22/09/2022
Hadda dalbo oo hadda hel buugaagta
https://wa.me/message/G4VRFR3AZK43G1
1. Hormari noloshaada
2. Aabe qani iyo Aabe faqiir ah
3. sirta go'aan qaadashada
4. Garaadso intaanad guursan
5. Fahamka sirdoonka
6. sirta hogaaminta
7. 7da caado ee dadka ugu saameynta badan
8. murti bile
8. sirta guusha
9. maana faay
10. Hawaale waran
11. maareynta waqtiga
12. Baraaruji awoodahaaga
13. Awooda xakameynta nafta
14. ubad iyo arxan laawe
15. waayihii warsame
16. Hogami naftaada
17. Cun rakahaas
18. lacagaha Crepto currency
19. Xeeladaha dagaalka
20. Barashada Sheybaarka
21. Daaweynta cudurada
22. 999 xikmadood
Nagala sooxiriir +252611177581
21/09/2022
Nacas iyo Lacagtiisu waa hal xaflad oo weeyn
19/09/2022
🔰Qof kasta oo dhalinyaro ah khaasatan rag ah dhawr qodob ayaan kula talinaya
1.Wax baro oo dhis maskaxdaada inta aadan bulshada dhex imaanin noqo mid nafsad ahaan wax u bartay oo garaadkiisa horumariyay.
2.Samayso dhaqaale waa midka ugu muhiimsan ee adiga ka ilaalinaya duruufaha kugu xeeran ma jirto cid damaanad qaadaysa naftade is xabaaro.
3.Baahidada xadee xitaa kuwo kuugu dhaw dadka ee wax kuu taraya waxay sugayan inaad u abaal gudo
4.Ha joojinin dadaalkaga xitaa hadii aad istidhaahdo waad gaadhay halkaad rabtay raadi mar walba waji cusub
5.baro xirfad waxaa laga yaaba inaad maalin uun u baxsatide
6.samee jimicsi todobaadkii ugu yaraan wakhtiga aad firaaqada tahay ama qorshe u samayso
7.xidhiidhi qoyskaaga waa mid ku fiican dhan walba mana jirto cid ehel keeda ka faanta
8.Seexo habeenkii hadii aadan sabab muhiima uso jeedin
9.lahow yool aad rabto inaad gaadho kaso ku ah bartilmaameed aad ku hirato
10.mararka qaar naftada u samee abaal marin sii waxa ay jeceshahay.
17/09/2022
Waaqic jira!!
Kii khaa'inka ahaa daacadnimo ayuu ku sheekaynayaa oo sheeganayaa Inuu daacadnimo wado.Tuuggii wuxuu kuu sharxayaa macnaha sharafta isagoo dhacay umado dhan aaminsana Inuu sharaf leeyahay. Dulmi wadihiina wuxuu ku andacoonayaa duco iyo alle bari isagoo dulmiyay dad kale duudsiyayna xaqoodii ."
Yaa waduud
17/09/2022
Hadda dalbo oo hadda hel dhamaan buugaagtan
Nagala soo xiriir whatsapp +252611177581
massage ila akhriso on whatsapp https://wa.me/message/G4VRFR3AZK43G1
1. siiradii nabiga NNKH
2. Maana-faay
3. Garaadso intaad guursan
4. Aabbe hodan ah iyo Abbe sabool ah
5. waayihii warsame
6. Hagaha ardayga
7. Kobacii islaamiyiinta soomaaliya
8. Hawaale Warran
9. Hoggaami Naftaada
waa Akhriska
16/09/2022
| Mid ka mida muxaadarooyinka sheekh mustafe xaaji ismaaciil haaruun uu jeediyay isaga oo la hadalaya dhallin-yarada |.♡
Waxa aynu qabanno saddex waxyaabood uun buu u qaybsamaa waxayna kala yihiin
1•Wax faa'ido ino leh.
2•Wax dhibaato inoo keenaya.
3•Iyo wax bilaa micno ah.
Shaygu manfac ayuu leeyahay ama dhib ayuu Lee yahay ama labada midna maaha ( maalaa yacni ).
Nebigu NNKH waxa uu yidhi ku dadaal waxa dheefta (Faa'idada) leh. labada kale ka tag wixii wax dhibaya ka fagow, wixii waqtiga kaa lumanaya ee aan faa'ido aduun iyo mid aakhiraba kuu lahayn isna iskaga tag.
Dhallinyarta inta ugu badan waqtigoodu waxa uu ku baxaaa waxaan dheef iyo dhib toona lahayn hadaanu xagga dhibaatada xiginbee!
Inta badan dhallin yaradu inta yar ee uu dugsiga tago ama misaajidka uu labada kitaab ka akhristo mooyaane inta kale oo dhan bilaa macni ayuu wadaa! waayo, ninka dhallin yarada ahi inta badan waqti aad u badan ayuu haystaa illeen masuuliyadi ma saarnee...
Nebigu NNKH waxa uu yidhi " ku dadaal wixii ku anaf
16/09/2022
Hadda dalbo oo hadda hel dhamaan buugaagtan
Nagala soo xiriir whatsapp +252611177581
massage ila akhriso on whatsapp https://wa.me/message/G4VRFR3AZK43G1
1. Hawaale Warran
2. Maana-faay
3. Garaadso intaad guursan
4. Aabbe hodan ah iyo Abbe sabool ah
5. waayihii warsame
6. Hagaha ardayga
7. Kobacii islaamiyiinta soomaaliya
8. siiradii nabiga NNKH
9. Hoggaami Naftaada
10. Qadarta Alle
waa Akhriska
13/09/2022
Aalamiitada jirka ee saxda ah waxey saaidisaa fursada cafimaadka, halka Aalamiitada maskaxda ee saxda ah waxay saaidisaa fursadaha hodantanimada.
12/09/2022
Tuug ayaa wuxuu u dhacay islaan waayeel ah guri ay daganeyd wuxuu arkay ayadoo soo jeedda wuxuuna ku yiri maxaa lasoo jeedaa xilligaan?
Way gartay inuu tuug yahay waxay ku tiri wiilkeygiyoow waxaad u muuqataa qof wanaagsan oo duruufta ay ku kaliftay waxaan ee dahab badan ayaan haystaa ee qaado laakiin intaadan bixin ka hor waxaan rabay riyo aan ku riyooday oo argagax leh inaad ii fasirtid hadaad taqaanid!
Tuugii wuxuu is yiri islaan doqon ah ayay u egtahay bal aan dhagaysto riyadeeda kadibna aan u fasiro
Waxay tiri waxaan ku riyooday anigoo wabi biyo badan dhiniciisa socda kadibna waan sim biriraxday waxaana ku dhacay wabigii waxaana iri cabdiyoow iga soo gaar, cabdiyoow iga soo gaar, si cod dheer leh ayay u tiri inta danbe
Tuugii wuxuu yiri marka yuu ahaa cabdigaas aad u qeylinaysay?
Isla markiiba waxaa qolka soo galay wiil ay dhashay oo cabdi la yiraahdo oo xoog badnaa wuxuuna bilaabay tuugii inuu garaaco
Islaantii waayeelka waxay tiri bes intaasa ku filane yuusan nagu dhiman iska daaa
Tuugii wuxuu dhahay si fiican ii garaac anigaaba qaldanaa ma inaan riyo fasiro ayaan u imid mise inaan wax xado ?😆😆😆
11/09/2022
Ninkii Bartay Luuqadda Bisadda Oo Markii dambe Ka Shalaayay isaga Oo Ay Ka gaartay Maxaa Ku geliyay Bisad iyo Afaaraheeda.!!🤔
Nin baa Maalin u yimid Nebi Suleymaan, markaasu ku yiri Nebi Alloow waxaan rabaa inaad Af i bartid.
Nebi Suleiman wuxuu Ninkii ku yiri iskadaa ma Awoodidee, laakiin Ninkii wuu ku Adkaystay
Nebi Suleiman baa ku yiri : Afkee Rabtaa inaad Baratid?
Ninkii wuxuu yiri:- Afka Bisadaha iyagaa Xaafadeyda ku badan
Dhegtiisa ayuu Nebi Suleiman ku Afuufay, sidaas ayuuna Ninkii ku Bartay Afkii Bisadda
Maalin ayuu maqlay laba bisadood oo sheekaysanaaya, midbaa mid ku leh wax la cuno ma heysaa Gaajaa i heysee ?
Tii kalaa ugu jawaabtay :- Maya. laakin Berito Gurigan wax ka Bakhtin Diiq, kaas ayaan Cuni doonaa
Ninkii baa Maqlay markaasuu yiri Walee ma Dhacdo inaan Diiqeyga idiin daayo, Aroortii h**e ayuu gaday.
Bisadii Gaajoonaysay baa tii kale u timi oo warsatay in Diiqii Bakhtiyey, waxay ku tiri:- Maya, Ninkii lahaa baa gaday, waxaase jirta in Wankiisu Dhiman doono, kaasaan wax ka Cuni doonaa.
Haddana wuu maqlay markaasuu Wankiina Suuqa geeyey
Sidii oo kale ayey haddana weydiisay, waxayna u sheegtay in isagana Ninkii lahaa Suuqa ula Cararay.
Markas ayey waxay u sheegtay inuu Ninka Guriga leh Naftiisu Maanta Dhiman doono, oo ay Dadka Geeridiisa u yimaada Cuntada loo Samaynaayo ay wax ka Cuni doonaan
Ninii ayaa Maqlay in isaga loo soo socdo markaan, isagoo Ordaayo ayuu Nebi Saleemaan u yimi, wuxuuna ku yiri:- waxaan Maqlay bisadihii oo isku leh Maanta ayuu Dhimanaa ee Nebi Alloow talo keen.
Nebi Suleymaan wuxuu u Sheegay Ninkii in Alle Diiqa ku Furan Rabay oo uu Deg-degay oo uu iibiyey, hadana mar kale Wanka ku Furan rabay oo uu isagana Beeciyey isagoo Bisada kala Cararaaya.,
wuxuuna intaas u Raaciyey:- Maanta meel aad u cararto ma jirto ee Dardaaranka ha iloobin.
Ee iska dardaaran
MAXAA_KA_FAAIDI_KARNAA ?