24/05/2026
Wasaarada dekedaha iyo gaadiidka badda Galmudug iyo ciidanka badda Somalia ayaa mantay kormeer ka sameeyay Biyaha Badda Hobyo Xili ay doomo badan ka dagayaan dekedda Hobyo
Ministry of port and marine transportation
24/05/2026
Wasaarada dekedaha iyo gaadiidka badda Galmudug iyo ciidanka badda Somalia ayaa mantay kormeer ka sameeyay Biyaha Badda Hobyo Xili ay doomo badan ka dagayaan dekedda Hobyo
Waxaa Meel Wanaagsan Maraya Dhismaha Dakadda Hobyo oo Mudo Badan Larajeenayay in Mar un dhisanto
Hadda Meel Layaqaan ayay joogta
18/05/2026
Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda Galmudug Qaybna uu ka ahaa Wasiir Dawlaha Wasaaradda isbadalka Cimilada Galmudug iyo Agasimayal Katirsan Wasaaradda Dakadaha & Gaadiidka Badda Galmudug ayaa Gaaray Magaalada Budbud ee Gobalka Mudug
Wafdigaan ayaa waxa si wayn usodhaweeyay Maamulka Dagmada Afbarwaqo Wax garadka Odayaasha Dhaqanka Dhalinyarada Haweenka iyo Qaybaha Kala Duwan ee Reer Budbud
ujeedka Safarkaan ayaa ah Sidi Loogu Kuurgali Lahaa Xaladda isbadalka Cimilada oo si wayn uga jirta Deegankan
wasiirka Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda Galmudug Maxamuud Abdi Ciise oo ay wehliyaan Agaasimayasha Waaxaha Wasaradda ayaa Booqday Dakadda Macmalka ah ee Dagmada Hobyo
Wasiirka ayaana ukuur galay Shaqada kascota Dekadda Taasi ay kadagayan Doonya Sida Agab fara badan kuwasi oo uraran Ganacsato somaliyeed
Safarka Wafdiga Wasiirka Wasaaradda Dakadaha & Gaadiidka Badda Galmudug uu kugaaray Dagmada Hobyo
15/05/2026
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, Maxamuud Cabdi Ciise, ayaa maanta gaaray degmada xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.
Wafdiga wasiirka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isbeddelka Cimilada Dowladda Galmudug Mustaf Qodhob, Guddoomiye ku-xigeenka shaqaalaha Raadiyaha Galmudug, Guddoomiyaha degmada Afbarwaaqo, iyo xubno ka socday Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda.
Wafdigan ayaa waxaa afaafka h**e ee degmada Hobyo ku soo dhoweeyay maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, saraakiisha booliska degmada, maareeyaha iyo maareeye ku-xigeenka dekedda Hobyo, xubno ka socday Wasaaradda Dekadaha, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Reer Hobyo
Maareeyaha Dekedda Hobyo Xasan Dacad ayaa si weyn u soo dhoweeyay wasiirka iyo wafdigiisa.
Ugu dambeyn, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isbeddelka Cimilada Galmudug iyo Wasiirka Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Galmudug ayaa uga mahadceliyay bulshada iyo maamulka degmada soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen.
Wasiirkana ayaa sheegay in safarkiisu uu qeyb ka yahay kormeer la xiriira dhismaha dekedda Hobyo iyo dadaallada lagu xoojinayo horumarinta dekedda iyo sugidda amniga badda Galmudug.
Wuxuu sidoo kale xusay in Wasaaradda Dakadaha iyo ciidamada ilaalinta badda Soomaaliya ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan amniga iyo horumarinta badda Galmudug.
Kaafiin Maxamed Abdi

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, Cabshir Xaashi Cali Canshuur, oo wareysi siiyay idaacadda BBC, ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in maraakiib laga afduubtay xeebaha Puntland lagu hayo xeebaha Galmudug.
06/04/2026
OGEYSIIS RASMI AH
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowlad Goboleedka Galmudug waxay ku wargelinaysaa dhammaan daneeyayaasha, gaar ahaan milkiilayaasha iyo hawlwadeennada doomaha, in dib-u-eegis lagu sameeyay khidmadihii h**e ee adeegyada dekedaha.
Khidmadaha doomaha oo h**e u ahaa $1700 ayaa hadda loo kordhiyay $2500.
Isbeddelkan waxaa lagu saleeyay:
Horumarinta adeegyada dekedaha
Kordhinta amniga badda Dayactirka iyo casriyeynta kaabeyaasha dekedaha
Wasaaraddu waxay xuseysaa in kordhintan ay tahay mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo adeeg hufan, waara, isla markaana la jaanqaadaya baahida sii kordheysa ee gaadiidka badda.
Dhammaan milkiilayaasha doomaha waxaa laga codsanayaa inay u hoggaansamaan nidaamkan cusub, laga bilaabo taariikhda lagu dhawaaqay.
— DHAMMAAD —
Wasiirka Wasaaradda Dakadaha &Gaadiidka Badda Dawladda Galmudug Maxamuud Abdi Ciise ayaa
Mw Dawladda Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kaariye (Qoor Qoor) kaga Mahadceliyay Magaacabistisa uu umagacaabay Wasaaradda
Wasiirka ayaa Sidookale uma Had celiyay Shacabkii iyo Masuliyintii kala duwanaa ee Reer Galmudug ee uhambalyeeyay
19/03/2026
Hambalyada Munaasabadda Ciidul-Fidriga
Ku: Dhammaan Umadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan.
Ka: Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Galmudug.
Waxaa farxad weyn noo ah, anigoo ku hadlaya magaca Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Maxamuud Cabdi Ciise, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, iyo dhammaan Shaqaalaha Wasaaradda, inaan hambalyo kal iyo laab ah u dirno umadda Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Fidriga awgeed.
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu naga aqbalo acmaashii suubbanayd ee aan soo qabannay bishii barakaysnayd ee Ramadaan.