Farriin Waddaniyadeed | Baaq Midnimo Qaran
Muwaadin soo jeedow,
Dalkaagu ma aha qabiil, mana aha gobol, mana aha dano gaara.
Dalkaagu waa adiga, waa carruurtaada, waa mustaqbalka jiilasha imanaya.
Maanta cadowga ugu weyn ee ina hortaagan ma aha mid bannaanka ka yimid,
balse waa kala-qaybsanaan, jahawareer, iyo aamusnaan.
Marka dadka wax garadka ahi aamuso, kuwa danahooda gaarka ah wata ayaa fursad hela.
Qof kasta oo dalkiisa jecel:
Waa inuu si cad u diidaa kala-qaybin kasta, magac kasta ha lagu qariyee
Waa inuu runta ku hadlaa, xitaa marka ay adkaato
Waa inuu ka shaqeeyaa mideynta bulshada, halkii uu sii kala fogeyn lahaa
Midnimadu hadal keliya kuma timaado.
Waxay ku timaadaa ficil, dulqaad, iyo wacyigelin joogto ah.
Dhalinyarooy,
Adinku waxaad tihiin awoodda iyo rajada dalka.
Ha noqonina qalab lagu burburiyo mustaqbalkiinna.
Noqda kuwo wax dhisa, wax mideeya, oo aragti fog leh.
Haweenow,
Adinku waxaad tihiin tiirka bulshada.
Ka-qaybqaadashadiinnu waa lama huraan si loo helo bulsho isku duuban oo horumar leh.
Odayaal iyo aqoonyahanno,
Mas’uuliyaddu idinkaa saaran.
Taariikhdu way qori doontaa: ma aamusteen mise waad istaagteen?
Aan wada istaagno.
Aan ka shaqeyno midnimo, cadaalad, iyo dowladnimo dhab ah.
Aan ka hormarino danta guud tan gaarka ah.
Dalka waa la badbaadin karaa—haddii dadka soo jeeda ay mid noqdaan.
—
hon farah abdi dini
Hon Farah Abdi Diini
Works at Member of Parliament (MP)
Cadowga alshaab furimaha Dagaalka waa lagu jabiyay
Ee hay’adaha amniga ilgaara haku fiiriyaan Ukumaha shabab ee yaalo Magaalooyinka waaweyn
Iyo Canaasiirta lashaqeyso
Aqliga haduu shaqeyn waayo xoogna mashaqeyn doono
In argagaxiso garab loo noqdo,
waa dambi weyn, lakin dadka maxey u fahmi la’yahiin hantida shabab dadka ku shaqeeyo,
In meel looga soo wada jeesto
You can run but you can't hide
Wake up my people
Always remember when a Lion wants to go somewhere he doesn't worry about how many hyenas,
are there in the way
Shabaab intaan kabadan nama sii heysan doono
Hadii inta aan sheegi doono laga xiro sida, Cidda lacagta shabab shacabka uu ka dhacay ugu shaqeyso,
Shabab military ahaan
waa u jabay,
Ee Madaxweyne raga hantida shabab ku shaqeeyo sheegis uma baahna, talaabo halaga qaado,
XORDAGE
Madaxweynaha, Dagaalka Shabab shaqo fiican ayuu Ka qabtay, Lakin keydka iyo dhaqaalaha shabab meesha uu yaalo iyo cidda ugu shaqeyso talabo ku haboon halaga qaado,
30/03/2024
Mustaqbal Wanagsan Ayaa Muuqda,,
Wax kasto waxaa ka muhiimsan midnimada Dalka,
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Howl Wadag Street Bakaro Market
Mogadishu
