Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir

Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir

Share

Boggaan waxaa iskale Taliska Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banadir.

25/05/2026

“Shacabka Caasimadda iyo hay’adaha amniga waa soo jeedaan, maleeshiyaad la soo abaabulayna ma carqaladayn karaan amniga, Ciidanka Boliiska Waa ka hortagayaan fal-dambiyeed kasta oo lid ku ah amniga.”

G/sare Mahdi Omar Muumin
Taliyaha Boliiska G.banaadir

25/05/2026

Taliye Macalin Mahdi “Mas’uul h**e ha ahaado ama qof kale ha ahaadee, si sharci ah ayaa looga hortagayaa qof walbo Oo carqald ku ah amniga gacan adag ayaana lagu qabanaa “.

25/05/2026

Taliye Macalin Mahdi “Caasimaddu waxay ku jirtaa jawi amaan ah, Qof kasta oo lid ku ah amniga iyo xasilloonida, gacan adag ayaa lagu qabanayaa, Mas’uul h**e ha ahaado ama qof kale ha ahaadee, si sharci ah ayaa looga hortagayaa fal-dambiyeed kasta.”

Photos from Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir's post 22/05/2026

Muqdisho, 22 May 2026: Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed,Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, ayaa gacanta ku dhigay eedaysanayaal ku lug lahaa falal abaabulan oo rabshado iyo saxmad looga sameeyay baro hubin ay ciidamada amnigu ka sugayeen amniga Caasimadda.

Eedaysanayaashan oo abuuray xaalado khatar ku ah amniga, xasilloonida iyo isu socodka bulshada, ayay ciidamada amnigu ka qabteen Goob Amniga laga sugayay, Waxaana hadda ku socda baaritaanno hordhac ah, iyadoo loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh, Sidoo kale, hay’adaha amniga ayaa weli ku daba jira shaqsiyaad kale oo ku lug leh falal noocan oo kale ah, si sharciga loo Waafajiyo.

Hay’adaha amniga waxay markale bulshada ugu baaqayaan inay ka fogaadaan falal abaabulan oo lid ku ah amniga, xasilloonida iyo isu socodka Caasimadda. Waxaa sidoo kale la ogeysiinayaa bulshada inaan la oggolayn bannaan-baxyo ama isu imaatin aan sharciyeysneyn oo aysan fasaxin hay’adaha amniga, islamarkaana aan la qaban karin iyadoo aan la marin habraacyada amni ee Muhiimka ah .

Cid kasta oo lagu helo falal rabshadaysan ama wax u dhimaya amniga guud, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo waafaqsan sharciga dalka.

DHAMMAAD.

20/05/2026

“Meel nabdoon, maskax iyo maalba way ku hanaqaadaan, nabad wax lagu waayayna colaad laguma helo.”

Nabadda waa aasaaska horumarka bulshada, Marka ay jirto nabad, waxaa kobca waxbarasho, ganacsi iyo nolol wanaagsan, Colaaddu wax ma dhisto, balse waxay burburisaa rajada iyo horumarka.

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxay mar walba diyaar u yihiin ilaalinta amniga iyo xasilloonida bulshada, Aan wada ilaashanno nabadda si aan u gaarno horumar waara.

16/05/2026

Ambat: Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Saldhigga Degmada C/Casiis ayaa gacanta ku haya wiilkan yar oo lagu magacaabo Maxamed Jabriil Maxamed, ina Khadiijo Axmed Jaran.

Wiilku ma bixin karo xog sahli karta in lala xiriiro ehelkiisa, hase yeeshee waxa uu sheegay inuu kasoo lumay xaafadda Xariiryaale ee degmada Warta-nabada.

Waxaa lagu wargelinayaa ehelkiisa ama cid kasta oo garanaysa inay ugu yimaadaan Saldhigga Booliiska Degmada C/Casiis ama ay la soo xiriiraan lambarka gaaban ee 991.

DHAMMAAD

10/05/2026

Taliye Macalin Mahdi “Amnigu shaqo kuma laha siyaasadda, Haddii aad rabtaan bannaanbax, hubkiinna guryaha uga soo taga, Ma aqbaleyno falal rabshado wata oo hubeysan lid-na ku ah amniga iyo xasilloonida Caasimada”.

10/05/2026

WARGELIN & DIGINIIN AMNI

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliiska Gobolka Banaadir, waxay bulshada ku nool Caasimadda Muqdisho ku wargelinayaan in maalinta berri ah aan la oggolaan doonin bannaanbaxyo hubeysan, falal rabshado wata, iyo isu-soo-bax kasta oo khatar gelin kara amniga iyo xasilloonida Caasimadda.

Hay’adaha Ammaanka waxay caddeynayaan in kaliya la oggol yahay isu-soo-bax nabadeed oo waafaqsan sharciga dalka iyo nidaamyada amniga, kaas oo loo asteeyay inuu ka qabsoomo EGN Yariisoow, Sidoo kale, lama oggola in lagu dhex qaato hub, abaabul rabshado, ama falal qalqal gelin kara shacabka.

Shacabka waxaa lagu adkeynayaa inay ka fogaadaan kooxaha iyo shaqsiyaadka ku howlan hurinta rabshadaha iyo falalka lidka ku ah amniga guud.

Ciidanka Ammaanka waxay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu helo falal sharci-darro ah ama ku lug lahaanshaha bannaanbaxyo hubeysan.

Ugu dambeyn, shacabka Soomaaliyeed waxaa loogu baaqayaa inay la shaqeeyaan Hay’adaha Ammaanka si loo ilaaliyo nabadda, deganaanshaha, iyo Xasiloonida Caasimadda Muqdisho.

DHAMMAAD

Photos from Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir's post 07/05/2026

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Boliiska Caasimadda, ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysaneyaal ku howlanaa abaabulka falal rabshado ah oo lid ku ah amniga iyo xasilloonida Caasimadda.

Eedeysaneyaashan oo kala ah: Cabdihakim Muxyadiin Sheekh Cali, Muscab Mire Indhayare, Cabdulxamiid Cabdikariin Xuseen iyo Xamdi Cabdi Caddow, ayaa ku eedeysan ku lug lahaanshaha falal abaabulan oo khatar ku ah amniga iyo deganaanshaha Caasimadda.

Dhammaan eedeysaneyaasha waxaa hadda ku socda baaritaanno hordhac ah, waxaana loo gudbin doonaa hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh si loo marsiiyo habraaca sharciga.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Boliiska Caasimadda, Waxay uga digayaan cid kasta oo ku howlan falal lid ku ah amniga iyo xasilloonida bulshada, in laga qaadi doono tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga dalka.

DHAMMAAD

26/04/2026

Ambat: Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga Degmada C/casiis ayaa gacanta ku haya wiilkan yar oo lagu magacaabo Cali Sakariye Islaaw, Wiilku ma bixin karo xog sahli karta in ehelkiisa lala xiriiro, mana garanayo halka uu ka soo lumay, Da’diisuna waa 6 jir.

Waxaa lagu wargelinayaa ehelkiisa ama cid kasta oo garanaysa inay ugu yimaadaan Saldhigga Booliska Degmada C/casiis, ama ay la soo xiriiraan lambarka gaaban ee 991.

DHAMMAAD

15/04/2026

Amniga iyo xasilloonida Muqdisho waxay ku timid aragtida madaxda sare ee dalka, dadaalka joogtada ah ee saraakiisha amniga, iyo isku-duubnida ciidamada iyo bulshada.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Shingani District Jubba Junction
Mogadishu
252