Somalia National Meteorological Agency - SNMA

Somalia National Meteorological Agency - SNMA

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Somalia National Meteorological Agency - SNMA, Government Organization, Mogadishu, Somalia, .

23/03/2026

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu dabaaldegaysaa Maalinta Caalamiga ee Saadasha Adeegga Cimilada Hawada ee (World Meteorological Day), oo ku beegan maanta oo ah 23-ka Maarso. Sanadkan waxaa lagu xusayaa hal-ku-dhegga “Observing Today, Protecting Tomorrow”, kaas oo bidhaaminaya muhiimadda ay leedahay kormeerka iyo saadaasha cimiladu.

Kormeerka cimiladu wuxuu laf-dhabar u yahay ilaalinta nolosha iyo hantida shacabka, yareynta khataraha musiibooyinka dabiiciga ah, iyo taageeridda horumar waara. Sidoo kale, xogta cimilada oo sax ah waxay gacan ka geysataa qorsheynta l dhinacyada kala duwan ee nolosha.

Wasaaraddu waxay sidoo kale boggaadinaysaa doorka muhiimka ah ee ay ka qaataan hay’adaha caalamiga ah sida World Meteorological Organization, iyo hay’adaha gudaha ee ka shaqeeya adeegyada cimilada.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay ku boorinaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha kala duwan in ay sii xoojiyaan wacyigelinta iyo adeegsiga xogta cimilada, si loo dhiso mustaqbal ammaan ah oo waara.

=Dhamaad=.

Photos from Golaha Shacabka BJFS's post 24/01/2026
Want your business to be the top-listed Government Service?

Culinary Team

Attire