14/01/2025
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay dhowr jeer isku dayeen in ay ka hortagaan gantaal laga soo riday Yemen subaxnimadii h**e ee saakay, taasoo keentay in ay qeylo dhaan ka soo yeerto seeriga Israa’iil oo dhan. War qoraal ah oo la sii daayay abaare 3:30 AM xilliga gudaha dalka Mareykanka (01:30 GMT) ayay ciidamadu ku xaqiijiyeen in dhawaqa seeriga laga maqlay deegaanno badan oo gobolka oo dhan ah, taasoo keentay in jawaab degdeg ah laga bixiyo. "Iyadoo la shiday seeriga dhowr meelood, waxaan bilownay isku dayo fara badan oo ka dhan ah gantaalka laga soo ganay Yemen," ayaa lagu faah faahiyay bayaanka. Inkasta oo ay ciidamadu sheegeen in ay u badan tahay in si guul ah loo soo qabtay gantaalka, waxa ay sidoo kale xuseen in aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay shilkaas, kuwaas oo la sheegay in ay dejiyeen intii ay xiisaddu jirtay.
11/01/2025
Biyiihi Ayaa shaqeyn waayey:
Iyadoo dabkii uu sii laba kaclayeey gudoomiyaha gobolka California Gaven Newsom ayaa ku dhawaaqay in baadhitaan deg deg ah lagu sameenayo sababta dhuumaha biyaha ee dab demiska loogu talo galay iyo qasabaduhu u shaqeyn waayeen.
Qasabadaha dab demiska ee wadooyinka qarkooda ayaa lumiyey cadaadiska- biyihiina balayaa cunaha u fadhiisatay.
Yaabkii ugu weynaa ayeey arintan ku noqotay xeeldheeryaasha.
17/12/2024
Maqaal kaan cajiib ka ah waxaa la isku weydiinayaa "maxay ciidamada carbeed si fudud ugu dumaan oo u kala cararan?!" Ciidmada carbeed markii kor ka laga soo eego aad bay xoogyo waaweynyihiin aad ayayna cabsi ugu abuuraan shucuubtooda, laakiin markii ay xaalad kharaar tagto iyo dagaal fool ka fool ah way kala yaacaan oo si foolxumo iyo fadeexad leh ayay u dumaan.
Kasoo bilow ciidmadii Qadaafi oo hal mar kala yaacay iyagoona dagaalba gelin, ku xiji kuwii Ciraaq 2014 ee magaalada Moosil uga cararay Daacish, ku xiji kuwii Suuriya ee maalin kii dhawayd kala yaacay iyo xitaa kuwii Saddaam Xuseen ee 1991 Kuwayt galay sida foosha xunna loo soo jabiyay. Xitaa kuwa soomaalida oo iyaguna jaamacadda Carabta ku jira ku dar. Dhibta ugu weyn ee ciidamada carbeed haysta waa inay wax mabda' iyo mowqif ah ku dhisnayn oo hadba qoys kii iyo kooxdii waddan ka haysta ay maamulato.
Tusaale ahaan muddo 12 sano ah ciimadii Suuriya waxay ku dagaallamyeen halku dhig ah 'بالروح وبالدم نفديك يا بشار/ nafteenna iyo ruuxdeenna waan kugu furanaynaa oo kuu huraynaa Bashaarow. ' yacnii waddan ka oo dhan waxaa ka muhiimsan qoys ka reer Asad. Arrimo badan oo kale oo ciimada carbeed fashiliya ayaa maqaal ka ka buuxa sida musuqmaasuqa xargaha goostay iyo inaan askarta la siin mushaaraad ku filan oo baahiyahooda daboola, in qoysas ka ladan ama xiriir ka la leh madaxda aysan carruurtooda u oggolaan in ciidan ka ay galaan oo dabaqadda hoose ee mujtamaca la ciidameeyo.
Dad kii u malaynayay in ciidan ka Suuriya uu ilaa 2012 kii uu awooddiisa isaga caabinayay mucaarad ka, wuxuu waagu ku baryay qolyahaas oo ay ku jiraan dawladaha Khaliij ka oo Bashaar soo dhawaysanayay wayadii dambe, markii Iiraan ay yaqiinsatay in Xisbullaahi tabaryareeyeen oo aysan Suuriya kasii dagaallami karin, Ruush kuna go'aansaday inuusan Bashaar sii daaficin oo Yukrayn uu xoogga saaro, markaas ayay mucaarad ku 12 beri keliya ku qabsadeen Ilaa Dimishiq. 12 sano (tan iyo 2013) waxaa mucaarad ka hortaagnaa quwado shishieeye (Ruush iyo Iiraan) markay meesha ka baxeenna ciidaan kii Suuriya waa kala dhuunteen. Ciidan walba oo quwado shisheeye isku dhiiba oo aamina saas ayaa u dambayn doonta, Afganistaan ayaa tusaale wacan u ah.
✍️wararka Caalamka
07/12/2024
Bashaar Al-Assad , wuxuu diyaar u yahay in la meelmariyo dastuur cusub iyo wada-xaajood lala yeesho mucaaradka..!
30/11/2024
Waxay ila tahay waxbadan oo aysan qorsheyn xataa dhaqdhaqaaqyada mucaaradka inay ku kacayaan— horumarkooda dagaalka ma aha dhab ahaantii wax lagu qorsheyn karo miis ka hor xaaladan! dabcan tani waxay ku dhacaysa inay arkayaan mucaaradka inaysan jirin ciidanka ka amarqaata Bashaar oo la dagaallami kara, runtii farxad badan ayaa ka dhex jirta qolalka mucaaradka , si ka duwan dhinaca Assad iyo dhinacyada taageerra, sidoo kale xaalad ka sarreysa dagaalka ayuu ka wajahay warbaahinta iyo dareenka bulshada , Bashaar Al-assad.
Maxaa u sabab ah horumarka mucaaradka?
Waa wax layaab ila noqday waxa ka socda Suuriya , laakin wax walba waxay suragal ila noqdeen marka aan dib u raacay waxa ka jira gudaha Suuriya— xaqiiqooyinka waa kuwo si la mid ah suragal ay kula muuqanayso wax walba oo hadda layaab kula muuqda!
Xaaladda dhaqaale ee Suuriya , ayaa ka gudubta xariiqinta faqriga, tana waxay keentay xataa ciidanka u dagaallamaya Assad inaysan helin wax ay ku maareyn karaan qoysaskooda, taa oo xataa suragal ah inay saameyso mustaqbalka dagaalka ee Bashaar Al-assad , waxa ugu weyn ee uu raadinaya hadda ma aha hub, waa inuu helaa ‘lacag’.
Dadka Suuriya, waxay ka daaleen isbeddel uu gacmihiisa ku dhalin karo Bashaar, sababtoo ah qoys kasta oo Suuriyaan bishii (soddon maalin) waxay helaan kaliya $20 , ma jiraan adeegyo bulsho oo wada gaaray dadka, sida korontada, caafimaadka,waxbarashada iyo wixii la mid ah. Mana jirto nooc kasta oo shaqo ah oo qof Suuriyaan ah uu ka qaban karo gudaha Suuriya — dadku aad ayay uga niyad-jabeen ku noolashaha gacanta Assad, wax walba waxay ka joogta marxaladdii u dambeysay, taa oo shaqo joojin gelisay ciidankii u dagaallamayay Assad. Mana jirto qof doonaya inuu u dagaallamo Bashaar.
Saacadaha ama 48 saac ee soo socota waa u muhiim mustaqbalka Suuriya , haddii la arki inay ka gudbayaan mucaaradka Xumus, markaa runtii Assad waa inuu ka baxa Dimishiq, ama awooddiisa ayaa goobta lagu tijaabin doonaa oo dagaal dhab ah ayuu kala hortagayaan dhaqdhaqaaqyada mucaaradka..!
30/11/2024
Taliyaha Ilaalada Kacaanka Iran: Maleeshiyada dhawaan gacanta ku haysay aagagga waxay hoos yimaadaan hoggaanka iyo tilmaamaha Israel.
¤ share and flowe and like 👍 👍🙏
27/11/2024
DEGDEG: Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Ka Dalbaday Maxkamadda Sare Waaran Soo Qabasho ah oo Loo Jaray Axmed Madoobe oo Lagu Eedeeyay Khiyaano Qaran
22/11/2024
🚨Wadamada Italy, Canada, Turkey, Colombia, Switzerland iyo Belgium ayaa sheegay in ay raacayaan go'aankii ay soo saartay maxkamada ICC-da ee ahaa in lasoo xiro Benjamin Netanyahu iyo Yoav Gallant si loogu maxkamadeeyo xasuuqa iyo dambiyada dagaal ee ay galeen.
FIIRO gaar ah: Malaga yaabaa in wadamada reer galbeedka ay dhowri doonaan go aanka maxkamada ICJ Iyada oo la og yahay in kabiirka weyn Mareykanku uu diidey go aanka maxkamada ICJ !
sidee kula thy ra igaaga ka dhiibo mhdsnd
03/11/2024
Trump: Waxaan soo afjari doonaa fowdada ka jirta Bariga Dhexe #ا24 😜🫰
30/10/2024
Trump ayaa usoo jeedinaya Lubnaanida ku nool Mareykanka inay isaga u codeeyaan si bariga dhexe iyo Lubnaan ugu soo celiyo xasilloonida, hadda Trump ayaa colaadda bariga dhexe u adeegsanaya hab olole oo uu ku ballanqaadayo si dhaqso ah inuu xasilloonida ugu soo celinayo.
Fiiro gaar ah;
Trump waxaa jirta xiriir qoys oo uu la leeyahay Lubnaanida — gabadhiisa Tiffany , waxaa qaba nin dhallinyaro ah oo ka jeeda qoys Lubnaani oo ganacsato ah.
Wuxuu leeyahay Trump , dabeecad uu siyaasadiisa door ku siiyo ragga qaba gabdhihiisa, waxaa ololihiisa door weyn ka qaadanaya Massad Boulos oo ah ganacsade u dhashay Lubnaan oo u guuray Texas isaga oo dhallinyaro ah, ku hadla Carabi, Ingiriisi iyo Faransiis, wuxuuna dhalay ninka qaba gabadha Trump — isagoo qaabilsan ololaha Carabta- Mareykanka ah wuxuu ku qancinaya bulshada Carabta sidii ay ugu codeyn lahaayeen Trump , halkii ay codkooda siin lahaayeen Harris, wuxuu u muuqda dadaalkaa mid natiijo lagu gaaray, kaddib markii la arkay gobolka muhiimka ah ee Michigan oo ay Carabtu ku badanyihiin inuu hadda taageerro ka helayo Trump.