19/06/2023
NAXDINTII II SAAMAYSAY IYO SAFARKII AAKHIRO .....( QISO NAXDIN IYO BAQDIN LEH )
SI FIICAN U AQRI
"Si kedis ayaa anigoo saaran sariirtayda aan usoo booday, saacadda hadii aan eegay waxay iisheegtay 3:00 waaberiga ku dhaw. Malaha xilligaas ayay muslimiinta Mu'miniinta ahi tukadaan salaadda fajarka. waxaan arkay wax qariib ah, waqtiguna wuu ila noqon waayay, waayo xilligaasi oo kale uma baran, caadana ima ahayn inaan soo kaca. Argagax iyo cabsi ayaan dareemay, taasoo aanan ogeyn halka ay ka imanaysa,laakiin sheyga qariibka ah ee an arkay ayaa wuxuu ahaa, nuur aanan weligey mid la mid arag,indhaha ayuu iga cawiray, markii aan si qumaati ah u kacay, baan maqlay dhawaaq cod balse wuxuu sheegaya ma garan codkaasi. waxaan damcay inaan kiciya walaalkeyga, markii aan toosiyey, ayaan ku dhahay ma u jeedda waxa kan? Iima aanu jawaabin waan yaabay.Oo sabab? muxuu iigu jawaabi waayay!!? waxay ahayd su'aal qalbiga iga taagmatay,oo aan isweydiiyo muddo. Markaas baan kacay oo aan galay qolkii hooyo,oo aan toosiyey, si aan u tuso waxa kan iyo qeyladan.Laakin markay kacday waxba jawaab ah ima aanay siinin, waxy ku celcelineysay Bismillaahir Raxmaanir Raxiim. Yaab iyo amakaag!!. Kadib aabbe ayaan kiciyay, si bal uu iila arko waxa kan, laakin haddii aan toosiyey isagiina imaanu jawaabin.Markaa bay kaceen ayagoonan ila hadleynin oo ay idhinac mareen, oo waxay aadeen weyso,dabadeedna waxay tukadeen Fajarka. Aniga intaas waan fiirsanayay, waxaan kudul fadhiyey sariirtooda, oo waan sugayay illaa ay sifiican iila hadlaan marka ay howshooda salaadda so bogtaan.markay salaadda ka baxeen baan cod dheer ku qayliyey,anigoo sida qof caraysan u hadlaya oo oranaya "Maxaadiigu jawaabi la'dihiin"? Laakin waxaad moodda sida ineysan codkeyga dhan maqalba. Waa Yaabe!! sidee bay wax yihiin...? Maxaase khaldan...? Maxaa la iigu jawaabi la'yahay, maxaase hadalka la iiga jartay? waan hubaa hooyo way ijecleed,sidaas oo kale aabe aad buu i jeclaa....Maxaa khaldan hadda? Muddo kadib bay hooyo qolkeygii aadday, anigana waan dabagalay.Laakin waxaan arkay shay qariib ah.. Haa nacam!! waxaan arkay wax la yaab leh. Waxaan arkay sariirteydii oo jasadkeyga uu dul saaranyahay. Aad baan u naxay, waana yaabay, markaasan istaagay albaabka anigoo naxdin la gariiraya. Hooyo waxay dul tegtay jasadkeygii sariirta dul saarnaay. waxayna ku tiri "Axmed!! Axmedoow!!! toos!!". Laakin wax jawaab ah k**a aanay helin. Aabbahay ayay u yeertay oo waala rog rogay jasadkeygii,Aniguna albaabka ayaan taaganahay waana fajacsanahay. "Axmeeeed!! Axmedoooooooooow !!! "Toooos!!, Kac!!!, Ayaa cod dheer ay ku lahaayeen. Waxaan arkay aabbahaygii caloosha adkaa ee geesinimada u saaxibka ahaa ilmadiisa. Murugadeydaay!! noloshayda maalintaas ka horaba ma arag ilmada aabbahay. waan yaabay aniguna ilma ayaa indhaha i buuxsantay, dhankeyga baan u ooyay anigoo ka xun inaanay ii jawaabin. Hooyo cod dheer bay ku ooyaysay, ayadoo magaceyga ku celcelineysa. Walaalkey ayaa soo booday oo yiri " maxaa dhacay"? markaasay hooyo ku tiri "Walaalkaa axmed baa dhintay" "Dhintay aa!!" Oooooooooo!! yaa Ilaahii!!.... Isagiina halkii buu baroor ka billaabay.. Markaas baa anigoo ilmadu iga qubanaysa waxaan cod dheer ku dhahay "Hooooooooyo!! ma aanan dhiman, waa ikan waan noolahay," Nasiib xumase cidna iima jawaabin sabab? jawigaan murugada leh ee aan kujiro ayaan aad uga shallaayay yaa Ilaahii!! waxakan jid looga baxa ma jiraa? Markaas baan maqlay cod meel fog oo kale ka dhawaaqaya, wuxuu oranaya codkaasi qowlka Alle kor
ููููุฏู ููููุชู ููู ุบูููููุฉู ู
ููู ูููฐุฐูุง ููููุดูููููุง ุนููููู ุบูุทูุงุกููู ููุจูุตูุฑููู ุงููููููู
ู ุญูุฏููุฏู
"Dhab ahaan waxaad kaga sugneed waxkani (Geerida) illaawsha (oo warkeeda muraad k**aadan lahay), waxaana kaa qaadnay daboolkaaga, oo araggaaguna maanta waa mid adag (oo si dhab ah ayad wax ugu jeeddaa) "Suuratu Qaaf 50:22d. Labo shaqsi oo aanan weligey iyagoo kale arag ayaa ii timid, ma aanan ku qayaasin bini Aadam, aad baana ugu argagaxay araggooda. Waxay igu yiraahdeen," Waxaanu nahay kuwa kugu sugaya qabriga, waqti dhaw kadib waan is arki doonnaa" Anigoo naxsan baan ku dhahay "Laakin sidee bay ku dhacaysaa anigu sowma nooli? Ma anigaa dhintay, maxaad qabriga ii geyneysaan, Aah!!? Waalidkeyga iyo walaalkayba dhan bay u ooyanayaan oo jasadkii bay dul dhooban yahiin, waxa nakala haysatana aniga iyo qoomkaan dheg jalaq uma siinayaan.Maya ee maba maqlayaan malaha Hoheey Hoh!! Labdii shaqsi baa ii jawaabaysa oo oranaysa "Ina Aadamoow!! waxaad tahiin ummada lala yaabo!! waxaad moddaan in mowdku yahay dhammaadka nolosha.Miyaadnaan ogayn in waxa aad kusugan tahin (noolasha adduunyada) ay tahay riyo yar oo dhammaanaysa marka aad dhimataan, ee aanay ahayn nolashii dhabta ahayd"? Dadku waa mashquul kala orodkuna waa badan yahay, reerkuna waxaa gashay tacsi, wax badan k**a soo wareegin markii la ii diyaariyey qabri iyo luxud la i dhiga.Sanduuq yar ayaa lagu ridey jasadkeygii,anigoo u jeeda, oo ilmeynaya,Garbaha dadka ayaa la igu so qaaday, waxaa la isoo mariyey dariiq kayara durugsan reerkayga. Dad badan arkayay, qarkood way ilmeynayaan,qaar way iska sheekeysanayaan, qaarna way iska qoslayaan...Aah!!, anigu mushkila kale ayaa i haysata,xaaladda aan kusuganahay iyagu kuma sugno, way usuurtowdaa inay iska qoslaan iska shekeystaan, Oohin hadday wax taraysa malaha reerkeyga ayaa ii jawaabi lahaa. waxaan maqlay intii la isoo waday qoom leh, wiilkani waxaan ahyn saaxiibo, waxan isu raaci jirnay meelaha xafladaha, heesaha waan isla dhagaysan jirnay, waana isla shekeysan jirnay, maanta wuu naga tegay, aakhira ayuu u jiheystay. Aad baan uga murugooday maqalka erayadaasi, walwalkii iyo walbahaarkii ayaa igu labakacay, oo dayq baan noqday. waxaan fala ma aqaan, durba waxaa ii muuqday labadii shaqsi ee an albaabka aqalkayga ku doodeynay, waxaan weydiiyey "Ma naar baan usocdaa aniga"? Waxay iigu jawaabeen "Raxmadda Ilaahay waa waasic, safarkuna waa dheryahay!!!" Aah!!! kalsooni ma haysta, illaa immika ma aanan arag wax aan ku farxa, waxa isii walbahaariya mooyaane, weedha Raxmada Illaahay waa waasic uunbana marmar qalbiga ku qaboojistaa. Wax yar kadib waxa la i keenay halkii la igu tala galay, waxaa la igu tukaday salaad aan maqli jirey in dadka meydka ahi lagu tukado, cod dheer baan ku qayliyey anigoo oranaya "Dadoow iisoo duceeya"!! Cidna iima jawaabin haah!! wax jawaab ah ma aanan helin!!. Shallaytadaydaay mala ii jawaabo? mar kale ayaan cod kii h**e ka dheer ku qayliyey oo an dhahay, dadoow!! adduunyadu yaanay idin kedinin ee ka dhowrsada, waayo waa kedo'e... Laakin cidna iima soo hadal celin. walaalkey oo murugo kamuuqata ayaan arkay, waxaan ku dhahay."Walaalo iisoo duceey, adduunyaduna yaanay ku kedinin ee ka dhowrsa". Laakin iima aanu jawaabin, Shallaytadeydee muu ii jawaabo. waxyar kadib waxaan arkay aabahay oo ciid igu gedinaya aah!!, waxaan arkay walaalkay oo ciid ugu rogaya, dadkuna ciid bay igu rogayeen. Waxaan tamanniyey (yacni jeclestay) haddii aan dunida joogi lahaa sowma towbad keeni lahayn?.Haddi aan dunida joogi lahaa, sow salaadda fajar sowma tukadeen? Hadii aan dunida joogi lahaa Rabbigey sow maalin kasta ma aanan baryeen? Haddii aan dunida joogo lahaa, sow ma aqriyeen maalin walba Qur'aanka kariimka? Hadii aan dunida joogi lahaa,sow mar walba ma jadiidiyeen towbadda, oo Rabbi dembi dhaaf ma weydiisteen? Waxaan dhahay " Dadoow!! imaqla, adduunyadu waa khurun ee yaanay idin kedinin adduunyadu waa riyo yar oo dhammaanaysa, ee yaanay idin sirin, Haddii aad ogaan lahaydeen adduunyadu waxay tahay sajuud dhulka k**a aydaan qaaddeen"Waxaan rajaynayay inay i jawaabaan, Laakin maya !! ma dhicin taas sidii h**eba aanay u dhicin. Waxaan markaasu ku iri"Haddii aad dadoow!! dhibsanaysaan inad i maqashaan, oo aydaan xamili karin hadalkeyga, sidaas baa idiin kheyr roon, oo idiin fiican, Laakin waxaa iman doonta maalin aad ahaan doonta qofka jooga meesha aan maanta anigu jooga (qabriga), oo aad tamannin (yacni jeclaan) doonta inay dadku ku maqlaan. Markaas baan soo booday oo hurdo ii socotay kasoo salalay, waqtigu wuxuu ahaa goor fajar ah, daqiiqad markii indhaha sii kala furan yahiin baa waxaan maqlay dhawaqa aadaanka labaad ee salaadda fajar, intaan xilligaasi maydhay baan masjidka u cararay, Hanuunkii malintaasi Illaahay i haleeshiiyey ayaan manta ku suganahay nicmada Alle Alxamdulillaah calaa kullixaal.
Qisadaani waxay qabsatay wiil Carbeed oo ka sheekeeyay, amuurtaan oo idil wuxuu ku arkay riyo,waxuu ahaa mid kusugan jid xun, oo heesaha iyo munkaraadka daba orda,laakin markii dambe noqday Ahlu taqwaa.Allahu akbar
"Walaaalayaal aan ka baxno hilmaankaan aan ku jirno ee aan qabsanno wadada toosan allow hanuunkada nagu arsaa๐คฒ๐คฒ๐คฒ๐คฒ๐คฒ๐คฒ๐คฒ