19/03/2026
Ciid Mubaarak
______________
Dhammaan ummada soomaaliyeed meel kasto aad joogtaan Ciid Mubaarak farxad ku ciida.
Dadka soomaaliyeed abaarta allaha ka saaro
Waxaan ugu baaqayaa qof walba intii awoodiisa in uu ka qayb qaato gurmadka abaaraha.
Nabadda alle ha noo siyaadiyo.
17/02/2026
Ramadaan Mubaarak
__________________
Dhammaan caalamul muslimiin gaar ahaan ummadda soomaaliyeed Ramadaan Mubaarak.
Bishaan bisheeda alle cafi iyo caafimaad ha nagu gaarsiiyo insha allah.
Wadanka alle nabad iyo barwaaqo ha nooga dhigo.
07/02/2026
Waxaan maanta gaaray degmada Goldogob ee gobolka Mudug.
Waxaan uga mahadcelinayaa bulshada ree Goldogob qaybohooda kala duwan sida diiran ee ay ii soo dhaweeyeen.
Guulaysta
01/12/2025
Waxaan ka qayb galay xafladda soo dhawaynta iyo daahfurka degmada Duuban ee gobolka Doollo.
Degmada Duuban iyo shacabkeedu waxay u hamuun qabeen helidda degmonimada waana bulsho ay ka go’antahay wax wada qabsi iyo hor u socod.
Waxaan u rajaynayaa nabad iyo barwaaqo
Guulaysta.
01/12/2025
Waxaan ka qayb galay xafladda soo dhawaynta ismamul magaalada Galaadi ee gobolka doollo.
Galaadi waa magaalo qadiimi ah hadana si wanaagsan u soo koraysa dhaqaalo ahaan iyo bilic ahaan.
Waxaan u rajaynayaa dowladda iyo shacabka isku duubnaan iyo horumar.
Guul iyo gobanimo.
30/08/2025
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa madaxwayne Cabdulqaadir Axmed Ow-cali (firdhiye) iyo madaxwayne ku xigeenkiisa Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Allaha idin ku asturo mas'uuliyaddaas aad bulshada ree waqooyi bari u qabateen.
Waxaan sidoo kale ugu hambalyaynayaa dowladda federalka soomaaliya garab istaagii iyo wakhtigii ay galisay in uu dhismo maamulka cusub ee waqooyi-bari
Waxaan kale oo cod dheer ugu baaqayaa madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre in ay dadajiyaan dhismaha New Jubbaland.
Hon kasim elmised
05/06/2025
CIID MUBAARAK
Dhammaan dadka Soomaaliyeed, waxaan idiin kugu hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee Ciiddul Carafo oo ka mid maalmaha ku weyn diinteenna suubban.
Waxaan alle ka baryeynaa in uu noo hagaajiyo dadka, diinta iyo dalka.
Hon kasim elmised
14/04/2025
HAMBALYO SSC-KHAATUMO
_________________________________________
Hambalyo dhammaan shacabka iyo madaxda Ssc-khaatumo oo ka mid noqotay state-yada sida tooska ah u hoos tagaya dowladda federalka soomaaliya.
Waxaan u mahadcelinayaa Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Dan-qaran mudane xamza abdi barre.
Well done ✅️
12/04/2025
Hambalyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
____________________________________
Waxaan ugu hambalyeeynayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda sanadguurada 65–aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Waxaan Alle uga baryeyaa naxariistiisa Janno in uu ugu deeqo dhammaan geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka ee u shahiiday iyagoo difaacaya dadkooda, diintooda iyo dalkooda, taas oo ah astaantama lagu yaqaan geesiyaasha.
29/03/2025
___________CIID MUBARAK ___________
dhammaan ummadda soomaaliyeed meel kasto dunida aad ka joogtaan waxaan idin kugu hambalyaynayaa dhalashada bisha ciidul fitriga.
Ciidaan ciideeda kale nabad iyo barwaaqo allaha nagu gaarsiiyo, acmaashii aan soo gudanay allaha naga aqbalo.
Ciid mubaarak.
18/03/2025
Waxaa hoygiisa Magaalada Muqdisho ku booqday Madaxii horre ee xakuumadda Galmudug Dr Sheikh Mohamed Shakir Ali Hassan oo ka mid ah hogaamiyaasha Culimada Ahlu Suna Waljmaaca.
Sheikha Salaan iyo Kala warqaadasho kadib waxaan iska xog wareesanay xaaladaha Dalka iyo tan Galmudug, waxaana ku balanay in aan si wadajir ah uga shaqayno nabada iyo horumarka deegaanka .