15/03/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐โ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
๐๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ, ๐๐๐๐ซ๐ฌ๐จ ๐๐, ๐๐๐๐: Guddoomฤฑyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdฤฑsho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa booqasho ku tagay xarunta dhexe ee Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, halkaasi oo uu kusoo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow.
Duqa Muqdisho iyo Agaasimaha Guud ee Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka wada-shaqeyn ee Dowladda Hoose ee Muqdisho iyo HSJ, horumarinta adeeg bixinta iyo casriyeynta dokumentiyada, si muwaadiniinta soomaaliyeed ay ugu fududaato helida adeegyadda ay u baahan yihiin.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ay wehliyeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir iyo Agaasimaha Waaxda Dad-dhigidda Mudane Faarax Cali Cumar ayaa boogaadiyay guulaha laga gaaray tayeynta baasaboorka Soomaaliya iyo in wadamada caalamka ay aqoonsadeen, taasi oo guul u ah shacabka Soomaaliyeed.
โ๐๐๐๐๐๐๐๐โ
05/03/2026
Guddi ka socda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho uuna hoggaaminaayo Agaasimaha Waaxda Dad Dhigidda Dowladda Hoose ee Muqdisho Mudane Farah Ali Omar ayaa ka qayb galay Shirkii 2aad oo u dhaxeeyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.
Shirka oo is araggiisa 1aad looga hadlay tayaynta Adeegyada Dad-Dhigidda iyo Xaaladaha Madaniga, is araggan 2aad ayaa looga hadlay Adeegga oo mid ah si Waddanka dhan u yeesha Adeeg Dad Dhigid oo Midaysan.
Shirka waxaa Shir Guddoomiyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Dad-Dhigidda Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Iyo Quburo u qaabilsan Tiknoolijiyadda labada Dhinac.
02/03/2026
Agaasimaha Waaxda Dad Dhigista Dowladda Hoose ee Xamar oo ka qayb galay Ansixinta Qorshaha kobcinta Dakhliga Gobolka Banaadir 2026 ilaa 2030.
Kulankaan oo ay kasoo qaybgaleen Agaasimayaal, La taliyayaal, Maamullada Degmooyinka Gobolka Banaadir, Odayaasha Dhaqanka iyo Culimada, ayaa lagu soo bandhigay nuqulka ugu dambeeyay ee Qorshaha Kobcinta Dakhliga ee 2026-2030-ka.
Qorshahaan ayaa ah mid qeexaya hannaanka iyo tallaabooyinka la qaadi doono si loo xaqiijiyo Kobac Miisaaniyadeed ee uu gaaro Maamulka G/ Banaadir, si ay u suuragaliso in uu Maamulka awood u yeesho maalgalinta, ballaarinta iyo tayeynta Adeegyada bulshada, dib u dhiska kaabayaasha Dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo dhismaha awoodda heyโadaha kala duwan.
Qorshahaan 4-ta sano ah ayaa la filayaa in fulintiisa ay horseedo koror ku yimaada dakhliga Maamulka si loo gaaro isku filnaasho miisaaniyadeed loogana jawaabo baahiyaha kala duwan ee ka jira Caasimadda.
Kulanka waxaa soo xiray Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Ciise Maxamuud Guure.
24/02/2026
Guddi farsamo uu magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Caasimadda Dr. Hassan Mohamed Hussein โMuungaabโ oo ka qayb galay Shir u dhaxeeyay Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Guddigaas oo ka kooban heer Agaasime uuna hoggaaminaayo Agaasimaha Waaxda Dad Dhigidda Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Farah Ali Omar ayaa ka qayb galay Shir looga hadlaayay tayaynta Adeegyada Dad Dhigidda Xaaladaha Madaniga, Casriyaynta, daadejinta, iyo Fududaynta adeegyada dad waynaha.
Kulanka waxaa Shir Guddoomiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, sidoo kale waxaa qayb ka ahaa Agaasinka guud Dad Dhigidda Wasaaradda Arrimaha gudaha, iyo Xubno kale.
11/02/2026
Tacsi
Agaasimaha Waaxda, Agaasime kuxigeenka, Madax Qaybyada, iyo dhammaan Hawl-wadeenada Waxay tacsi u dirayaan Isse Mohamed Mohamud oo hooyadii Hawo Barrow Hassan maanta ku geeriyootay Magaalada Muqdisho.
Waxaan ilaahey uga baryaynaa in Jannatul Firdaws ka waraabiyo, caruurta, Ehelka iyo asxaabta ay ka baxdayna Samir iyo iimaan ilaahey haka siiyo.
Innaa Lillaah wa innaa Ilayhi Raajicuun.
14/12/2025
Hawl-wadeenada Waaxda oo saaka Ol-Ole nadaafadeed ka sameeyay Isgoyska Florenza ilaa Cali Kamiin (Degmada Warta Nabadda)
Ololahan ayaa waxaa hoggaaminaayay Agaasimaha Waaxda Dad-dhigidda Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Faarax Cali Cumar.
Nadaafadda Caasimadda ayaa ah mudnaanta 1aad ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen โMuungaabโ
16/11/2025
Kulan ay soo qaban qaabiyeen agaasinka Qorshaynta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda qorshaynta XFS ayaa waxa ka qaybgalay Agaasimaha Waaxda Dad Dhigidda Dowladda Hoose ee Xamar iyo agaasimayaal ka tirsan maamulka Gobolka Banadir iyo khubarro kala duwan.
Waxaa si gaar ah looga hadlay afar tiir oo muhiim u ah maamulka kuwaas oo kala ah dawlad dhiska, nidaamka Cadaaladda, Amniga, adeegyada bulshada, horumarinta dhaqaalaha, deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.
Dhammaan ka qaybgalayaasha ayaa si gaar ah uga hadlay xaaladaha iyo duruufaha Caasimadda ka jira, waxaana ay soo jeediyeen talooyin ku aadan siddii loo xillin lahaa arrimahaas.
Kulankan ayaa ka mid ah kulamada lagu xoojinayo xiriirka Iskaashiga iyo wadashaqaynta ka dhexeeya maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Qorshaynta Dalka.
08/11/2025
Hawl-wadeenada Waaxda Dad Dhigidda Dowladda Hoose ee Xamar oo uu Hoggaaminaayo Agaasimaha Waaxda Mudane Faarax Cali Omar ayaa ka qayb qaatay Saaka Ol-olaha nadaafadeed ee Maamulka Gobolka Banaadir uu ka wado Caasimadda kaa oo Saaka laga sameeyay Laamiga hor mara Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed (Gahayr) ee Degmada Dharkeynley ilaa isgoyska Ex-control Afgooye.
Ol-olahan ayaa kamid ah Hindise Hawleedka Nadaafadda Caasimadda ee uu Hoggaaminaayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab
30/10/2025
Hawl-wadeenada Waaxda Dad Dhigidda Dowladda Hoose ee Xamar oo uu hoggaaminaayo Agaasimaha Waaxda Dad Dhigidda Mudane Faarax Cali Cumar ayaa ka qayb galay Munaasabad loogu mahad celinaayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo Mushaar kordhin u sameeyay qaar kamid ah Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Muqdisho kuwaa oo muddo ka badan 10sanadood qaadanaayay wax ka yar $300
Qaar kamid ah Hawl-Wadeenada Waaxda Dad Dhigidda ayaa sidoo kale qayb ka ahaa Shaqaalaha loo kordhiyay Mushaarka.
12/10/2025
Hawlwadeenada Waaxda Dad Dhigidda Dowladda Hoose ee Xamar oo uu Hoggaaminaayo Agaasimaha Waaxda Dad Dhigidda Mudane Farah Ali Omar ayaa ka qayb qaatay Maanta Ol-olaha Bilic soo celinta Caasimadda Muqdisho.
Hawlwadeenada Waaxda ayaa Aroornimadi Saaka ka sameeyay Ol-ole nadaafadeed Degmada Kaaraan, gaar ahaan Waddada laamiga ee irshaad ilaa Xaawo Casir.
Dedaalada Bilic soo celinta Caasimadda ayaa qayb ka ah Hindisayaasha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Caasimadda Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)
30/09/2025
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta ka qaybgalay shir looga hadlaayay halka ay marayaan diiwangalinta Kaarka Aqoonsiga qaran iyo habka uu u socdo.
Kulanka uu shir-guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa sidoo kale waxaa ka qaybgalay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdillaahi, Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Maareeyaha Hayโadda Aqoonisga Iyo Diiwaangelinta Daddweynaha Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasimaha Waaxda Dad Dhigidda Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Faarax Cali Cumar iyo Masuuliyiin kale.
Intii uu kulanka socday waxaa madaxdu ay si gaar ah uga hadleen sida uu u socdo dardargelinta diiwangelinta dadweynaha ee ka socda Caasimadda iyo magaalooyinka dalka, sugidda Amniga ee xilliga diiwaangelinta, hufnaanta adeegyada dadweynaha, ahmiyadda bedqabka xogaha iyo arrimo kale.
Hay'adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaran ee Soomaaliya (NIRA) ayaa guud ahaan dalka ka wadda howlaha diiwaangelinta dadweynaha, waana markii ugu horraysay oo in ka badan 30 sano kadib dalka laga billaabo hannaankan.