Fadlan Iso Wac// Best Comadian Guuxaaye😁😅😅
Sharmaarke Awad
Ku Xirnow Oo Kala Soco Barnaamijyo Xiiso Leh
29/04/2023
𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗧𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘅𝗮 𝗔𝗮𝗱 𝗡𝗮𝗳𝘁𝗮𝗮𝗱𝗮 𝗸𝗮 𝗔𝗮𝗺𝗶𝗻𝘀𝗮𝗻𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆
Inagu waxaa nahay natiijada waxa aan iska aaminsanahay iyo sawirka nafteena aan ka heysano.
Tusaale ahaan markaad iska aaminsantahay qof dabaal ah oo daciif ah waxaad u dhaqmeysaa sida qof daciif ah oo kale .
Laakiin markaad iska aaminsatahay taa caksigeeda oo aad u dhaqantid qaab geesinimo iyo awood leh waxaad yeelaneysaa awood gudaha ah iyo kalsooni aad naftaada ku qabto.
Dhiiragalinta naftaadu maaha waano hadal kaliya ah ama laga badbadiyey, balse waa wado fikir iyo dhaqan nolol iyo daaweyn guuleysatey oo isticmaalaan culimada nafsiga.
Waa inaad barataa sideed u baraarujin kartaa nafsadaada.
Tani kuma tacaluqdo nafsadaada oo kaliya, balse waa inaad ku dhiirigalisaa caruurtaada nafsadooda waxyaalo fiicfiican.
Marka aad cunugaaga ku canaanato inuu dabaal ama doqonyahay, waxaa dumaya qeybo ka mid ah kalsoonidiisa iyo aragtida naftiisa.
Sidoo kale markaa aad ku tilmaantid caaqil iyo qof aan la heli karin wuxuu isku dayayaa -isagoo ka warheynin _ in uu u dalaco si tartiib tartiib ah heerkii aad ka maleyneysey isaga.
Dhamaanteen waa tijaabiney sida aan u sameyn karno waxyaalaha aan macquulka aheen iney tahay marka aan ku qanac sanahay inaan badali karno sheyga aan maqcquul ahayn
Tusaale: Hadii nabi maxamed NNKH uu aaminsanaan lahaa fashilka, qureesh horteeda ma uu hor istaagi lahayn mana uusan dhaheen: (والله لو وضعوا الشمس (في يميني والقمر في يساري على أن أترك هذا الأمر ما تركته
ابدا)..
(Walaahi hadey qoraxda saaran midigteyda , dayaxana ay saaraan bidixdeyda si aan uga tago amarkaan, maanan ka tageen waligey)..
Ku qanacsanaanta inaad sameyn karto waxyaalaha aan macquulka ahayn ayaa bes kaa dhigi kara mid u diyaar in uu sameeyo wax aan macquul ahayn.
𝗗𝘂𝗹𝘂𝗰𝗱𝗮 𝘀𝗵𝗲𝗲𝗸𝗮𝗱𝗮
1: Waxa aan nahay suurada dabaqan oo asal ah ee qofka aan suureysano ee aan maskaxdeena ka matalno.
2: Waxaad awoodaa inaad sameyso wax aan macquul ahayn (kaliya) marka aad ku qanacsantahay awoodaada inaad badali karto mustaxiilka.
3: Marka aad ku sifeyso cunugaaga doqonimo ama dabaalnimo, waxaa mar walba goyneysaa qeyb ka mid ah kalsoonidiisa iyo qeyb ka mid ah aragtidii naftiisa..
qormadaan waxaan ka soo qaatey buuga Hormari Noloshaada.
oo uu qoray Cabdi Jabaar Axmed Cabdiraxmaan.
Runti waa buug badalaaya qaabka aad u fikirto iyo qaabka aad u xukmiso walxaha.
Fallow & like & share
S/q Sharmaarke Odey
13/06/2022
Adiga midkee tahay labadaa nooc ee dadka?
: dadka qaar dhib walba fursad ayey ka dhex arkaan ,
: dadka qaarna fursad walba dhib ayey ka dhex arkaan.
: Dadka labada nooc midka aad tahayba waxa ayku xirantahay
marka uu dhib kula soo gudboonaado ,
sida aad u aragtid iyo sida aad uga falcelisid.
❌Ha noqon mid fursada uu heysto dhib u arka oo dayaca,
: Tusaale ahaan
Hadii aad tahay da,yar dhalinyarnimada ,caafimaadka& waqtiga, tamarta, intaba
Hadii aad Noqoto mid aan ka faaideysan, oo dayaca fursadaha una arka caqabad
Oo naftaadu ay hadba dhinac ku jiheyneyso, wixi fursad ah na ay dhib kaaga dhigeyso
Oo waqtiga adag inaan waxba la qabankarin ku shegeyso ,
sidaasna ay kugu dhaafaan fursaduhu waxad ahaan doonta mid shalaaya,
Markaad duqowdo oo aad dib u milicsato waqtigi tagey.
✔noqo mid dhib walba fursad u arka kana faaideysta oo maalmaha waxbarashada ,
&waxla,aanta &waqtiga adag &duruufaha u adkeysta, oo aaminsan iney yihiin fursad
Una dhabar adeyga.
" ogowna in wax walba oo wanaagsani ay waqti qaataan".
QORAALKAN WUXUU HOR DHAC U YAHAY, MAW DUUCYO WAX TAR LEH
OO AAN HALKAAN IDiNKULA WADAAGI DOONO,SI MAALINLE AH INSHA ALLAH.👍
W/Q Sharmaarke Odey👍
22/04/2022
Kindness/Naxariista
Naxariistu :waa wixii aad awoodo
Hadii qof ubaahan yahay gacan gargaar sii hana sugin mahadsanid.
Naxariista dhabta ahi waxey ku jirtaa ficilka waxbixinta
Iyada oo aan la fileynin waxsoo celinta.
Aan isu naxariisano si illaahey swt noogu naxariisto.
Aan caawino oo an ka firxino ku weena aan wax heysan
Inagoo ka bilaabeyna kuwa inoo ku dhow
Caruurta,qaraabada ,agoonta,kuwa xanuunsan, .dariska,xayawaanka iyo qof kasto gacan iyo garab inooga baahda ha yaraado ama ha weynaado aan u naxariisano .
Khaasatan bisha barakeysan iyo maalmaha ciidka aan
Ka farxino
لقد أثنى الله تعالى على رسوله الكريم وصحابته فوصفهم بالتراحم بينهم، فقال سبحانه: ﴿ مُحَمَّدٌ رَسُولُ اللَّهِ وَالَّذِينَ مَعَهُ أَشِدَّاءُ عَلَى الْكُفَّارِ رُحَماءُ بَيْنَهُمْ تَراهُمْ رُكَّعاً سُجَّداً يَبْتَغُونَ فَضْلًا مِنَ اللَّهِ وَرِضْواناً سِيماهُمْ فِي وُجُوهِهِمْ مِنْ أَثَرِ السُّجُودِ ﴾.
W/q: Sharmaarke sahal moha
Click here to claim your Sponsored Listing.
