13/03/2023
Guddiga KMG ee doorashooyinka ayaa shahaadada xildhibaannimada guddoonsiiyay mudane Mukhtar Mohamed Mursal, kaasi oo ku guulaystay kursiga tirsigiisu yahay GSH # 176.
Bogga Rasmiga Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal ee 2020-2021
13/03/2023
Guddiga KMG ee doorashooyinka ayaa shahaadada xildhibaannimada guddoonsiiyay mudane Mukhtar Mohamed Mursal, kaasi oo ku guulaystay kursiga tirsigiisu yahay GSH # 176.
12/03/2023
Kursiga tirsigiisu yahay GSH # 176 oo doorashadiisu ka qabsoontay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku tartamayay labada murashax ee kala ah Mukhtar Mohamed Mursal iyo Khadiijo Samow Abdi.
Wadarta Ergada soo xaadirtay kooramka ayaa ahayd 101. Codaynta Doorashada markii la gudogalay ayaa waxaa tanaasulay Khadiijo Samow Abdi, sidaasna waxaa gacantaag loogu codeeyay Mukhtar Mohamed Mursal. 101 ayaa tiri HAA, mana jirin wax diiday ama ka aamusay. Sidaas ayuu Mukhtar Mohamed Mursal ku helay 101 cod, kuna noqday Guulaystaha Kursiga tirsigiisu yahay GSH # 176. Waxaan mudane Mukhtar Eebbe uga baryaynaa inuu ku asturo xilka culus ee loo doortay.
11/03/2023
Laba musharax ayaa isu diiwaan galiyay kursiga tirsigiisu yahay GSH # 176 oo maalinta Axadda ah ay doorashadiisu ka qabsoomi doonto magaalada Baydhabo.
10/03/2023
Guddiga KMG ee doorashooyinka waxuu shaacinayaa magacyada Guddiga xulista ergada ee kursiga tirsigiisu yahay GSH # 176.
09/03/2023
Guddiga KMG ee doorashooyinka ee dhamaystirka kuraasta ka bannaan baarlamaanka 11aad waxuu shaacinayaa jadwalka doorashada ee kursiga tirsigiisu yahay GSH # 176 oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Baydhabo.
09/03/2023
Guddiga KMG ee doorashooyinka oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa kormeer ku tagay hoolka ay ka dhici doonto doorashada kursiga tirsigiisu yahay GSH # 176.
26/02/2023
Guddiga KMG ee doorashooyinka ayaa shahaadada xildhibaannimada guddoonsiiyay Dr. Mohamed Sheikh Ahmed Mohamed, kaasi oo ku guulaystay kursiga tirsigiisu yahay GSH # 086.
25/02/2023
Kursiga tirsigiisu yahay GSH # 086 oo doorashadiisu ka qabsoontay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku tartamayay labada murashax ee kala ah Cabdirisaaq Bukhaari Axmed iyo Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed.
Wadarta Ergada soo xaadirtay kooramka ayaa ahayd 98. Codaynta Doorashada markii la gudogalay ayaa waxaa tanaasulay Cabdirisaaq Bukhaari Axmed, sidaasna waxaa gacantaag loogu codeeyay Maxamed Sheikh Axmed Maxamed. 98 ayaa tiri HAA, mana jirin wax diiday ama ka aamusay. Sidaas ayuu Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed ku helay 98 cod oo kamid ah tirada ergada ee kooramka fadhiday, kuna noqday Guulaystaha Kursiga tirsigiisu yahay GSH # 086. Waxaan Dr. Maxamed Eebbe uga baryaynaa inuu ku asturo xilka culus ee loo doortay.
24/02/2023
Guddiga KMG ee doorashooyinka iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Gen. Sulub oo xalay kormeer wadajir ah ku sameeyay Hoolka lagu qabanaayo doorashada kursiga GSH # 086. Guddoomiyaha Guddiga iyo xubno kale ayaa sidoo kale caawa hubintii ugu dambaysay ku soo sameeyay hoolka.
23/02/2023
Laba musharax ayaa is diiwaan galiyay, oo qaatay shahaadada musharaxnimada ee kursiga tirsigiisu yahay GSH # 086, kaasi oo si kumeel gaar ah doorashadiisa loogu qaban doonno caasimadda Qaranka ee Muqdisho.
23/02/2023
Guddiga Xulista Ergada kursiga tirsigiisu yahay GSH # 086.
23/02/2023
Guddiga KMG ee doorashooyinka dhamaystirka kuraasta ka bannaan Baarlamaanka 11aad ayaa shaacinaaya liiska Guddiga Xulista Ergada ee kursiga tirsigiisu yahay GSH # 086.