25/01/2026
Hambalyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dastuurka, Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS, Mudane Eng. Saalax Xiireey Kheyre.
Waxaan kuugu hambalyeynayaa xilka qaran ee laguu magacaabay. Waxaan hubaa inaad tahay shaqsi aqoon, karti iyo khibrad leh, isla markaana wax muuqda ku soo kordhin doona dowladnimada iyo horumarinta arrimaha dastuurka dalka.
Waxaan Alle kaaga baryayaa inuu kuu fududeeyo xilka laguu igmaday, kuguna guuleeyo mas’uuliyadda culus ee ku saaran.
Guulayso Agaasime.
27/12/2025
Somali foreign affairs policy has largely become reactive rather than proactive, responding to crises, external pressure, or regional dynamics instead of shaping long-term strategic goals.
17/12/2025
من الأفضل أن نقاتل ونُهزم من ألا نحارب الظلم ونصمت.
14/12/2025
Geeddi-socod-ka doorasho hufan, daahfuran, oo lagu kalsoonaan karo ma suurtoobi karto, haddii aanay jirin hay’ado qaran oo ilaaliya Dastuurka, suga isla xisaabtanka, kana hortaga ku takri-falka awoodda.
Dal kasta oo dimoqraadi ah, sharciyadda doorashada waxaa dammaanad qaada hay’ado madax-bannaan oo loo igmaday ilaalinta caddaaladda iyo hab-raaca dowladnimada.
Joogtaynta Dowladnimo waa Ilaalinta Dastuurka.
01/12/2025
Hogaamiyaasha Soomaaliyeed waxay weli mudnaanta siinayaan aaminaadda shaqsiga iyo qaraabada halkii ay ka siin lahaayeen khibrad iyo aqoon. Taasi waxay keentay in hay’adihii dowlada ay daciifaan.
30/11/2025
Dhismaha dowladnimada iyo horumar waara waxa saldhig u ah ilaalinta Dastuurka, dhowrista heshiiska shacabka, ilaalinta kala dambeynta hay’adaha dowladeed, iyo ka-hortagga muddo-kororsi sharci-darro ah.
29/11/2025
Doorasho aan waqtigeeda ku dhicin waa mudo kororsi.
28/11/2025
Doorashadii Baarlamaanka ee Soomaaliya ee 1969 waxaa loogu kalsoonaan waayey sababo la xiriira musuq-maasuq baahsan, faragelin dowladda ka timid, iyo nidaam siyaasadeed oo aan xasilloonayn.
27/11/2025
Dowladnimadu waxay ku tiirsan tahay kalsooni lagu qabo hay’adaha dowlada, hufnaanta shaqada, iyo in hoggaanku ku dhiirrado inuu shaqaalaysiiyo khubaro iyo dad sumcad leh oo ka madax-bannaan danaha qaraabo-kiil iyo eexda beeleed.
26/11/2025
Madaxda haddii wixii ay subaxdii ku fikiraan ay u arkaan sharci, ma dhisayaan nidaam iyo dowladnimo, balse waxay burburinayaan hanaanka dowladnimada.