmooyinka Galmudug, Guddoomiye-yaasha Gobollada, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug ayuu Madaxwaynuhu Warbixinno uga dhagaystay Maayarrada, iyada oo Duqa Degmada Guriceel uu Warbixin Dhinacyo badan taabanaysa Madaxwaynaha ka siiyey Degmada Guriceel ee Cirifka Galbeed u xigta Degmooyinka Galmudug.
DHAMMAAD.
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dad-Waynaha Doowladda hoose ee Degmada Guriceel.
31/03/2026
SHIRKA MADASHA MAAYARRADA GALMUDUG OO LA SOO GEBA-GEBEEYEY.
GURICEEL,TUESDAY, 31 MARCH, 2026:
Shirka Madasha Maayarrada Galmudug oo ay
Marti-gelinaysay Degmada Guriceel ayaa Maanta lagu soo xiray Degmada Guriceel.
Shirkan ayaa ah mid si sannadle ah loo qabto iyada oo ay ka qayb-galaan dhammaan Maayarrada Galmudug,Guddoomiye-yaasha Gobollada iyo sidoo kale Wasaaradaha Galmudug.
Shirkan oo ay Gar-wadeen ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa sannadkiisii saddexaad lagu qabanayey Degmada Guriceel oo ah Degmo laf-dhabar u ah Ganacsiga Doowladda Galmudug.
Guddoomiyaha Degmada Guriceel Mudane Farah Abdi Mo'allim oo ah Maayarka Degmada uu Guddoomiyaha ka yahay ay sannadkan Marti-gelinayso Shirka ayaa Madasha qudbad ka jeediyey isaga oo aad ugu dheeraaday ahmiyadda ay bulshada Degmada Guriceel u leedahay in ay Marti-geliyaan Shir nuucan ah.
Geba-gebadii: Guddoomiye Farah ayaa Bulshada reer Guriceel uga Mahad-celiyay sida Gobonnimada leh oo ay u soo dhoweeyeen Martida Shirkan ka qayb-galaysay.
DHAMMAAD.
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dad-Waynaha Doowladda hoose ee Degmada Guriceel.
29/03/2026
DEGMADA GURICEEL OO MARTI-GELINAYSA MADASHA MAAYARRADA GALMUDUG.
GURICEEL, SUNDAY, 29 MARCH, 2026:
Maamulka Degmada Guriceel ayaa Marti-gelinaya Shirka Madasha Maayarrada Galmudug kaas o ah mid si sannadle ah loo qabto iyada oo ay ka qayb-galayaan dhammaan Maayarrada Galmudug, Guddoomiye-yaasha Gobollada iyo sidoo kale Wasaaradaha Galmudug.
Shirkan oo ay Gar-wadeen ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa sannadkiisi Afaraad lagu qabanayaa Degmada Guriceel oo ah Degmo Hal-boowle u ah Doowladda Galmudug.
Guddoomiyaha Degmada Guriceel Mudane Farah Abdi Mo'allim oo ah Maayarka Degmada uu huggaanka u yahay lagu qabanayo Shirka Sannadkan oo Madashan ka hadlay ayaa tilmaamay ahmiyadda uu shirkani leeyahay isaga oo sheegay in Maamulka Degmada Guriceel iyo Bulshada guud ahaanba ay Sharaf u tahay in ay Marti-geliyaan Shir caynkan ah.
DHAMMAAD.
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dad-Waynaha Doowladda hoose ee Degmada Guriceel.
29/03/2026
Sharaf ayay u tahay Maamulka Degmada Guriceel iyo shacabkiisaba in Dagmadda Guriceel ay Marti-gelinayso Shirka Madasha Maayarrada Degmooyinka Doowladda Galmudug.
Dhammaad.