Mohamed H. Shire

Mohamed H. Shire

Share

Director General of Ministry of Internal Security, Federal Republic of Somalia.

Former Director General of Ministry of Planning, Investment and Economic Development (MoPIED). Director General, MoPIED Somalia; Ex-MD, Dansom Consulting; Lead, Joint Police Program.

Photos from Mohamed H. Shire's post 11/05/2026

Waxaan maanta magaalada Nairobi, Kenya kaga qeybgalay shir heer sare ah oo ku saabsan hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Rayidka Soomaaliyeed (Protection of Civilians Policy – PoC), oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hormuud ka tahay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo saaxiibbada caalamiga ah si loo xaqiijiyo in badbaadada shacabka ay udub-dhexaad u noqoto howlaha amniga, xasillinta iyo dib-u-dhiska dalka.

Waxaan adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda hay’adaha dowladda, isla xisaabtanka, dhowrista xuquuqda aadanaha, iyo dhismaha hay’ado amni oo shacabka ugu shaqeeya kalsooni iyo mas’uuliyad.

Ilaalinta rayidka waa tiir muhiim u ah nabadda waarta, xasilloonida, iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

*************************

I participated in a high-level roundtable held in Nairobi, Kenya, to advance the implementation of Somalia’s National Protection of Civilians (PoC) Policy.

During the discussions, I emphasized the critical importance of stronger institutional coordination, accountability, and enhanced collaboration between Somali institutions and international partners to ensure that civilian protection remains at the heart of Somalia’s security, stabilisation, and state-building efforts.

Protecting civilians is essential to building sustainable peace, strengthening public confidence, and securing long-term stability across Somalia.

Photos from Mohamed H. Shire's post 10/05/2026

Waxaan maanta Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ku wehliyay Wadahadalka Iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee lagu qabtay Muqdisho.

Wasiirka ayaa khudbad uu kulanka ka jeediyay ku adkeeyay muhiimadda xoojinta iskaashiga dhinacyada nabadda, amniga, xasilloonida iyo maamulka socdaalka, isaga oo sidoo kale soo bandhigay horumarka laga sameeyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, taageerada Midowga Yurub ee kala guurka AUSSOM, iyo dadaallada lagu dhisayo hay’ado amni oo Soomaaliyeed oo awood leh.

Wadahadalkan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee dhinacyada nabadda, dowlad-dhiska iyo horumar waara. 🇸🇴🇪🇺

************************

Today, I joined Somalia's Minister of Internal Security, H.E. Abdullahi Sheikh Ismail (Fartaag), at the EU–Somalia Partnership Dialogue in Mogadishu—a key platform on peace, security, stability, and migration. 🇸🇴🇪🇺

In his remarks, the Minister highlighted Somalia’s security gains against Al-Shabaab and ISIS, emphasized the need for continued EU support during the AUSSOM transition, and committed to strengthening Somali security institutions. The discussions showcased the growing strategic partnership between Somalia and the EU to promote stability, state-building, and development.

Photos from Mohamed H. Shire's post 07/05/2026

Waxaan maanta la kulmay madax ka socotay UNDP Soomaaliya, oo aan ka wadahadalnay xoojinta iskaashiga iyo dardargelinta Barnaamijka Wadajirka ah ee Booliska (JPP) – Wajiga Labaad.

Waxaan si gaar ah hoosta uga xariiqnay muhiimadda ay leedahay tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kor u qaadista awooddooda shaqo, iyo dhismaha hay’ado amni oo hufan si loo xaqiijiyo amni waara.

Waxaan uga mahadcelinayaa UNDP taageerada joogtada ah ee ay siiyaan horumarinta hay’adaha amniga dalka. Waxaan sidoo kale isla garanay baahida loo qabo in la dardargeliyo hirgelinta barnaamijka si loo gaaro natiijooyin muuqda oo la taaban karo.

************************

I held a strategic meeting today with senior representatives from UNDP Soomaaliya, where we set a clear direction to accelerate the Joint Police Programme (JPP) – Phase II to strengthen the capacity, accountability, and effectiveness of the Somali Police Force.

The Federal Government of Somalia remains fully committed to building strong, accountable, and capable security institutions. In this regard, we stressed the urgency of fast-tracking implementation to deliver tangible results that directly enhance public security.

While we appreciate UNDP’s continued support to security sector reform, we underscored the need for stronger alignment, faster ex*****on, and measurable outcomes.

Photos from Ministry of Internal Security -Somalia's post 07/05/2026
Photos from Mohamed H. Shire's post 06/05/2026

Waxaan maanta kulan muhiim ah la yeeshay Mudane Bob Flannery oo ah La-taliyaha Sare ee Dowladda Mareykanka u qaabilsan La-dagaallanka dambiyadda xuduudaha ee Bariga Afrika, waxaana ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga amniga gudaha, la-dagaallanka dambiyadda abaabulan, ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata, iyo la dagaallanka dambiyada caalamiga ah.

Waxaan sidoo kale ka hadalnay sidii loo xoojin lahaa awoodda hay’adaha amniga Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo lagu horumarinayo nabadda, xasilloonida, iyo badbaadada shacabka dalka oo dhan.

****************************

Held a productive meeting today with Bob Flannery, the U.S. Senior Advisor for East Africa on Transnational Crime, to discuss strengthening cooperation on internal security, countering violent extremism, combating human trafficking and organised crime, and enhancing coordination against cross-border security threats.

The meeting reaffirmed the importance of sustained partnership in strengthening Somalia’s security institutions and advancing national stability and public safety.

Photos from Mohamed H. Shire's post 06/05/2026

Waxaan maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxa UNMAS, Mudane Fran O’Grady, si aan uga wada hadalno xoojinta iskaashiga dhinacyada miino-saarka, ilaalinta shacabka, iyo dadaallada xasilloonida Soomaaliya.

Waxaan si gaar ah diiradda u saarnay tayeynta awoodaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF), xoojinta taageerada SEMA, iyo ballaarinta wacyigelinta bulshada si loo yareeyo khataraha walxaha qarxa.

Dhismaha hay’ado amni oo awood leh iyo bulshooyin ammaan ah waa tiir muhiim u ah nabadda iyo xasilloonida waarta ee Soomaaliya.



I was pleased to receive Mr. Fran O’Grady, Chief of UNMAS, for a productive discussion on strengthening cooperation in mine action, civilian protection, and Somalia’s broader stabilization efforts.

Our discussions focused on enhancing the operational capacity of the Somali Police Force (SPF), strengthening support to SEMA, and expanding community awareness initiatives to reduce the threat posed by explosive hazards.

Building safer communities and stronger national security institutions remains central to our shared efforts toward lasting peace and stability in Somalia.

Photos from Mohamed H. Shire's post 05/05/2026

Waxaan maanta booqasho rasmi ah ku tegay xarunta guud ee AUSSOM (Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya), taas oo ii ahayd booqashadii ugu horreysay tan iyo markii aan xilka la wareegay.

Waxaan kulan miro-dhal ah la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, halkaas oo aan si qoto dheer uga wada hadalnay xoojinta iskaashiga amniga iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Wasaaradda Amniga Gudaha iyo AUSSOM.

Waxaan si gaar ah diiradda u saarnay taageerada lagu horumarinayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan mashaariicda muhiimka ah sida mashruuca ay maalgelinayso Japan, kaas oo door muuqda ka qaadanaya tayeynta iyo kobcinta awoodda Booliska.

Waxaan ku heshiinnay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo kulamada joogtada ah, si loo xaqiijiyo amni waara iyo hay’ado awood leh oo si hufan ugu adeega shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan uga mahadcelinayaa AUSSOM iyo bahwadaagta caalamiga ah taageeradooda joogtada ah ee ku aaddan nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.

**************************

Had a productive meeting with Ambassador El Hadji Ibrahima Diene, SRCC and Head of the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia, during a courtesy call today.

We discussed strengthening coordination on stabilisation and advancing the development of the Somali Police Force, including through the Japan-funded capacity-building programme.

I thank AUSSOM and our international partners for their continued support to Somalia’s peace and stability.


Ministry of Internal Security -Somalia

Photos from Mohamed H. Shire's post 05/05/2026

Maanta waxaan shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Waaxaha iyo Lataliyayaasha Farsamo ee Wasaaradda Amniga Gudaha.

Kulanka waxa uu diiradda saaray dardargelinta howlaha iyo xoojinta hufnaanta, iyadoo laga wada hadlay: qorshe-howleedka waaxyaha, qaab-dhismeedka shaqaalaha, xiriirka iyo wada-shaqeynta (official emails), isku-duwidda safarrada shaqo, iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Waxaan ku adkeeyay Agaasimayaasha waaxaha in la xoojiyo isla-xisaabtanka iyo fulinta qorsheyaasha si loo gaaro natiijooyin muuqda oo kor u qaada amniga iyo xasilloonida dalka.

Ministry of Internal Security -Somalia

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address

Afgooye Road-KM 5
Mogadishu
252