05/12/2025
Maamulka degmada Ba**er-Bayla oo ka mamnuucay kaluumaysatada ka shaqaysta xeebaha degmadaas dhamaan waxyaabaha Xaalufinta ku haya khayraadka Bada 👇👇
Kuso Dhowoow Page Rasmiga ah ee Dawlada Hoose ee Degmada B/Bayla
05/12/2025
Maamulka degmada Ba**er-Bayla oo ka mamnuucay kaluumaysatada ka shaqaysta xeebaha degmadaas dhamaan waxyaabaha Xaalufinta ku haya khayraadka Bada 👇👇
Xaflad Hambaliyo Ah iyo Buraanbur Kusocda Madaxweyne Dani Looga Soo Diray Dagmada Bandar Bayla Waxaana Cod Macaan Kuso Luqeeyay Maamooyinka Dagmada Loga Daba Dhacay Xaga Buraanburka
1.Duniyo Muuse Cambar
2.Nadiif Maxamuud Jamac (Laylon
3.Xaawo Samatar Waabari
Gaarsiiya Madaxweynaha Dani
Share Like Kusiidaaya
Daawasho Wacan
Degmad Bandar Bayla ayaa lagu qabtay xaflad si aad ah lo so agaasimay o lagu tageerayo dib udoorashadisa mudane said c/llaahi Deni 2024 ilaa 2029 Waxaana Kasoo Qaybgalay Bulshada Dagmada iyo Waxgaradka
08/01/2024
Dagmada Bayla Anteeno La,aan Ayaa Maalmahan Kajirta Saakay Ilaa Iyo Galabtay Waxaa Istaagay Wax Iibsigii Ganacsiga Waxaa Xiran Tuk**adii
Hadey Anteenadu Sonoqotana
Hadalkii Waxaa Kujira Jajab Waxaa Udheer Khad Xumo
Shacabka Dagmada Ayaana Kawalaacsan Arinkaas Ganacsigii Dagmada Ayaa Xirmay
Shacabka Dagmada Ayaa Fariin Iyo Codsi Udiraya
Shirkada Golis Boosaaso Ineey Arinkaas Dagdeg Wax Uga Qabato.
Fadlan Gaarsiiya Maamulayaasha Shirkada Golis
Taliyaha Ciidan Dagmada Bandar Bayla
Maxamuud Cabdi Jaamac (Jabaan)
Ayaa Xalay Howgal Ciidan Oo Amniga Lagu Xaqiijinayo Kasameeya Dagmada Taliyaha Ayaa 5 xafadood Lug Kuso Maray
Xaalada Amni Dagmada Ayaa Waxaa Kawarbixiyey
Xilibaanka Axmed Gureey Oo Sheega Ineey Xaladu
Hada Dagantahay Taliyaha Ayaa Sheegay Ineey Howlgalada Ay Siisocon Donaan Bad Iyo Biriba
Howlgal Wacan
12/12/2023
Cabdifitaax maxamed Siciid ayaa loo magacaabay xoghayaha Degmada ba**er beyla isaga oo deegan doorashadisu tahay Deeganka Bixin
12/12/2023
Shaqo Fasaxid.
Yusuf Maxamed Waabari
Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Ba**er Bayle ee Gobolka Karkaar.
30/11/2023
Ba**er beyla 30/11/2023
Waxaa Saakay ufarisatya imtixaanka qiimeneynta macalinka ee Wasaradda waxbarashada DPL macalimiinta iskuulada hoose iyo dhexe ee Degmada ba**er beyla iyago ka kala socday deeganada kala ah Dhuudo , Qoton Caris, iyo ba**er beyla
Imtixaankan ayaa ah in lagu ogaado tayada barayaasha iyo heerka aqoontoda gaarsiisantahay iyo Sido kale in ay aqoonsi sax ah oo systemka Wasaradda macalinka lagu xareeyo si loo ogaado tirakoobka macalinta loona siiyo macalin walba aqoonsiga macalinimo
18/11/2023
Ba**er bayla: 18 Nov 2023 : Hooyadii ugu horaysay ayaa galabta lagu qalay cisbitaalka degmadda Ba**er bayla ee Gobolka Karkaar oo dhawaan laga soo kordhiyay qaybta qaliinka oo si casri ah loo qalabeeyay.
Hooyada iyo ilmaha ayaa caafimaad qaba, waana markii ugu horaysay ee cisbitaalka degmadda qaliin noocaan oo kale ah lagu sameeyo, Dr rahma Hassan ismacil ayaa qaliinka samaysay, sanadkii 2021 ayaa kusimaha agaasimaha guud ahna agaasimaha qorshaynta Dr Mohamed Mohamuud Xidig ayaa ka furay degmada waxaana gacan ka gaystay hay’adda hay’adda Save TheChildren.
Dadweynaha degmadda ayaa soo dhaweeyay sida wasaaradda caafimaadka ay ugu soo dhaweysay adeegan caafimaad oo mudo la dhawrayay ayna usahashay in cisbitaalka laga helo.
Hooyadan ayaa laba qaliin oo horay umartay ayaa loogu sameeyay magaalada Qardho oo bayla ujirta in ka badan 200Km.
16/11/2023
Inaali Laahi Wa,inaa Ileyhi Raajicuun
Waxaa Saakay Dagmada Bayla Aas Qaran Loogu Sameeyay Gudomiye Kuxugeenkii H**e Ee Dagmada (Ciise Cajab
Waxaa Aaska Kasoo Qaybgalay
Gudomiyaha Dagmada Bayla
Xilibaano iyo Maamulka Dagmada
Waxgaradka iyo Dhalinyaro
Ilaahay waxaan Kabaryeynaa Ehelkii Iyo Qaraabadii
Uu Katagay Marxuumku Inuu Samir Iyo Iimaan Kasiiyo aamiin aamiin
07/11/2023
Shaqo Joojin: Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Ba**er Bayla ee Gobolka Karkaar.
Markii maamulayaasha Dugsiyadda iyo Macalimiinta Degmada Ba**er Bayla ee Gobolka karkaar Cabasho ka keneen Gudoomiyaha Degmada Waxbarashada Degmada bayla, Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland waxay shaqada ka joojisay Yuusuf Maxamed Wabari oo ah Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Ba**er Bayla.
Hoos ka Daalaco warqada ka soo baxaday Xafiiska Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda.
28/08/2023
WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL IYO XISBIYADA SIYAASADA OO GO'AAN MIDAYSAN KA GAARAY JADWALKA FARIISINTA GOLAYAASHA DEEGAANKA EE LA DOORTAY.
Garowe, August 28, 2023: Wargalin shaacinta Jadwalka Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland.
Maanta oo taatiikhdu tahay 28/08/2023, waxaa shir wadatashi ah oo ku aadan Fariisinta Goleyaasha Degaanka ee la soo doortay isugu yimi Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyo Xisbiyada Siyaasadda DPL.
Wadatashi dheer kadib, Waxaa la isla qaatay in fariisinta Goleyaasha Deegaanka guud ahaan Gobolada oo dhan laga bilaabo 05/09/2023, markii laga reebo Degmada Baran oo ah Meesha laga daahfurayo fariisinta Goleyaasha Deegaanka ee la soo doortay.
Sidaa darteed, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, waxay idin ogaysiinaysaa in maalinta daahfurka Fariisinta Goleyaasha ay tahay 30/08/2023 lagana daahfurayo Degmada Baran ee Gobolka Sanaag.
Haddaba, Wasaaraddu waxay markale ku wargelinaysaa dhammaan Guddoomiyaasha Gobolada, Degmooyinka, Xubnaha Goleesha Deegaanka ee la doortay iyo Xisbiyada siyaasada qodobadan soo socda oo ah qodobo asaas u ah fariisinta Goleyaasha Deegaanka:-
1. Waa in dhammaan xubnaha goleyaasha deegaanka ee la soo doortay ay u diyaar garoobaan fariisiinta, dhaarinta iyo doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka Goleyaash Deegaanka.
2. Waxaa Guddoomiyaasha Gobolada lagu wargalinayaa in ay ka qeyb-qaataan Fudeynta iyo Fariisinta Goleeyasha Deegaanka.
3. Waa in xisbiyada siyaasadu soo gudbiyaan liisaska k**a danbeysta ah ee xubnaha ugu sharraxan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Goleyaasha Deegaanka, sida ugu dhakhsaha badan.
4. Waa In Xisbiyada siyaasadu ku wargaliyaan xubnahooda Goleyaasha deegaanka in ay u diyaar garoobaan fariisiinta Goleyaasha Deegaanka.
Ugu danbeyn, Waxaan rajaynayaa in aad si mug leh uga qeyb-qaadataan dhameystirka fariisinta Goleyaasha deegaanka si ay u gutaan waajibaadkii ay bulshadu u soo dooratay oo ah in ay si hufan ugu adeegaan.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.