Ciid wanagsan Bulshayaheey .
Waxaan bogaadineynaa hadalka Uu ka dhawaajiyeey Madaxweyne Dr Xassan Sheilh Maxamuud ee ah in gogal siyaasadeeed uu u fadinayo Siyaasiinta dibad jooga ah ama siyaasiinta mucaaradka ah sidoo kale Ururarad bulshada, dhaqanka iyo Haweynka .
Waan soo dhaweeneynaa waana ku amaaneynaa in madaxweynaha uu qaato qaraarkaas waana mid lawada sugayeey bulshaduna ay u oomaneyn in la hello siyaasad loo dhanyahay .
Ololaha matalaada dhalinyarada Soomaaliyeed waxa uu door weyn ka ciyaaraa Arimaha siyaasada iyo isdhaxgalka bulshada soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada.
Ololaha Matalaada Dhalinyarada Soomaliyeed Ee BJFS
Sultaan Cowsey Magaalo
Ololaha Matalaada Dhalinyarada Soomaliyeed Ee BJFS
Ololaha matalaadda dhalinyarada somaliyeed waa madal u taagan helida xuquqda matalaadda dhalinyarada ee hey'adaha kala duwan ee dalka
Ciid wanaagsan Dhammaan Muslimiinta , gaar ahaan Soomaali Maxamed .😍🥰
Ololaha Matalaada Dhalinyarada Soomaliyeed Ee BJFS
✍️
Maxamed Telekis
CIID WANAAGSAN
Dhammaan umadda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda barakaysan ee Fidriga, anagoo Alle ka baryeyno in uu naga aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee aynu gudannay bishii Ramadaan.
Ciid Mubaarak
Ololaha Matalaada Dhalinyarada Soomaliyeed Ee BJFS
29/03/2025
Doorka ay ka ciyaari karaan Dhalinyarada siyaasadda, dhaqanka iyo Dhaqaaalaha Dalka.
Qeybta kowaad : Siyaasadda Dhalinyarada.
Dhalinyaradu waxa ay door muhiim ah ka ciyaari karaan siyaasadda, dhaqanka, iyo dhaqaalaha dalka, waxaana si weyn loogu tixgeliyaa bulshada inteeda kale, sabaabtuna waa in lagu sheego in ay bulshada kayihiin 75% ( todobaatan iyo shan boqolkiiba ) Hase ahaatee dhalinyarada maka soo dhalashaa doorka laga siiyey bulshada ?
Hoos waxaa ku xusan doorka ay dhalinyarada ka ciyaari karaan siyaasadda, dhaqanka, iyo dhaqaalaha:
1. Doorka Dhalinyarada ee Siyaasadda
Ka qaybgalka siyaasadda: Dhalinyarada waa qayb muhiim ah oo ka mid ah awoodaha codbixinta doorashooyinka dalka . Si kastaba ha ahaatee, badankood waxa ay dareemaan in siyaasadda aysan ka turjumayn baahiyaha ay qabaan iyo aragtidooda.
Waxaa sidoo kale jirta xaddidaadyo ku saabsan fursadaha dhalinyarada ee ka mid noqoshada hogaanka siyaasadeed, taasoo ka dhigan in aysan ku baraarugsaneyn Ahmiyada ay dhalinyarada u leedahay ka qeyb galka siyaasada, hogaaminta dadka iyo dalka.
Dhalinyarada waxa ay soosaari karaan hoggaamiyeyaal cusub oo ku saleysan fikirka iyo aragtida casriga ah ay ka leeyihiin siyaasada iyo hogaaminta, tani waxay keeni kartaa isbeddel siyaasadeed oo cusub, iyadoo ay dhalinyaradu soo bandhigi karaan siyaasad cusub oo diiradda saaraysa arrimaha ay ka qabaan, sida Waxbarashada , caafimaadka , shaqo la'aanta, cadaaladda, iyo xuquuqda bulshada.
Sidee dhalinyarada u abuuri karaan isbeddelada siyaasadeed iyo mid dhaqaale ?
Dhalinyarada waxay inta badan horseedi karaan isbeddellad siyaasadeed gaar ahaan xilliyada Kacdoonada ama isbeddelada Hogaaminta. Tusaale ahaan, dhalinyarada ayaa kaalin muhiim ah ka ciyaara xoojinta ama hagaajinta nidaamyada dimuqraadiyadeed ee dalka, Iyaga oo ka qeyb galaya doorashooyinka, xisbiyada siyaasadda, iyo arrimaha bulshada, sidoo kale waxay saameyn ku yeelan karaan go'aanada la gaaro iyo siyaasadaha loo dejiyo dalka.
Xoojinta Dimuqraadiyada waa doorka ugu weyn ay dhalinyarada uga qeyb gali karaan siyaasada iyaga oo dooran kara hogaamiye xambaarsan fikirka iyo aragtida casriga ah ee dhalinyarada soomaaliyeed ,
In dhalinyarada ay xaqiijiyaan dimuqraadiyada waxay ka tarjumaysaa xuquuqda ay dhalinyaradu u leeyihiin inay fikradahooda iyo aragtidooda u muujiyaan si xor ah. Xorriyadda hadalka iyo isku soo ururinta fikradaha kala duwan waxay dhalinyarada siin kartaa awood ay ku dhexgalaan siyaasadda.
Dhalinyarada waa in ay xooga saraan ka qeybgalka shirarka siyaasada dhalinyarada caalamiga ah, go'aanada siyaasadeed ee gobolka ama dunida, iyada oo la adeegsanayo awoodda tiknoolajiyada iyo xiriirka bulshada.
Qoraaga qormadaan : Madaxa dhallinyarada iyo isku xirka ururadda ee Ololaha Matalaada Dhalinyarada Soomaliyeed Ee BJFS : Mudane Maxamed faarax cowsey ( Macallin Suldaan ).
Sultaan Cowsey Magaalo
15/05/2024
Waxaan Hambalyo Lee yahay Dhamaan Dhallinyarada Soomaaliyeed Meel walba oo aad jogtaan miiy iyo magaalo dal iyo dibadba , Malinta Dhainyarada Soomaaliyeed 15 May waa malinta Halgamayaasha SYL .
Markale Hambalyo Dhalinayara 🙏😍🙏
Ololaha Matalaada Dhalinyarada Soomaliyeed
Astaan Qaran Mohamed Abdullahi Farmaajo & Hassan Sheikh Mohamud
15/05/2024
Waxaan Hambalyo Lee yahay Dhamaan Dhallinyarada Soomaaliyeed Meel walba oo aad jogtaan miiy iyo magaalo dal iyo dibadba , Malinta Dhainyarada Soomaaliyeed 15 May waa malinta Halgamayaasha SYL .
Markale Hambalyo Dhalinayara 🙏😍🙏
Ololaha Matalaada Dhalinyarada Soomaliyeed
Gudoomiye Abdikafi Mohamud Makaran Hambalyo Hambalyo Hambalyo
15/05/2024
Waxaan Hambalyo Lee yahay Dhamaan Dhallinyarada Soomaaliyeed Meel walba oo aad jogtaan miiy iyo magaalo dal iyo dibadba , Malinta Dhainyarada Soomaaliyeed 15 May waa malinta Halgamayaasha SYL .
Markale Hambalyo Dhalinayara 🙏😍🙏
Ololaha Matalaada Dhalinyarada Soomaliyeed
Sultaan Cowsey Magaalo Hambalyo Hambalyo Hambalyo
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Maka Almukarama
Mogadishu
