Taliska qeybta43 Ciidanka xooga dalka Somaliyeed

Taliska qeybta43 Ciidanka xooga dalka Somaliyeed

Share

Taliska qeybta43 Ciidanka xooga Dalaka Wararka iyo gulaha ciidanka xooga Dalaka

29/03/2026

Koyaladan qaraxu usan qawan tiknikadan qufulan qori saranyahey qarka nowada gesinima u qirey

19/03/2026

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibrahim Maxamed Maxamuud ayaa Hambalyo Ku Aadan Munaasabada Ciidul Fidriga ah u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka

19/03/2026

Taliyaha Qaybta 43aad ee Ciidanka dhulak ee XDS aad ayaa umadda somaliyed ugu hambalyeeyay dhalashada ciidul fidriga wuxuna alle uga baryay inuu sanadkan sanadkiisa kale alle nabad ku gaarsiiyo

15/02/2026

Coming soon dhaanto cusub ciidamada jubalaan
Cabdi wali Xasan Dhuux iyo ubax darajo

15/02/2026

Baqtiga iyo Dhaawacyada Maleeshiyaadka Khawaarijta oo Wali Laga Soo Aruurinayo Howdka Badda Madow

15/02/2026

DAAWO: Qaraxyadii iyo Saanaddii Laga Qabtay Argagixisada 💥💪

13/02/2026

Hoggaan Geesi ah oo Askarta Haga Taliyaha Qeybta 43-aad

12/02/2026

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland oo howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeyay degaano hoosyimaado degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

12/02/2026

DEG-DEG: GOBOLKA JUBBADA HOOSE OO LAGU DILAY HOGGAAMIYE SARE OO KA TIRSAN MALEESHIYAADKA KHAWAARIJTA

KHASAARAHA GAARAY MALEESHIYAADKA KHAWAARIJTA – DAGAALKII DEEGAANKA MAANBIILE EE HOOSTAGA DEGMADA JAMAAME

Warar laga helayo ilo-wareedyo dhanka amniga ah ayaa xaqiijinaya in dagaal kii aad u cuslaa ee ka dhacay deegaanka Maanbiile, oo hoostaga degmada Jamaame, lagu dilay mid ka mid ah saraakiishii ugu miisaanka cuslaa ee maleeshiyaadka Khawaarijta.

👤 Waa kuma sarkaalka la dilay?

Sarkaalka geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Khadaab, wuxuuna kooxda dhexdeeda ka hayay xilal muhiim ah oo isugu jiray:
• Amiirka Guutada (Battalion Commander)
• Abaanduulaha dagaalka
• Kuxigeenka Madaxa Jabhadaha ee Gobolka Jubbada Hoose

Khadaab waxa uu ka mid ahaa saraakiisha ugu khibradda badan dhanka milatariga, isaga oo muddo 12 sano ah ka dhex dagaallamayay gobollada Jubooyinka. Sidoo kale, waxa uu dhawaan ka soo laabtay gobollada dhexe ee dalka, halkaas oo uu kaga qayb-galay dagaalladii ka socday Hirshabelle iyo Galmudug.
Dagaalka oo ahaa mid aad u qadhaadh, ayaa sababay khasaare baaxad leh. Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in khasaaraha gaaray maleeshiyaadka Khawaarijta uu si kordhaya u sii badanayo, iyadoo tirada dhimashada lagu qiyaasayo in ay kor u dhaaftay 100 maleeshiyaad iyo horjoogayaal isugu jira.

10/02/2026

Jabka gaaray
Maleeshiyaadka Khawaarijta
ee ku sugan duleedka
Degmada Jamaame. iyo maanay

10/02/2026

Dagaal Culus oo ka Dhacay Maanbile – 70 Khawaarij ah oo Lagu Laayay

Photos from Taliska qeybta43 Ciidanka xooga dalka Somaliyeed's post 10/02/2026

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 11-aad ee Qeybta 43-aad, iyo Kumaandooska Danab, oo kaashanaya Ciidamada Nabad-Sugidda Jubbaland, ayaa guul weyn ka gaaray dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Maanbile, ee jiinka Wabiga Jubba, duleedka degmada Jamaame.

Dagaalka oo qaatay ku dhowaad afar (4) saacadood ayaa ku billowday weerar qorsheysan oo ay ciidamadu ku qaadeen godad ay maleeshiyaadka Khawaarijta ka qoteen jiinka wabiga.

Intii uu socday dagaalka, Khawaarijtu waxay adeegsadeen dhammaan xeelado ay isku difaaci karaan, balse ciidamadu waxay muujiyeen adkaysi, isku-duubni iyo geesinimo sare, iyagoo si buuxda u galay godadkii ay Khawaarijtu ku dhuumaalaysanayeen.

Ugu dambeyn, waxaa si buuxda loo jabiyay Khawaarijtii ku sugneyd godadkaas, iyadoo duqeymaha cirka ay door weyn oo wax ku ool ah ka qaateen guusha la gaaray.

Khasaarihii gaaray Khawaarijta ayaa la xaqiijiyay inuu dhimasho ahaan gaarayo ilaa 70 xubnood, halka tiro kalena ay halkaas ku gaareen dhaawacyo culus.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland ayaa mar kale muujiyay in guulaha la gaarayo ay saldhig u yihiin iskaashi dhab ah, wada-jir iyo hawlgal mideysan.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address

Mogadishu
25