Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir

Call

Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir Boggaan waxaa iskale Taliska Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banadir.

Ciidanka Booliiska Caasimadda, Saldhigga Dharkenley, ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Muxyadiin Faarax Cilmi, oo ku ...
13/09/2026

Ciidanka Booliiska Caasimadda, Saldhigga Dharkenley, ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Muxyadiin Faarax Cilmi, oo ku eedeysan fal-Afxumo ah iyo aflagaaddo loo geystay madax.

Eedeysanaha ayaa hadda ku jira gacanta Booliiska, waxaana loo gudbin doonaa Maxk**adda ku shaqada leh, si sharciga loogu waafajiyo .

DHAMMAAD

Waxaa Saldhigga Booliska Degmada Kaaraan lagu hayaa gabar yar oo sheegtay magaceeda inuu yahay Riyaan Axmed Yaxye, 9 jir...
08/09/2026

Waxaa Saldhigga Booliska Degmada Kaaraan lagu hayaa gabar yar oo sheegtay magaceeda inuu yahay Riyaan Axmed Yaxye, 9 jir, ina Sahro Mustaf Cabdi.

Gabadhu waxay sheegtay inay ka soo luntay Degmada Howlwadaag. Sidaa darteed qoyskeeda ama ehelkeeda waxaa laga codsanayaa inay si degdeg ah ula soo xiriiraan Saldhigga Booliska Degmada Kaaraan.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir oo Fuliyay Ballanqaadkii uu u Sameeyay Ardayda Kaalmaha H**e ka Galay Imtixaanka Qara...
06/09/2026

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir oo Fuliyay Ballanqaadkii uu u Sameeyay Ardayda Kaalmaha H**e ka Galay Imtixaanka Qaranka

Muqdisho, 6-da Sebtembar 2026: Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir G/le Sare Mahdi Cumar Mumin ayaa maanta fuliyay ballanqaadkii uu h**e ugu sameeyay ardayda kaalmaha h**e ka galay Imtixaanka Qaranka, kaas oo ahaa in la maamuuso, la dhiirrigeliyo, lana geeyo goobaha muhiimka ah ee dalka, isla markaana diyaarad lagu qaado oo loo sameeyo safar dalxiis.

Taliyaha oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Agaasinka Waxbarashada ayaa ardayda u qaaday safar dalxiis oo ay ku tageen Magaalada Jowhar, iyadoo shirkadda STARSKY AVIATION ay kaalin ka qaadatay dhiirrigelinta iyo fududeynta safarka ardayda.

Wafdiga ardayda oo uu hoggaaminayay Taliyaha ayaa sidoo kale si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Hirshabeelle, iyadoo maamulka Hirshabeelle uu u sameeyay soo dhaweyn iyo martigelin wanaagsan.

Ballanqaadkan ayaa qayb ka ah dadaallada Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir uu ku xoojinayo dhiirrigelinta waxbarashada, Si dalka ay uga soo baxaan jiilal aqoon leh oo mustaqbalka anfaca dalkooda iyo dadkooda.

DHAMMAAD

Taliyaha Boliiska Gobolka Banaadir, G/le Sare Mahdi Omar Muumin, iyo Agaasinka Waxbarashada ayaa kulan dhiirrigelin ah u...
06/09/2026

Taliyaha Boliiska Gobolka Banaadir, G/le Sare Mahdi Omar Muumin, iyo Agaasinka Waxbarashada ayaa kulan dhiirrigelin ah u sameeyay ardaydii kaalmaha h**e ka galay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Dalka.

Taliyaha ayaa xusay in ardaydu ay yihiin kuwo mudan maamuus, isla markaana mar walba la garab taagan yahay, Wuxuuna ku dhiirrigeliyay inay sii wataan dadaalkooda iyo hanka waxbarasho, si ay mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed ugu noqdaan kuwo waxtar u leh.

DHAMMAAD

WAR-SAXAAFADEEDMuqdisho, 26-ka Agoosto 2026: Waa waxba k**a jiraan wararka sheegaya in gudaha Saldhigga Booliiska Waabar...
26/08/2026

WAR-SAXAAFADEED

Muqdisho, 26-ka Agoosto 2026: Waa waxba k**a jiraan wararka sheegaya in gudaha Saldhigga Booliiska Waabari ee Booliiska Caasimadda lagu dilay qof, isla markaana mayd laga soo saaray, Warkaasi waa been-abuur aan sal iyo raad lahayn.

Abbaaro 20:50, ayaa xabad/ baalooto ka dhacday qoriga uu sitay mid ka mid ah askarta ka howlgasha Saldhigga, kadib markii eedaysane Farxaan Ibraahin Abshir uu qoriga la qabsaday askariga.

Xabada si lama filaan ah uga dhacday qoriga ayaa garabka ka haleeshay eedaysanaha oo ah haatan dhaawac fudud, dhacdadaasi wax dhimasho ah k**a dhalan, mana jirto mayd laga soo saaray Saldhigga Booliiska Waabari, Waxaa socda baaritaan la xiriira dhacdadaasi.

DHAMMAAD

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxa ay bulshada Caasimadda la wadaagayaan in aysan jirin wax dhimasho ama dhaawac ah oo...
18/08/2026

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxa ay bulshada Caasimadda la wadaagayaan in aysan jirin wax dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay qarax dheemish ah oo la dhigay meel u dhow mid ka mid ah kontoroollada Caasimadda.

Hay’adaha amniga ayaa wada baaritaan hordhac ah, si sharciga loo horgeeyo shaqsiyaadka ka tirsan cadawga ummadda Soomaaliyeed ee soo maleegay falalka guracan ee lagu qalqalgelinayo bulshada.

DHAMMAAD

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir, G/Sare Mahdi Omar Muumin, ayaa qaabilay Maxamed Ciise Daahir, oo ah ...
17/08/2026

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir, G/Sare Mahdi Omar Muumin, ayaa qaabilay Maxamed Ciise Daahir, oo ah ardaygii galay kaalinta 1-aad ee imtixaanka dugsiyada sare ee dalka.

Taliyaha ayaa kula dardaarmay, kuna bogaadiyay dadaalkiisa, isaga oo sidoo kale dhiirrigeliyay Maxamed iyo ehelkiisa, Waxa uu xusay in arday kasta oo dadaala, kaalinna ka gala Waxbarashada la maamuusi doono, si loo dhiirrigeliyo loona soo saaro jiil waxbartay oo wax tara dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD.

Waxaa la raadinayaa gabadhan yar oo ka luntay ehelkeeda, Gabadha oo lagu magacaabo SUCAADO ABDULLAHI HASSAN ayaa ka soo ...
17/08/2026

Waxaa la raadinayaa gabadhan yar oo ka luntay ehelkeeda, Gabadha oo lagu magacaabo SUCAADO ABDULLAHI HASSAN ayaa ka soo luntay Xaafadda Towfiiq ee Caasimada Muqdisho.

Haddaba, cid kasta oo aragta waxaa laga codsanayaa inay ku hagaajiso saldhigga ugu dhow ama ay soo wacdo lambarka gaaban ee Booliiska 991, si ehelkeeda loola mideeyo.

Ambad: Ciidanka Booliiska Caasimadda, Saldhigga Hilwaa, ayaa gacanta ku haya wiilkan oo  qaba xanuun dhimirka, kaas oo a...
05/08/2026

Ambad: Ciidanka Booliiska Caasimadda, Saldhigga Hilwaa, ayaa gacanta ku haya wiilkan oo qaba xanuun dhimirka, kaas oo aan awoodin inuu bixiyo xog sahli karta in lala xiriiro ehelkiisa, maadaama uu xaaladdiisa caafimaad awgeed mararka qaar miyir beelo.

Sidaa darteed, ehelkiisa ama cid kasta oo garanaysa wiilkan waxaa laga codsanayaa inay la xiriiraan Saldhigga Booliiska Hilwaa ama ay wacaan lambarka gaaban 991 si loo fududeeyo dib ula midaynta qoyskiisa.

Ciidanka Booliska Caasimadda, Saldhigga C/Casiis, ayaa gacanta ku dhigay laba eedeysane oo ku kacay falal lid ku ah ansh...
23/07/2026

Ciidanka Booliska Caasimadda, Saldhigga C/Casiis, ayaa gacanta ku dhigay laba eedeysane oo ku kacay falal lid ku ah anshaxa, dhaqanka suuban iyo qiyamka bulshada, kuwaas oo caadaysatay inay barta TikTok ku soo gudbiyaan muuqaallo dhaqan-xumo ah.

Labada eedeysane ayaa hadda ku jira gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxk**adda ku shaqada leh.

Dhalinyarada waxaa mar kale looga digayaa falalka anshax-xumada ah iyo inay ka feejignaadaan si qaldan u isticmaalka baraha bulshada, Qof kasta oo lagu helo falal anshax-xumo ah waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo waafaqsan sharciga.

DHAMMAAD.

Address

Shingani District Jubba Junction
Mogadishu
252

Telephone

+252613222293

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share