12/10/2023
Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Dr. Abdiwel Abdillahi Soufi oo booqasho ku jooga dalka Ethiopia ayaa xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda Ethiopia Dr. Belete Molla Getahun, labada wasiir waxa ay ka wada hadleen sidii labada dal ee Ethiopia iyo Somaliland ay iskaashi buuxa uga yeelan lahaayeen arrimaha tiknoolajiyadda oo lafdhabar u ah horumarka dhaqaale ee labada dal.
26/09/2023
XIDHITAANKA KULANKA WADA TASHIGA XEER-NIDAAMIYAYAASHA, HAGAYAASHA, HABRAACYADA IYO HALBEEGYADA CASRIYAYNTA ADEEGYADA DAWLADAHA HOOSE EE SHAN DAGMO.
Hargaysa(26/9/2023)Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL ayaan maanta soo gabo gabaysay kulanka wada tashiga Xeer-nidaamiyayaasha, Hagayaasha , Habraacyada iyo Halbeegyada Casriyaynta Adeegyada Dawladaha Hoose ee shan degmo ( Hargaysa , Burco, Borama, Berbera iyo Gabiley).
Kulankan maanta oo looga dooday laguna faaqiday Hagaha Dagelka iyo Mareegaha Dawladaha Hoose sidoo kalena lagu soo bandhigay System-ka Online ah ee Adeegyada Dawladaha Hoose ku bixin doonaan .
Kulankan maanta waxa la isla qaatay in la dhaqangaliyo xeer-nidaamiyaha Adeegyada iyo Lacag Qabashada Elektrooniga ee Dawladaha Hoose,Hagaha Dagelka iyo Mareegaha Dawladaha Hoose,Habraaca Midaynta iyo Casriyaynta Adeegyada Dawladaha Hoose iyo Hanaanka Cabashada Dadwaynaha ee Dagelka iyo Mareegaha Dawladaha Hoose.
Sidoo kalena waxa la isla qaatay in System-ka Adeegyada Dawladaha Hoose ee Online Services-ka ah tijaabadiisa h**e loo soo gabo gabeeyo si bulsahda loogu dhaweeyo adeegyadaasi.
Gabo Gabadii kulanka waxa soo xidhay La-Taliyaha Madaxwayne ku xigeenka Mudane Sakariye Daahir Cige iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyada JSL Mudane Yuusuf Warsame Xasan.
25/09/2023
KULANKA WADA TASHIGA XEER-NIDAAMIYAYAASHA, HAGAYAASHA, HABRAACYADA IYO HALBEEGYADA CASRIYAYNTA ADEEGYADA DAWLADAHA HOOSE EE SHAN DAGMO.
Hargaysa(25/9/2023)Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL ayaan maanta daahfurtay kulan wada tashi oo ku saabsan Xeer-nidaamiyayaasha, Hagayaasha , Habraacyada iyo Halbeegyada Casriyaynta Adeegyada Dawladaha Hoose ee shan degmo ( Hargaysa , Burco, Borama, Berbera iyo Gabiley).
Kulan kan oo socon doona mudo laba maalmooda , waxa lagu falanqayn doona loogana doodi doona Xeer-nidaamiyaha Adeegyada iyo Lacag Qabashada Elektarooniga ah ee Dawladaha Hoose , Halbeega Midaynta iyo Casriyaynta Adeegyada Dawladaha Hoose , Hagaha Dagelka iyo Mareegaha Dawladaha Hoose iyo Hanaanka Cabashada Dadwaynaha ee Dagelka iyo Mareegaha Dawladaha Hoose .
Waxa kulan kaas kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Mudane Dr. Cabdi-weli Cabdilaahi Suufi Jibriil , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Mudane Yuusuf Warsame Xasan , Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Mudane Maxamed Yuusuf Ismaaciil , Maayirka Caasimada Hargaysa Mudane Cabdikariin Axmed Mooge , Maayirka Boorama Mudane Maxamed Axmed Warsame , Maayirka Burco Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi , Maayirka Mudane Cabdishakuur Maxamed Xasan , Maayirka Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi .
Sidoo kale waxa ka soo qayb galay kulankaasi madax ka kala socota UN-HABITAT, Wasaaradda Maaliyada , Hantidhawraha Guud ee Qaranka , Xafiiska championka , Ururka Dawladaha Hoose ee ALGASL iyo Machadka Dawladaha Hoose.
Kulankaasi waxa ka soo baxay in la fuliyo Xeer-nidaamiyaha Adeegyada iyo Lacag Qabashada Elektarooniga ah ee Dawladaha Hoose, maadaamu uu fudaydinaayo hirgalinta nidaamka casriga ah ee adeegyada Dawladaha Hoose.
08/08/2023
The 5th Annual Somaliland ICT Conference has kick ed off today at Maansoor Hotel Hargeisa , Somaliland.
08/08/2023
Waxa Saaka Hotel Maansoor ee Magaalada Hargaysa ka furmay Shirwaynaha 5-aad ee ICT-ga Somaliland.
03/08/2023
WAR-SAXAAFADEED.
Qodobbada Ka Soo baxay Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta.
Hargeysa-03-08-2023-()-Fadhigii 115aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa war-bixin guud oo la xidhiidha amniga Dalka goluhu ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed. Waxa kale oo goluhu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay qodobbo ay ka mid yihiin dhaqaalaha guud ee dalka.
Sidoo kale, goluhu wuxuu lafo-guray doorashooyinka dalka ku soo fool leh iyo sidii Xisbiga Kulmiye ugu diyaar-garoobi lahaa u tartamidda ka mid noqoshada saddexda Xisbi Qaran ee tobanka Sanno ee soo socda iyo u diyaar garowga shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye u qorshaysan 20-Augst-2023 inuu ka qabsoomo Magaalada Burco.
Dhinaca kale, waxa golaha loo qaybiyey qabyo-qoraalka Xeerka Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo ay soo diyaariyeen Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud, waxaana faah-faahin dheeraada golaha ka siiyey Garyaqaanka Guud.
Ugu danbayn waxa goluhu Dood iyo falanqayn qaadatay laba fadhi ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Qabyo-qoraalka Xeerka Ilaalinta Xogta Elektarooniga ah (Data Protection ACT), iyadoo loo gudbin doono Golayaasha Sharci-dejinta si ay uga gutaan Shaqadooda Dastuuriga ah.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.
28/07/2023
Another special announcement ALERT!!
Minister of MICT welcomes you to the 5th ICT conference to contribute and discuss the future of digital transformation in Somaliland to achieve sustainable development.
Don’t miss out on this powerful conference.
20/07/2023
Hargeysa-20-07-2023-()-Fadhigii 114aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa war-bixin lagaga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Mudane Cabdiweli Cabdillaahi Suufi, warbixintaas oo la xidhiidhay qabyo-qoraalka Xeerka Amniga Tiknoolajiyadda iyo Dembiyada Tiknoolajiyadda Casriga ah (Cyber Security and Cyber Crime ACT) oo golaha loo qaybiyey shirkii h**e, ayaa Wasiirku golaha ka siiyey xogo la xidhiidha muhiimmada uu dalka iyo dadka u leeyahay, iyadoo goluhuna dhinacooda dood iyo falan-qayn dheer ay ka yeesheen xeerkan.
Doodda Xeerkan ka dib waxa uu Goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey, Qabyo-qoraalka Xeerka Amniga Tiknoolajiyadda iyo Dembiyada Tiknoolajiyadda Casriga ah (Cyber Security and Cyber Crime ACT), kaas oo loo gudbin doono Golayaasha Sharci-dejinta si ay uga gutaan Shaqadooda Dastuuriga ah.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha, W.I.T.
06/07/2023
Dhawaan Filo Shirwaynaha 5aad ee ICT_ga Somaliland sanadkan 2023.
22/03/2023
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda JSL, Agaasimaha Guud iyo dhamaanba bahda wasaaraddu waxay ay hambalyo u dirayaan umadda muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland curashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed.
16/03/2023
Munaasibadda xidhitaanka Dufcadii 4aad ee Barnaamijka Kobcinta Adeegsiga Tiknoolajiyadda oo ay hirgalisay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda barnaamijkan waxaa lagu tababaray 205 Arday oo bartay xirfado la xidhiidha Tiknoolojiyadda kaasi oo in mudo ah uga socday Xarunta Hal-abuurka ee Somaliland Innovation Zone iyada oo kaashanaysa xafiiska maalgashiga ee TaiwanICDF.
Ujeedada tababaraddan ayaa daaranaa harumarinta iyo tayeynta xirfadaha tiknoolojiyadda ee guud ahaan qaranka si bulshadu u hesho adeeg hufan oo casri ah lana jaan qaadi kara dunida.
Ardayda qaatay tababarka ayaa ka kala socday shaqaalaha dawlada, Dhallinyarada Jaamacaddaha, haweenka, dadka maqalka naafada ka ah iyo dhamaanba qaybaha kale ee bulshada.