28/08/2025
Taliye xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed s/guuto cismaan cabdillaahi kaniif ayaa salaan kaqaatey cutubyo katirsan ciidanka police ka somaaliyeed
Kuwaas oo tababar ugu jira academy yada
General Kaahiye Police Academy
21/08/2025
Taliye xigeenka ciiidanka police ka soomaliyeed cismaan cabdulaahi (kaniif] ayaa salaan kaqaatey cutubyo kamid ah ciidanka policeka soomaliyeed
dugsiga tababarka ciidanka police ka soomaliyeed General Kaahiye Police Academy
21/08/2025
BULSHOOY LASHAQEEYA POLICE KA
07/07/2025
Wasiir Arimaha Gudaha JFS ,Taliyaha
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Madaxdii Kale ee ka qeyb gashey Xafladii Mahadcelinta Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa Shahaadooyin Gadoonsiiyey Saraakiil iyo Ciidan kuwaas oo muujiyey Karti iyo hufnaan Shaqo mudadii lagu jirey Xuska Maalmaha Xoriyada
01/07/2025
Sawiro munaasabada xuska 1 luulyo 2025
01/07/2025
Maanta oo ku aadaneyd Munaasabadda Dabaaldegga Xuska 1'da Luulyo ee kasoo wareegatay 65,sano ayaa si wanagsan ugu qabsoontay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaa Dhoolatus aad u wanaagsan kusoo bandhigay Ciidamada kala duwan ee Qaranka, Boliiska waxa uu ahaa Ciidankii sida wanagsan oo Qubad leh usoo bandhigay Dhoolatus Aad u wanaagsan,
Horimaha kala ahaa;
1: Qeybta Guud ee Boliiska
2: Birmadka
3: Daraawiishta Boliiska
4: Haramacad
5: Galeyr
6: RRT
Runti waxay ahaayen Horimahii sida quruxda badan guud ahaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ugu mitiley Qubada iyo quruxda ay leeyihiin.
Akadeemiyada Boliiska Gen.kaahiye waxay si laba jibaari doonta Horumarinta iyo Soo saarista Ciidan Boliis oo tayeysan insha Allah.
28/06/2025
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh, ayaa kormeer ku tagey xerada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyadoo ay wehliyaan xubno ka tirsan Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Taliyaha Booliska, Jenaraal Asad Diyaano, iyo saraakiisha kale dadaalkooda ku aaddan sugidda amniga iyo ka qeybgalka Munaasabadda 1-da Luulyo, taasoo Ciidanka Boolisku uga qeyb qaadan doono bandhig iyo gaarda kacayaar
24/06/2025
gudiga qabanqaabada xuska maalmaha xoriyada oo dardar galinaya howshii loo ikmadey ayaa salaan kaqaatey dhowr horimood ee ciidanka police ka ah kuwaas oo qeyb weyn kaqaadan doono xuska maalmaha xoriyada
General Kaahiye Police Academy
04/06/2025
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Saraakiil Baarayaal ah oo ka kala socdo Maamul Goboleedyada Dalka u soo xiray Tababar lagu horumarinayo Xirfadooda.
Hogaanka Qorshaha iyo Tababarada Ciidanka Boliiska ayaa sheegay in Baarayaashan lagu Tababaray Cilmiga Fooraansi sayniska, maareynta goobta Dambiyadu ka dhacaan, habka Waraysiyada looga qaado dhibanaha iyo Markhaantiga iyo sida loo adeegsado dhijitaalka marka cadeymaha la soo bandhigayo .
Taliyaha ayaa Baarayaasha kula dardaarmay in wada shaqeynta dhexdooda ay xoojiyaan cilmiga la barayna ku howlgalaan , saaxiibada shaqo wadaaga ay yihiina la wadaagaan aqoonta ay soo faa’iideen .
23/05/2025
Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed s/guuto cismaan cabdulaahi (kaniif) ayaa salaan kaqaatey cutubyo katirsan ciidanka police
21/05/2025
21/may/2025
G/sare Sheekh daahir maxamed samatar iyo
Sheekh huseeyn aadan ali oo ah ducaada wasaradda awqaafta ayaa wacyi galin usameyey ciidanka tababarka ugu jira dugsiga general kaahiye police academy.
Waxaana diiradda lagu saarey gudashada waa jibaadka ka alle (sw) sidokale
Wacyigelintan ayaa lagu xoojiyay
doorka ciidanka ee sugidda amniga iyo sida ay muhiim u tahay in ay u gutaan waajibaadkooda si hufan, Kuna jirto daacadnimo iyo anshax sare leh.
Hoggaanka Wacyigelinta iyo Ilaalinta Anshaxa ee Boliiska Soomaaliyeed.
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
General Kaahiye Police Academy