Benadir Regional Youth Development Directorate

Benadir Regional Youth Development Directorate

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Benadir Regional Youth Development Directorate, Mogadishu-Somalia, Mogadishu.

Photos from Benadir Regional Youth Development Directorate's post 02/11/2023

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan, Xildhibaan Abdirahmaan Mahahamed sheekh ( moobleen) Iyo Wafdi ka socday Maamulka gobolka Banaadir sida, Gudomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Barqab, Agaasime Ku xigeenka Waaxda Agoonta Marwo Ilhaan aweys iyo Gabdho ka socday Xafiiska Haweenka Gobolka Banaadir. Masuuliyintaan ayaa gaaray (4) afar tuulo, Gaar ahaan Degmada Biya Cade,

Ujedada safarka ayaa ahaa in la soo xarig jaro ceel biyood iyo in la garsiiyo Deeq, Ciidanka Macawiisley taasi oo ka kobneed, Agab fara badan iyo Raashin, Isla markaana ku soo abuuray geedo ah geedihii nabada oo ay ugu deeqday hay'ada Bisha Cagaaran.

Xildhibaanka ayaa u kuur galay xalada nolaleed ee ka jirto Degaanadaas iyo degaano badan oo ku yaalo Shabellaha dhaxe.

12/05/2023

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Waxaan ehelka, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, uga tacsiyadeenayaa geerida ku timi Alle ha u naxariistee, Gudoomiyahii Dhalinyarada degmada Dherkeynley ee Gobolka Banaadir marxuum Yuusuf Xuseen, oo maanta ku geeriyooday magaalada Mogadisho.

Marxuumka oo ka soo qayb qaatay horumarinta dhalinyarada, dowlad dhiska iyo nabadaynta Gobolka Benadir ayaa xilal kala duwan ugu soo adeegay bulshada degmada dherkeynley ee gobolka Banaadir.

isaga oo soo noqday Gudoomiyaha dhalinyarada Degmada Dherkeynley. Waxaan Allaah uga baryaynaa in uu Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelkii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Marxuumku.

20/04/2023

Fariinta Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ee ku aadan Maalinta Ciida 2023.

" Waxaan marka h**e u mahad celinaynaa Ilaahay (SW) oo ah macbuudka xaqqa. Waxaan ku sallinaynaa Nabiga raxmad ahaan naloogu soo diray inuu dariiqa toosan nagu sugo.

Maalintaan farxadda weyn leh, waxaan hambalyo guud u dirayaa dhammaan Ummadda Islaamka ah. Waxaan mid qaas ah u diraynaa dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay addunka ka joogaan, waxaanna leenahay Ciid mubaarak,
Kulu-Caam Wa Antum Bi Kheyr

Ilaahay ha naga wada dhigo kuwii soonkooda iyo cibaadadooda la aqbalay, loo dambi dhaafay, oo xaqa iyo dulmiga loo kala muujiyay. Farxad ku ciida, isku naxariista, inta xanuusanna allaah ha siiyo caafimaad "

لله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، لا إله إلا الله ، الله أكبر ، الله أكبر ولله الحمد

Wabillaahi Towfiiq

Photos from Benadir Regional Youth Development Directorate's post 23/03/2023

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa maanta furay tartanka kubadda cagta ramadaanka ee xarunta Dhalinyarada Gobolka Benadir.

Tartankaan oo loo qabtay dhalinyarada gobolka Benadir ayaa waxaa ujeedkiisu yahay isdhexgalka dhalinyarada, maadama ciyaaruhu ay ka turjumayaan nabad, iyo sidii dhalinyarada ay ugu faa'iideysan karaan xarunta dhalinyarada oo ay tahay goob iyaga loo diyaariyay.

Photos from Benadir Regional Youth Development Directorate's post 17/03/2023

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banadir Mudane Cabdikaafi Maxamuud Makaraan iyo Gudoomiyaha Degmada Shibis Mudane Cali Soomaali ayaa maanta soo xiray koorso socotay muddo 3billood ah oo ay qabteen Ururka Dhalinyarada Gobolka Banaadir, loona qabtay dhalinyarada degmada shibis, tababarkaan oo ka dhacay xarunta degmada shibis ayaa waxaa ka agaasimay xarunta degmada ururka dhalinyarada degmada shibis, sidoo kalena waxaa ka faa’iideystay dhalinyaro aad udaneenaysay mowduuca, koorsadaan ayaa waxaa looga hadlayay oo cinwaankeedu ahaa barashada qaabka ganacsiga eligtarooniga (E-commerce).

Inta ay socotay koorsadaan ayaa dhalinyarada waxay si fiican ufahmeen habka ganacsiga eligtarooniga, iyo in uu yahaya iibka iyo iibinta alaabada iyo adeegyada, ama gudbinta lacagaha ama xogta, iyada oo la adeegsanayo shabakad elektaroonik ah, iyadoona laga dhex shaqeesanayo internetka.

In ka badan 50 Arday (dhalinyaro) ayaa fursad uheshay in ay ka faa’iideystaan koorsadaan oo socotay muddo 3billood ah, dhamaan ardada dhamaysatay ayaa ka koobnaa 4 ducadood oo kala duwan, koorsadaan ayaana ahayd mid bilaash ah oo dhalinyarada ay uhayd fursad qaali ah.

Ugu danbeyntii, Gudoomiayaha dhalinyarada iyo Gudoomiyaha Degmada Shibis Mudane Cali Soomaali oo munaasibadda shahaado bixinta ka hadlay ayaa dhalinyarada ku amaanay sida wanaagsan oo ay ugu faa’iideysteen fursadda, sidoo kale ku dhiiri geliyay in ay ku shaqeystaan xirfaddaha la baray, ayna unoqoto shaqo abuur.

12/03/2023


11/03/2023

Dhallinyarada waa Awooda kaliya ee jirta oo lagu Xureyn karo dalka.

Guul iyo Gobonimo

Photos from Benadir Regional Youth Development Directorate's post 05/12/2022

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa maanta usoo xiray dhamaan dhalinyarada ka faa'iideysatay oo dhameystay tabaabaradii maalmahaan ka socday xarunta dhalinyarada gobolka Benadir ee .

Tababarada uu Gudoomiyaha soo xiray ayaa waxaa ka mid ahaa

1- Barashada Xirfadda Hogaanka iyo Fagaaro ka hadalka.
2- Barashada Xirfadda Computer.ka
3- Awooda dhalinyarada ee arrimaha Nabadda.
4- Awood-siinta Dhalinyarada

Qaar ka mid ah dhalinyarada ka faa'iideysatay tababarkaan ayaa ugu mahad-celiyay maamulka dhalinyarada sida wanaagsan oo ay usiiyeen fursadaan, Gudoomiyaha Dhalinyarda ayaa bogaadiyay dhalinyarada ka faa'iideysatay tababarkaan, wuxuuna ubalan qaaday in ay markasta ka faa'iideystaan.

Photos from Benadir Regional Youth Development Directorate's post 29/11/2022

Gudomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Mohamed diriye ( Yabooh) iyo Gudomiyaha dhallinyarada Gobolka banaadir Mudane Abdikafi Mohamuud Makaraan ayaa maanta soo xeray Shir socday muddo 3 maalin ah. Waxaana loo qabtay dhallinyarada Gobolka Banaadir. Wuxuuna ku saabsanaa ka qeyb galka dhallinyarada doorashooyinka iyo Dimuqraadiyeenta,

Waxaa sido kale ka soo qeyb galay Masuuliyiin Xildhibaan Sheikh Aweys mahamed Omar, Gudomiyaha Ururada Bulsha Rayidka Mudane Osman Tahliil, Gudomiyaha degmada Wadajir Mudane Ahmed Abdule afrax, Agaasimaha Siyaasada Iyo Dimuqraadiyeenta Mudane yusuf Alasoow.

Barnaamijlan waxaa soo diyariyay Dhalinyarada gobolka Banaadir uu horkacayay Gudoomiyaha Dhalinyarada gobolka Banaadir Md Cabdikafi Maxamuud Makaraan.

Wuxuuna ahaa barnaamikja madal ay dhalinyaradu kaga doodayeen caqabadaha iyo Fursadaha dhallinyarada heysata,

Gudomiye Mahamed Ahmed diiriye ayaa dhallinyarada u balan qaday in dhan walbo uu ka tageeraayo ka qeyb galka Siyaasada.

Photos from Benadir Regional Youth Development Directorate's post 28/11/2022

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa maanta furay madasha dhalinyarada ee ka qeyb galka Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyeenta.

Madashaan oo ah madal dhalinyaro ayaa waxa ay dhalinyarada ka kala yimaadeen dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir iyo Jaamacadaha qaar ee Xamar. Inta ay socoto madasha Wada-hadalka dhalinyarada ayaa waxaan la rajeenayaa in aay ka soo bixi doonaan wax yaabo wanaagsan oo dhiiri galinaya dhalinyarada iyo gabdhaha
Somaliyeed.

Ugu danbeyntii, Gudoomiyaha oo madasha ka hadlay ayaa dhalinyarada urajeenayay in aay si wanaagsan ugu qeyb qaataan doodaha iyo caqabadaha dhalinyarada ka heysta arrimaha Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyeenta dhalinyarada ee Gobolka Banaadir. Elman Peac ayaa qeyb ka aheyd madashaan loo qabtay dhalinyarada.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

Mogadishu-Somalia
Mogadishu