08/02/2026
Magacaabis kasta oo xilal sare ah ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo lagu sameeyo si hal dhinac ah, iyada oo aan la qaban kulan Guddiga, aan la shaacin shaqooyinka, isla markaana aan loo marin tartan furan, waa jebin cad oo Dastuurka iyo Sharciga Lr. 16.
Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Qodobka 4 (sarraynta Dastuurka), Qodobka 33 (go’aannada maamul ee sharciyeysan), iyo Qodobka 111B ee Cutubka 10aad (madax-bannaanida iyo nidaamka guddiyada qaranka), waxay farayaan in go’aannadu noqdaan kuwo sharci, hufan, isla markaana lagu gaaro hab waafaqsan nidaamka hay’adda.
Sidoo kale Sharciga Lr. 16, Cutubka 10aad, wuxuu si cad u dhigaya in Agaasimaha Guud iyo shaqaalaha lagu soo xulo tartan furan, si loo xaqiijiyo caddaalad, sinaan, iyo fursad siman oo muwaadiniinta Soomaaliyeed loo wada heli karo.
Sidaa darteed, go’aan kasta oo hal dhinac ah waa sharci-darro, wuxuuna dhaawacayaa kalsoonida hay’adda iyo xaqa ay leeyihiin aqoonyahannada Soomaaliyeed ee sugaya tartan caddaalad ah. Dhammaan Komishinarradu waa inay si wadajir ah uga doodaan arrimahan oo ay ku dhaqmaan sharciga
Mahadsanid.
23/08/2024
جمعة مباركة! نتذكر في هذا اليوم المبارك أن القوة الحقيقية تكمن في رفع بعضنا البعض. ونتحد في الصلاة، لتملأ قلوبنا بالرحمة وتُلهم أفعالنا مستقبلاً أكثر إشراقًا للجميع.
Dr Osman's Diary - Dr Osman Diary
Latest Videos More Videos Recent Updates See All Book Reviews See All Latest Features See All Publications See All More
25/06/2024
Waxaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeynaya Xuska munaasabadda 26-ka Juun oo ku beegan 64-sano guuradii kasoo wareegtey markii Gobolada Waqooyi ay xornimada ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska 26 Juun, 1960-kii. Caawa waxeey ku beegantahay markii ugu horeeysay calankeenna Cawaale laga taagey dhul Soomaaliyeed oo xor ah.
Qolobaa calankeed, waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale ee, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye.
Xidigyahay cadi, Waad noo ciidamisee, Carradaa kaligaa, adow curadee, cadceeda sidee, lo caan noqo ee, sidii culagii, ciidad marisee.
Alloow haku celin. Alloow haku celin
15/06/2024
Hambalyo dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gudaha iyo dibedda. Waxaan rajeeynaya munaasabadda Ciidda Carafo awgeeda in alle weeyne ina siiyo nabad, barwaaqo iyo wada noolaashiya dhaxdeena ah.
Eid Al-Adha Mubarak.
02/06/2024
Booqashadii aan dhawaan ku tagay magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha iyo jaamacadda Shanghai ee cilmiga siyaasadda iyo sharciga, waxaa isoo jiitay taallo ku taalla maktabadda jamacadda taasoo xasuusin u ah ardayda in "dhibic biyo ah ay daloolin karto dhagax" taasoo muujineysa adkeysiga iyo joogteynta hadafka lagaga miro dhalin karo, sida dhibcaha biyaha jilcan waqti kadib ay daloolin karaan dhagax. Orahdaan waxaan markii ugu horreysay aan maqlay 24 sano ka hor xilligii iskuulka, waanan ku faraxsanahay inaan arko isagoo ku dhex jira farshaxan aad u qurux badan. Waa xasuusin xoog leh in dadaalka joogtada ahi uu horseedo guulo waaweyn. Guuleeysta!
15/05/2024
Waxaan shacabka Soomaaliyeed, Gaar ahaan dhalanyarta oo aan aniga ka mid ahay ugu hambalyaynayaa Munaasabadda 15ka May 00 ku beegan aasaaska Ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed ee Somali Youth League (SYL)
06/05/2024
Waxaan ku faraxsananahay martiqaadka aan kaga qayb-galayo sannad-guuradii 70-aad ee ka soo wareegatay guushi Dien Bien Phu ay shacabka reer Vietnam ka gaareen Faransiiska 7da May, 1954tii, anigoo ka wakiil ah Jamacadda UPEACE. Waxaan Kulan quraac ah la qaatay Mua A Son, ku xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee xisbiga Dien Bien Provincial Party Committee, wuxuu ahaa mid miro dhal ah, kaas oo aan diiradda ku saarnay ka hadalka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta taariikhiga ah. Ujeeddadu waa in la abuuro rajooyin cusub, mustaqbal ifaya oo leh nabad iyo barwaaqo. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan kula dabaaldego dadka Vietnam xuska sannad-guurada guushooda.