26/08/2025
Mowqifka Madasha Samatabixnta KGS ee ku aadan Heshiiski dowlada Federalka iyo Madasha Samatabixnta Qaranka ee mucaaradka ah.
MSKGs waa madal ay kumideesanyihin dhammaan bulshada KGS
26/08/2025
Mowqifka Madasha Samatabixnta KGS ee ku aadan Heshiiski dowlada Federalka iyo Madasha Samatabixnta Qaranka ee mucaaradka ah.
25/07/2025
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ
Madasha Samatabixinta KGS Waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Guddoomiyihii h**e ee Baarlamaanka Soomaaliya, ahna Madaxweynihii h**e ee Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed,Hon Shariif Xasan Sheekh Aadan oo wiilkiisa Maxamuud Shariif Xasan ku geeriyooday dalka Masar.
Waxaan Alle ugu baryaynaa in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo marxuumka, qabrigiisana u waasiciyo,Madaxwaynaha iyo ehelkana samir iyo iimaan ka wada siiyo anagana gedaashiisa na fidnaynin.
Aamin Aamiin .
06/06/2025
Waxaa maanta kulan balaaran oo is xog waraysi iyo qado sharaf ah Hooyga gudoomiye Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman ku wada yeeshay Madasha Samatibixinta KGS iyo Madasha Maanshiil oo ah mucaaradka miisanka culus ee KGS waxaana kulankan casuumaadiisa iska lahaa Gudoomiye ku xigeenka Madasha Samatabixnta Soomaliyeed HE Mohamed mursal sheikh Abdirahman oo ah gudoomiyaha Madasha Maanshiil iyo sido kale hogaanka madasha Samatabixnta KGS iyo xubno ka mid ah Madasha samatabixinta KGS qadada ka dib waxaa waxaa jiray wada hadal aad u qiimo badnaa oo lagu gurfeeyay xaaladaha Amniga,samfalka ,iyo doorashoonka Somaliya wuxuuna ku soo dhamamaadey guul iyo is Afgarad.
11/05/2025
The position of the Southwest Rescue Forum on the current political situation of Somalia.
11/05/2025
01/04/2025
Maamulka waqtigiisu dhamaadey ee koonfurgalbeed ayaa ku asteeysan ku xadgudabka xuriyatul qoolka iyo karaamada aadanaha sida isku socodka Dadweynaha ku abtirsada koonfurgalbeed guud ahaan gaar ahaan siyaasiyiinta ka soo jeeda Deegaankaas.
Waxaa wax laga xumaado ah oo aan loo dulqaadan karin xadgudabyada intaas la eg ee uu ku kacaayo Madaxwaynaha sharci darada ku joogo ee koonfurgalbeed Abdiaziz Laftagareen.
Waxaa intaas ka daran oo ah wax aad loola yaabo in Madaxweynaha Jumhuuriyada Federalka soomaaliya Dr Hasan Sheikh Mohamuud indhaha iyo dhegahaba ka fureeystey dhaqan xumada siyaasadeed ee uu ku dhaqmaayo Laftagareen.
Waxaan rabaa in aan halkaan kala hadlo Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka oo aan ku dhaaho Mudane Madaxweyne Dalka adigaa ayaa masuul ka ah guud ahaan,Hadaba Madaxweyne soow ma moodid adigoo danahaaga qaaska ah fiirsanaayo in aad Dayacdey Dad iyo Deegaan Alle hortiis laguugu warsan doono maalinka xisaabta?
Mudane Madaxweyne,
Waxaad gacmaha ka xirtey siyaasiyiintii ka soo jeedey koonfurgalbeed
Waxaad raali ka noqotey dulmiga uu laftagareen ku haayo shacabka iyo guud ahaan muwaadaniinta ku abtirsata koonfurgalbeed.
Mudane Madaxweyne inta aad is leedahay adiga ayaa ka faa'idaayo ayaa annaga iyo adigaba wada qasaarnay
Waxaa uu wanaaga ku jiraa in uu sharciga sareeyo oo uu kasareeyo ummada oo dhan adiguna aad ilaaliso sharciga maadaama aad tahay ilaaliyaha sharciga
Mudane Madaxweyne soow ma ogid in aad tahay Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi'da asaasiga ah ee Dastuurka ee uu san ka sareeynin oo keliya dadka reer KGS.
Gunaanudkii waxaan rabaa in aan warkayga ku soo gaba gabeeyo
Dalkaan waxaa uu Dadka ku deeqaa kala danbeeyn iyo in lagu dhaqmo sareeynta sharciga.
Canbaarayn
Madasha samatabixnta KGS waxay canbaaraynaysaa dhibaatada sida joogtada ah Abdiaziz Laftagareen Madaxwaynihii h**e ee sharci darada ku joogo KGS ugu gaysanayo dadka ku dhaqan deeganada Dowlad goboleedka KGS guud ahaan gaar ahaan dadka ku nool degmooyinka Gobolka shabeelada hoose khaasatan Degmada Afgooye oo lagu soo rogay canshuur qasab ah oo gasraysa (70) dollar gurigiiba taas oo lagu sheegay derisayn loona xiray aruurinteeda shirkada uu nin qaraabo dhow la ah Abdiaziz laftagareen oo lagu Magacaabo Ibraahim Abdulkadir Mohamed ( Baafo) oo ah Agaasimihii h**e ee Madaxtooyada KGS taas oo shacabka reer Afgooye ee sharafta leh si mug leh u diidanyihiin ugan dhiidhiyeen, diidmadaas oo sababtay in dhalinyaro dhagax ku dagaalamayso sidii( plastinianta ) oo ah iyo askarta dowlada oo xabad nool nool ku ridayaan la soo dhigo baraha bulshada gaar ahaan (Facebook) waana halka uu marayo xaalka dalka Soomaliya 2025 !!!!!!!!!!!.
Waxaa cajiib ah oo wax laga xumaadana ah in Madaxwaynihii Jamhuuriyada Federalka Somaliya Dr Hasan Sheikh Mohamuud uu raali ugu yahay Madaxwaynihii h**e KGS Abdiaziz Laftagareen in dulmiga intaas la eg iyo gumaad ba,an u geesto shacabka deeganada dowlada KGS.
Hadaba Madasha samatabixinta KGS waxay dhamaan dadwaynaha reer KGS guud ahaan reer shabeelaha hoose khaasatan dadka ku dhaqan Degmada Afgooye oo ku suntan gumaysi diid iyo gobanimo Doon in ay laba jibaaraan kacdoonka ka dhanka ah maamulka sharci darada ah dhiigya cabka ah kuna caanbaxay dulmiga iyo dulaysiga dadka deeganada KGS sababta oo ah qofkii Maalkiisa ,naftiisa cirdigiisa ,sharafkiisa asiga oo difaacanayo dhintaahi waa Shahiid Sida uu Rasuulkeena SWC inooga sheegay xadiis saxiix ah.
Wabilaahi Towfiiq ( Ramadaan Mubarik).
20/02/2025
**CAMBAAREEYN **
Waxaan halkaan ka canbaareynayaa xarigga sharcidarada ah ee loo geeystey
Dr Ibraahim Macalin Nuurow oo ah Gudoomiyihii h**e ee Madasha Samatabixinta Koonfurgalbeed soomaaliya.
Waxaa marna aan meesha ka marnayn dulmiga iyo awood sheegashada sharci darada ah ee uu Laftagareen ku hayo shacabka iyo Dadyowga reer koonfurgalbeed guud ahaan.
Waxaan rabaa in aan si maangal ah u xusuusiyo Laftagareen iyo kuwa ku xeeranba
Awood kasta oo aad sheegataan waxay uun leedahay dhamaad kuna xisaabtama in ay jiri doonto maalin la-is xisaabindoono
Majiraan raad aysan Taariikhda qorin midkasta oo ay qortana waa lagu xisaabtimi doonaa hubaal.
Waxaan cod dheer ku leenahay Hala soo daayo
Dr Ibraahim Macalin Nuurow
In la kala fakar duuwanaado micnaheeda ma aha waa lagu xiraayaa.
(Free ,free Dr Ibrahim Moalim Nurow)
31/10/2024
War saxaafadeedka Madasha Samatabixinta KGS ee ku aadan mudo kordhinta Sharci darada ah ee ka soo bxay shirkii Madasha wadatashiga Qaran.
15/10/2024
Koonfurgalbeed waxaa ka jira xadgudub dhinac kasta taabtey sida Xuriyatul qowlka hadalka
Xuriyada dhaq dhaqaaqa iyo dimoqraadiyada
Arimaha hormarinta iyo is dhexgalka bulshada
Arimaha shaqaaleysiinta iyo saamiqaybsiga dowlada
Arimaha hanaanka Dowlad wanaaga iyo Dib u heshiisiinta iyo ku dhaqanka shuruucda dalka u degan
Waxaa sifo aan sharci aheeyn ku jooga Laftagareen oo la wada ogsoonyahay sifada uu ku yimid iyo wadiiqada loo marey intaba
Waxaa hooskii uu ku jiray la soo galey masaalixdooda gaarka ah ee ku saabsan sadbursi iyo saami qaybsi diidka ileen waa
wax ay waligoodba ku dhaqmi jireen ee
siyaasiyiintaas oo dano gaar ah kaleh bur burinta iyo hagardaamada hanaanka iyo geedi socodka nabadeed ee Deeganada Koonfurgalbeed ka hana qaadey
Sigaar ah Degmada Xudur ee Caasimada Gobolka Bakool
Kuwaas oo kala ah
Sheekh Aadan maxamed nuur madoowe iyo
Adan maxamed nuur saran soor oo halkaas ka arkey danahooda gaarka ah
Dhanka kale beesha caalamka waxa ay dhismaha golayaasha deegaanka Degmooyinka Sida
1 Xudur,
2 Baraawe,
3 Berdaale,
4 Wanlaweyn,
5 Buurhakaba,
6 Diinsoor iyo
7 Waajid
Ku bixiyeen Qarash dhan
4 million oo dollar. wixii deeq bixiyaasha waqti iyo lacagba la galiyey waa la burburiyey, waxaan si dhibyer u oran karnaa Degmooyinka Koonfur Galbeed waa meel maamul iyo Sharci midna hada kajirin
Oo ay ka arimiyaan Hogaamiye kooxyaadyadii h**ey loogu soo hungoobey ee ummadaan soo mariyey taariikh aysan wiligood halmaami doonin
Hadii xaalka sida uu yahay aan wax laga bedelin waxay u muuqataa in ay kala dheeraan doonaan ummad ehel iyo qaraabo aheeyd oo Deegaan iyo dadba ka dhaxeeyeen
Wada deganaa wada deganaandoonana inta ay nafi baaqi ku tahay lakiin aan isku uur fayoobaan doonin.
Nacab nimada aadanaha lama dhasho ee asaagiisa ayaa bara
Tani waxay ahaan doontaa matiranto aan abid tirmidoonin.
| Monday | 09:00 - 17:00 |
| Tuesday | 09:00 - 17:00 |
| Wednesday | 09:00 - 17:00 |
| Thursday | 09:00 - 17:00 |
| Friday | 09:00 - 17:00 |
| Saturday | 09:00 - 17:00 |
| Sunday | 09:00 - 17:00 |