Hay’adda Diiwaangelinta & Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed

Hay’adda Diiwaangelinta & Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed

Share

DADSOM Waa Hay´adda loo igmadey diiwaangelinta iyo aqoonsiga Qaranka. DADSOM waxaa lagu aasaasay Xeerka Aqoonsiga Lr.41 sanadkii 2020.

DADSOM waxay u xilsaaran tahay taabagelinta, maamulidda, ku shaqaynta & ilaalinta nidaamka aqoonsiga Qaranka

28/09/2022

🇸🇴 Shahaadada dhalashada waa dukumeenti diiwaangelin ah oo la siiyo dhammaan muwaadiniinta codsada. Waa xuquuq aasaasi ah oo ubadku leeyihiin inay helaan Shahaadada Diiwaangelinta Dhalashada iyo lambarka Tirsi isku mar. DADSOM waxa ay awood u yeelan doontaa in ay si toos ah u samayso oo ay fududayso habka qaadashada iyo bixinta Shahaadooyinka Dhalashada ee degmo kasta.

🇬🇧 A birth Certificate is a registration document issued to all citizens who apply for it. It is a fundamental right of a child to get a Birth Registration Certificate and the Tirsi number simultaneously. DADSOM will be able to automate and facilitate the process of acquiring and issuing Birth Certificates in every local county.

20/09/2022

🇸🇴Lambarka Aqoonsiga Qurba-joogta
Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ama leh tixraac waxay xaq u leeyihiin in la siiyo lambarka Tirsi, si la mid ah muwaadiniinta ku nool Soomaaliya. Muwaadin kasta oo Soomaali
ah oo ku nool dalka dibaddiisa waxa uu codsan karaa lambarka Tirsi, iyaga oo ka faa’iidaysanaya adeeggan muwaadinku xaqqa u leeyahay, si haddii ay dhacdo in uu soo booqdo qoyskiisa ama qaraabadiisa, uuna ula kulmin caqabado dhinaca socdaalka ah. Waxaa muhiim ah in muwaadinku ogaado in dukumentiyadaada kale ama lambarka aqoonsiga kale ee muwaadinku sito uu soo bandhigo marka la diiwaangelinayo, waana shuruud laga doonayo
oo qasab ah marka la siinayo lambarka Tirsi.

🇬🇧National Identity Number for Diaspora
Eligible citizens of Somalia who lives or has reference abroad have right to be issued the Tirsi number as Somalis living in Somalia. Any citizen of Somalia living outside the country can apply the Tirsi number, to make sure they also benefit this lifetime service in case they visit families and relatives. It is important to note that your other documents or identification number is a mandatory pre-requisite to be enrolled and issued the Tirsi.

16/09/2022

🇸🇴Waa maxay Tirsi?

Lambarka Tirsi waa 12 lambar oo loo qoondeeyay muwaadinka marka muwaadinka la diiwaangeliyo. Bixinta lambarka Tirsi waa bilaash, Muwaadinkii xaq u lehna looma diidi karo diiwaangelinta iyo helitaanka lambarka Tirsi caddaeyn la'aan ama sabab kale awgeed. Si loo bixiyo lambarka Tirsi, waa in lagu qoraa xogta tirakoobka qofka, waxaa muwaadinka laga qaadayaa toban farood, sawir labada indhood ah, sawir wejiga ah, taleefanka ama iimaylka iyo saxiixa oo dhijitaal ah.
Xogtaas waxaa loo adeegsanayaa in lagu hubiyo xogta ka taala muwaadinka ee ku jirta Database-yada DADSOM si loo xaqiijiyo in aysan jirin diiwaangelin h**e, waxaana la adeegsanayaa habka kala saarista xogta. Marka lambarka Tirsi la siiyo muwaadin isla lamabarka Tirsi mar kale lama siin karo qof kale xitaa haddii milkiilaha Tirsi uu dhintay. Carruurta iyo dadka waaweyna waxaa la siinayaa lambarka Tirsi laga bilaabo dhalashada ilaa dhimashada.

🇬🇧 What is Tirsi?
The Tirsi number is 12 unique random numbering system assigned to an individual upon successful enrolment. The issuance of the Tirsi number is free and no person otherwise eligible shall be denied enrollment and getting The Tirsi number for lack of documentation or for any other reason. In order to be issued the Tirsi number, it should be recorded the person’s demographic data, captured ten fingerprints, two IRIS, facial picture, phone or email and digital signature.
These will be used to cross-check existing data in DADSOM Databases to confirm that there is no duplication by using data deduplication process. Once the Tirsi number is issued to an individual it can’t be issued again to another person even if the owner is deceased. Both children and adults can be issued the Tirsi number from birth to death.

13/09/2022

🇸🇴Qiyamka aasaasiga ah ee DADSOM
Qiyamka iyo qiimaha Hay'addu waa mabaadi'da udub dhexaadka u ah ee hagaya maamulkeeda iyo shaqaalaheeda. Mabaadii´dani waxay saameeyn ku leeyihiin sida DADSOM ula falgasho muwaadiniinta iyo hay'adaha kale. Dhaqanka hay´addu wuxuu la jaan qaadayaa qiyamka hay´adda si aan u abuurno jawi wanaagsan oo waara, iyo hawl hufan oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan dhinacyada kale ee hay´addu xiriirka la leedahay. Qiyamka hay´addu wuxuu xooga saarayaan Xirfad, amaano, u sinaan adeeg, Isla xisaabtan iyo hal-abuur

🇬🇧DADSOM’s Core Values
The Authority’s values are central principles guiding its management and employees. These beliefs influence how DADSOM interacts with partners, citizens and other institutions. Our culture aligns with our values to create a shared, enduring, and positive environment for the Somali population and all other parties. Our core values emphasize Professionalism, Trustworthy, Equality with Satisfaction, Accountability with ownership for all, and Innovation.

04/09/2022

Waxaa farxad weyn noo ah in aan halkan idinkula wadaagno bogga facebook-ga ee rasmiga ah ee Hay´adda Diiwaangelinta & Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed oo loo soo gaabiyo (DADSOM). Waxaad bogga kala socon karta horumarka iyo tallaabooyinka hay´addu hadba qaado. La socod wanaagsan.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Waaberi
Mogadishu