Waaxda Dhaqanka iyo Cilmi-baarista ee W. Warfaafinta JFS.

Waaxda Dhaqanka iyo Cilmi-baarista ee W. Warfaafinta JFS.

Share

Department of Culture and Research at the Ministry of information,Culture and Tourism of the Federal Republic of Somalia.

15/04/2026

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Farshaxanka 15 April.
Farshaxanku Waa Aalad loo isticmaali karo, Wacyigalinta Bulshada, Nabad dhiska,Shaqo Abuurka,Dhaqaalaha iyo Horumarinta guud ahaan Dhaqanka.

15/04/2026

Agaasimaha Waaxda Dhaqanka iyo Cilmibaarista ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,Mudane Aadan Cabdiqani Cawaale ayaa Maanta ka qaybgalay Munaasabad lagu xusay ay Maalinta Farshaxanka Adduunka 15 April oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Photos from Waaxda Dhaqanka iyo Cilmi-baarista ee W. Warfaafinta JFS.'s post 15/04/2026

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo Hambalyeeyay Maalinta Farshaxanka Adduunka.

Muqdisho, 15 Abriil 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo u diray guud ahaan farshaxan-yahannada Soomaaliyeed munaasabadda 15-ka Abril Maalinta Farshaxanka Adduunka, oo maalin ay u asteysay Hay'adda Qaramada Midoobay ee UNESCO, sanadkii 2019, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee farshaxanku ku leeyahay ilaalinta dhaqanka, iyo kobcinta hal-abuurka dhalinyarada.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in farshaxanku yahay tiir muhiim u ah dhismaha bulsho wacyi leh, mideysan, isla markaana leh aragti horumarineed, isagoo adkeeyay in Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay ka go’an tahay dhiirrigelinta iyo taageerada farshaxan-yahannada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada hal-abuurka leh.

Munaasabaddan awgeed, Wasiirka ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay farshaxamiiste Cabdinaasir Cabdulqaadir Maxamed, oo guul ka soo hooyay tartanka hal-abuurka dhalinyarada ee Urur-Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), taas oo muujinaysa kartida iyo horumarka ay gaareen dhalinyarada Soomaaliyeed ee tartamada fagaarayaasha caalamka.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa yiri: “Guusha Cabdimaasir waa guul u soo hoyatay farshaxanka Soomaaliyeed. Waxay tusaale u tahay kartida iyo hal-abuurka dhalinyaradeenna, waxaana muhiim ah in dhalinyaradu ku dhiirradaan ka qaybgalka tartamada heer gobol iyo caalami ee kor u qaadaya magaca iyo sharafta Soomaaliya.”

Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu ku boorriyay dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan hal-abuurkooda, isla markaana ka faa’iideystaan fursadaha ay bixiyaan tartamada iyo barnaamijyada caalamiga ah ee horumarinaya farshaxanka iyo dhaqanka.

11/04/2026

INAA LILAAHI WAA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
Agaasimaha iyo Howlwadeenada Waaxda Dhaqanka Iyo Cilmibaarista ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya,waxay ka Tacsiyadaynayaan geerida ku timid Alle ha u naxariistee Fanaanadii Qaranka Marxuumad Shankaroon Axmed Sagal oo Xalay ku Geeriyootay Dalka Markaykanka. Marxuumadu waxay ka tirsanayd Hobolada Qaranka ee Waaberi mudo dheer,Waxayna ku suntanayd Wadanid iyo Dal jacayl.

Ilahay samir iyo iimaan ha ka siiyo Qoyska,Ehelkii, Asxaabtii Hobolada Qaranka Waaberi iyo Guud ahaan Ummada Soomaaliyeed.

Photos from Waaxda Dhaqanka iyo Cilmi-baarista ee W. Warfaafinta JFS.'s post 05/04/2026

Waaxda Dhaqanka Iyo Cilmibaarista ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya waxay Hambalyo u diraysaa Cabdinaasir Cabdiqaadir Maxamed (4C Arts) oo ka mid ah howlwadeenada Waaxda oo ku guulaystay Farshaxamaystaha ugu wanaagsan Wadamada Bariga Afrika (EAC) oo xalay lagu Abaalmariyay Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania 🇹🇿.

Abdinaasir wuxuu ka mid yahay Farshaxamaystayaasha ugu firfircoon ee Dalka wuxuuna h**e ugu guulaystay Abaalmarino Kala duwan Dalka gudihiisa oo ku saabsan Farshaxanka iyo Hal-abuurka.

15/02/2026

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Agaasinka Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii,Ehelkii,Asxaabtii iyo guud ahaan Hal-abuurka Soomaaliyeed,geerida ku timid Alle ha u naxariistee Abwaan Yuusuf Maxamed Cabdillahi (Abwaan Suusle) oo ku geeriyooday dalka dibadiisa.

Abwaanku wuxuu ka mid ahaa hal-abuurka qiimaha wayn kulahaa suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed,wuxuuna door muuqda ka soo qaatay Kobcinta, wacyigelinta bulshda, adkaynta Midnimada iyo wadajirka Ummada Soomaaliyeed.
Ilahay ha u naxariisto Samir iyo iimaan.

19/01/2026

Kooxaha Hidaha iyo Dhaqanka ee Gobolada Togdheer, Sanaag iyo Sool ee Maamulka Waqooyi Bari oo xaflada Caleemasaarka kusoo bandhigay Ciyaaro Dhaqmeed kala duwan.

Xaquuqda:
Tv

19/01/2026

MUNAASIBADII CALEEMASAARKA MADAXDA CUSUB EE WAQOOYI BARI SOOMAALIYA WAXAA DOOR MUUQDA KA QAATAY BAHDA HIDAHA IYO DHAQANKA SOOMAALIYEED EE REER WAQOOYI BARI.

Agaasimaha Waaxda Dhaqanka iyo Cilmibaarista ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawlada Federaalka Mudane Aadan Cawaale baa uga Mahadceliyay Bahda Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed doorka aadka u wanaagsan ee ay ka gaysteen Munaasibada Caleemasaarka Madaxda Waqooyi Bari, wuxuuna goobta ka sheegay in Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawlada Federaalku ay ku howlantahay Horumarinta iyo soo noolaynta Dhaqanka Soomaaliyeed qaybihiisa Kala duwan.

Agaasimuhu wuxuu kale oo uu adkeeyay in ay wadashaqayn Joogto ah la yeelanayaan Bahda Hidaha iyo Dhaqanka Waqooyi Bari oo ay ugu horayso Wasaaradda iyo qaybaha kale ee Bulshadda.

Photos from Ministry of Information of Somalia's post 14/09/2025
29/08/2025

TACSI.

Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Maanta magaalada Boorama waxaa ku geeriyootay Alle ha u naxariistee Khadiijo Maxamuud Qalanjo, oo kamid ahayd fannaaniintii h**e Qaranka Soomaaliyeed ee Hobolada Waaberi.

Tacsi tiiraanyo leh ayaan u diraynaa guud ahaan Ehelkii, qaraabadii, asxaabtii ay ka geeriyootay iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee jecel fanka iyo hal-abuurka.

Alle ha u naxariisto marxuumad Khadiijo Maxamuud Qalanjo, Jannatul Firdowsana Eebe ha ka waraabiyo. Ehelkeeda iyo ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan ilahay ha ka siiyo.
Aamiin.

12/08/2025
Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Jamal Abdinasir Street
Mogadishu