Eye Health- Unit

Eye Health- Unit

Share

National Eye Health Coordination

Photos from Eye Health- Unit's post 21/06/2026

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay mashruuc indho-fiiqid ah oo loogu talagalay in ay ka faaโ€™iideystaan 400 oo qof oo qaba xanuunnada indhaha, gaar ahaan kuwa u baahan qalliinada Caadka indhaha ee cataract-ka.

Mashruucan waxaa hirgelinaya Hayโ€™adda Direct Aid iyadoo kaashanaysa Isbitaalka Dr.Sumait, si loo yareeyo indho-la'aanta laga hortagi karo loona gaarsiiyo adeegyo caafimaad oo tayo u leh bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay uga mahadcelineysaa Direct Aid iyo Isbitaalka Dr.Sumait taageeradooda joogtada ah ee horumarinta caafimaadka indhaha iyo dadaallada lagu soo celinayo aragga dadka nugul.

Photos from Eye Health- Unit's post 25/04/2026

Dhaqaatiir ka socotay hayโ€™adda YERYUZU DOKTORLARI oo kaashanaya dhaqaatiir Soomaaliyeed ayaa ka bilaabay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir olole qalliinada indhaha ah oo loogu talagalay in 200 qofood aragooda dib loogu soo celiyo kaasoo socon doonaa muddo 2 asbuuc ah kuna eg May 10.

Ololahan ayaa sidoo kale lagu bixinayay daawooyin bilaash ah iyo ookiyaalaha aqriska, taasoo kaalin weyn ka qaadaneysa yareynta indho laโ€™aanta laga hortagi karo iyo horumarinta caafimaadka indhaha bulshada.

Agaasimaha isbitaalka Banaadir Marwo Dr. Muna
Hussein ayaa kusoo dhaweysay isbitaalka Madaxa Caafimaadka Indhaha ee wasaaradda, si ay wasaaradda Caafimaadka ugu sameeyso kormeer, qiimeyn, iyo daba-gal ayadoo la hubinayo tayada adeegyada iyo natiijooyinka laga gaaray ololahan.

Photos from Eye Health- Unit's post 20/04/2026

๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐“๐ข๐ฅ๐ฆ๐š๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐‚๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐€๐š๐ง ๐…๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง (๐๐‚๐ƒ).

Muqdisho 20, April 2026; Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfurtay aqoon-is-weydaarsiga horumarinta iyo mideynta tilmaamayaasha cudurrada aan faafin (NCD) oo ay qeyb ka yihiin caafimaadka indhaha.

Shirkan muhiimka ah ayaa waxaa ka qeyb galay bahda caafimaadka indhaha oo uu hogaaminaayay Madaxa Qeybta Caafimaadka Indhaha.

Photos from Eye Health- Unit's post 17/04/2026

16 Abriil 2026, ayadoo wali lagu guda jiro Bisha Caafimaadka iyo Badbaadada Indhaha Haweenka ayaa Wasaaradda Caafimaadka oo kaashaneysa Charity Vision Somalia, ayaa Muqdisho ku qabatay kulan dood-wadaag (focus group discussion) ah oo ay ka qeyb galeen xirfadlayaal ku takhasusay caafimaadka indhaha.

Kulanka waxaa isugu yimid daneeyayaal muhiim ah si ay u falanqeeyaan caqabadaha, meelaha ka dhiman, iyo fursadaha lagu horumarin karo caafimaadka indhaha haweenka ee Soomaaliya.

Qodobada muhiimka ah ee kasoo baxay waxaa ka mid ahaa: in xirfadlayaasha haweenka ee caafimaadka indhaha loo sameeyo barnaamijyo gaar ah oo laga sii daayo telefishanka qaranka si kor loogu qaado wacyigelinta, in la abaabulo ololeyaal wadajir ah oo bulshada lagu gaarsiiyo fariimaha caafimaadka, iyo in la ballaariyo adeegyada daryeelka indhaha gaar ahaan meelaha aan si wanaagsan loo tagin, halkaas oo haweenku ay inta badan ku badan yihiin.

Guud ahaan, kulanku wuxuu muujiyay in haweenku wali wajahaan caqabado waaweyn oo ku saabsan helitaanka adeegyada caafimaadka indhaha, taasoo muujineysa baahida loo qabo dadaallo si gaar ah loo beegsado oo iskaashi ku dhisan.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

Mogadishu
252