Tagsan Public Notary

Tagsan Public Notary

Share

Welcome to Tagsan public Notary office.

18/02/2026

๐‘๐š๐ฆ๐š๐๐š๐ง ๐Œ๐ฎ๐›๐š๐ซ๐š๐ค! ๐ŸŒ™

Soon qaad wanagsan dhamaan umadda islaamka ah, gaar ahaan bulshada soomaaliyeed. Allaha naga dhigo kuwa ka faaโ€™iideysta bisha barakaysan ee ramadaan.



๐ŸŒ™

08/11/2025

Hambalyo dhamaan saraakiisha sharci yaqaanada ah ee Nootaayooyinka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka banaadir.

UJEEDDO: HAMBALYO XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NOOTAAYOOYINKA ADUUNKA (7 NOVEMBER)

Maanta oo kale markii ay taariikhdu tahay 07 - Nov - 2025 waxaa aduunka laga xusaa maalinta Nootaayada Aduunka (NOTARY PUBLIC DAY)

Dalka Soomaaliya gaar ahaan Ururka Nootaayooyinka waxay u dabaal degaan Maanta oo kale oo ah maalin sharaf iyo qadarin mudan โ€” waana maalin lagu xuso doorka muhiimka ah ee nootaayadu ku leedahay ilaalinta caddaaladda, hufnaanta iyo kalsoonida bulshada. si loo helo Sareynta Sharciga & Cadaalad loo siman yahay.
Ururka Notaayooyinka Gobolka Banaadir waxay halkaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan Nootaayooyinka Ururada Nootaayooyinka Aduunka gaar ahaan Saraakiisha Sharci yaqaanada ee Nootaayooyinka Dalkeenna Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, kuwaas oo Naftooda iyo Aqoontooda u huray ilaalinta xuquuqda dadka iyo hantidooda.
Sidoo kale Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa Bahda Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo hormuud ka ah horumarinta nidaamka nootaayada iyo tayeynta adeegyada caddaaladda dalka.
Sidoo kale waxay ku dhiirrigelinaysaa dhammaan Nootaayooyinka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan shaqadooda si daacadnimo, hufnaan, karti iyo masuuliyad ku dhisan.
Nootaayadu waa furaha kalsoonida, caddaaladuna waa iftiinka nolosha bulshada.โ€

Waxaa leenahay: Hambalyo iyo bogaadin Maalinta Nootaayada Aduunka, Guul iyo horumar ha idinla jirto dhammaan xirfadlayaasha Nootaayaha Dadweynaha.
Xafiiska Warfaafinta ee Ururka Nootaayooyinka.

Wabilaahi Altowfiiq

06/06/2025

Maamulka iyo howl-wadeeenada xafiiska Tagsan Public Notary waxa uu kuugu hambalyaynayaa adiga iyo qoyskaagaba ciidda barakeysan ee ciidul-Adxaa.

Waxa uuna kuu rajeynayaa sanado badan oo caafimaad iyo baraare leh. Farxad ku ciida dhamaantiin.

28/02/2025

Allaha Subxaana watacaalaa wuxuu leeyahay:-
Kuwa Alle iyo Rasuul-kiisa Muxamed (NNKH) rumeeyayoow hadii aad ku macaamishaan ama aad Deyn waqti go'an leh kala qaadataan
Qora si aad u ilaalisaan maalka uguna gaashaamataan isqabqabsiga.

Hana qoro qof aamin ah oo ku fiican wax qorista. Qofkii uu Alle baray qorista yuusan diidin arinkaas.!

07/11/2024

Maanta oo kale sanad kasta waxaa aduunka laga xusaa maalinta caalamiga ah ee Nootaayooyinka Aduunka. iyadoo xusid mudan tahay in sanadkaan uu yahay sanadkii 385:aad ee la xuso maalintaan weyn.

Waxaan halkaan tahniyad uga direynaa dhamaan bahda aan xirfad wadaaga nahay ee Aduunka gaar ahaan Soomaaliya.

Photos from Tagsan Public Notary's post 20/07/2024

Hambalyo mudane Khaalid Saacid Xasan oo kamid ah Howl-wadeenada Nootaayada Tagsan Public Notary oo usoo idlaatay waxbarashada heerka 1aad ee Jaamacadda Bachelor Degree.

Khalid wuxuu kamid yahay ardayda baratay culuumta Qaanuunka 'Bachelor of Law' waxaana u rajeyneynaa in cilmiga uu bartay inuu ugu adeeego bulshada Soomaaliyeed hadii Alle idmo.

15/06/2024

ุชูŽู‚ูŽุจู‘ูŽู„ูŽ ุงู„ู„ู‡ู ู…ูู†ู‘ูŽุง ูˆูŽู…ูู†ู’ูƒูู…ู’ ุตูŽุงู„ูุญูŽ ุงู„ุฃูŽุนู’ู…ูŽุงู„ู ูˆูƒู„ ุนุงู… ูˆุงู†ุชู… ุจุฎูŠุฑ

Xafiiska Nootaayada iyo Latalinta Arimaha sharciga ah ee Tagsan Public Notary wuxuu guud ahaan umadda Soomaaliyeed ugu hambalyayneynaa munaasabadda Ciidul Adxaa oo ah maalin ku wayn dadka Soomaaliyeed iyo Muslimiintaba ahna Munaasabad cibaado iyo farxadeed.

Munaasabadda Ciidda Carafo awgeed waxaan umadda Soomaaliyeed ku boorinayaa in ee isku dhimriyaan, is garab istaagna isku muujiyaan oo laga farxiyo qoysaska Soomaaliyeed ee aan waxba haysan, si caruurteenna iyo kuwoodaba ay farxadda maalmaha ciidda uga qayb qaataan.

CIID WANAAGSAN.

09/04/2024

ุชู‚ุจู„ ุงู„ู„ู‡ ู…ู†ุง ูˆู…ู†ูƒู… ุตุงู„ุญ ุงู„ุฃุนู…ุงู„
Eid Mubarak guud ahaan umadda Islaamka ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meel walba oo dunida aad ka joogtaan waxaan idin kuugu hambalyeynayaa Farxadda ciidul Fidriga. Caafimaad ku ciida dhamaantiin.

11/03/2024

SOONQAAD WANAAGSAN

Waxaan Guud ahaan Umadda Caalamka Islaamka gaar ahaan Bulshada Soomaaliyeed Waxaan ugu Tahniyeeynayaa Curashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Nootaayada Tagsan waxa uu kuugu Hambalyeynayaa adiga iyo qoyskaagaba bilashada bisha soon

Waxaan Noo wada rajeynayaa dembi dhaafka iyo naxariista Allah SWTC.

09/11/2023

Maanta oo kale sanad kasta waxaa aduunka laga xusaa maalinta caalamiga ah ee Nootaayooyinka Aduunka. iyadoo xusid mudan tahay in sanadkaan uu yahay sanadkii 384:aad ee la xuso maalintaan weyn.
Sidoo kale hadaan nahay bahda Tagsan Public Notary waxay noo tahay maalin aad noogu weyn waana maalintii Dhidibada loo taagay ama la Aas-aasay Nootaayada Tagsan Public Notary, Waxaan halkaan tahniyad uga direynaa dhamaan nootaayooyinka Aduunka gaar ahaan Nootaayooyinka dalkeena Soomaaliya oo duruufo adag ku shaqeeya waqtigaan hambalyo dhamaan bahda aan Xirfad wadaaga nahay.



27/09/2023

BISMILLAH

Maanta oo Arbaco ah Tarikhduna tahay 12 Mowlid:1445-Hijriyada Kuna beegan 27/09/2023, ee Dhalashadii Nabigeena NN korkiisa ha ahaatee.

Waxaan guud ahaan ummadda Islaamka ah gaar ahaan bulshada Soomaliyeed la wadaageynaa farxadda munaasabadda dhalashada nabigeena Muxamed NNKH.
Eebbe hanaga dhigo kuwii jidkiisa raaca.

Aamiin๐Ÿคฒ Aamiin๐Ÿคฒ Aamiin๐Ÿคฒ

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Waberi District, Taleh Injection, Somoil Flor1
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00