27/05/2026
Kaaliyaha Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, oo wakiil ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ,maamulka Gobolka Banaadir iyo Agaasimaha Qatar Charity, Cabdifitaax Aadan Macallin, si wadajir ah u daah-furay Mashruuca Udxiyadaha 1447H.
Mashruucan ayaa waxaa ka faa’iideysan doona 87,600 oo qof oo kamid ah barakacayaasha iyo bulshada nugul ee ku nool dalka.
Hay’adda SoDMA Waxay ku boorisay Qatar Charity inay xaqiijiso gaarsiinta iyo u qaybinta udxiyadaha dhammaan dadka dhibaataysan ee ku kala sugan dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si ay uga faa’iideystaan qoysaska nugul ee ku barakacay magaalooyinka dalka.
Dhankiisa, Cabdifitaax Aadan Macallin Agaasimaha Qatar Charity ayaa ballan qaaday in ay xaqiijin doonaan in gargaarku gaaro dadka mudnaanta leh, isagoo sidoo kale xusay inay sii xoojin doonaan wada-shaqeynta kala dhaxeysa Hay’adda SoDMA.
26/05/2026
Madaxda iyo Saraakiisha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa awgeed.
Madaxda Hay’addu waxay shacabka Soomaaliyeed u rajeynayaan inay ku ciidaan nabad, caafimaad, farxad iyo barwaaqo, iyagoo Alle uga baryaya in uu Soomaaliya iyo guud ahaan ummadda Muslimiinta ah ku gallado kheyr, xasillooni iyo horumar waara.
Ciid Wanaagsan
24/05/2026
Magaalada Muqdisho Waxaa lagu qabtay Shirka Guddiga Qaran ee Isku-duwidda Maareynta Musiibooyinka (NDMCC), kaas oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin, Saraakiil ka tirsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo hay’adaha maxalliga ah.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira maareynta musiibooyinka dalka, xoojinta iskaashiga hay’adaha, iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka dhasha musiibooyinka kala duwan.
Dr. Ismaaciil Jimcaale oo ah Madaxa Mashaariicda Hay’adda SoDMA ayaa si rasmi ah u daah-furay shirka, isagoo adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta iyo isku-duwidda dadaallada gurmadka iyo ka hortagga musiibooyinka.
23/05/2026
Wafdi uu hoggaaminayay Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah Mamulka Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo ay wehliyeen Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed, ayaa maanta gaaray Degmada Diinsoor ee gobolka Baay.
Mas’uuliyiinta ayaa degmada ka daah-furay gargaar Bini’aadannimo oo loogu talagalay 2,000 oo qoys oo danyar ah oo ku nool Degmada Diinsoor, kaasi oo ay iska kaashadeen Hay’adda SoDMA iyo Dowladda Shiinaha.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in gargaarkan loogu talo galay dadka ugu nugul bulshada, si loo badbaadiyo noloshooda loogana yareeyo duruufaha adag ee ay wajahayaan.
Ugu dambeyn, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu mudnaan gaar ah siinayo caawinta shacabka tabaaleysan, isagoo uga mahadceliyay Hay’adda SoDMA iyo dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay gurmadka la gaarsiiyay shacabka ku nool Degmada Diinsoor.
21/05/2026
Kaaliyaha Arimaha Carabta Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Abdirahman mohamed Hussein iyo Safiir Ku-xigeenka Dowladda Qatar Raashid Al- Abdallah iyo madaxda Bisha Cas ee Qatar ayaa si wadajir ah u daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H ee Bisha Cas Qatar.
Mashruucan ayaa waxaa ka faa’iideysan doona 52,800 qof oo kamid ah barakacayaasha nugul ee gobolka Banaadir.
Kaaliyaha Arimaha Carabta Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Abdirahman mohamed Hussein ayaa sheegay in hay’addu ay xaqiijin doonto gaarsiinta iyo qaybinta udxiyada dhammaan maamul-goboleedyada iyo gobolka Banaadir si ay uga faa’iideystaan dadka nugul ee ku barakacay magaalooyinka.
Safiir Ku-xigeenka Dowladda Qatar, Raashid Al-Abdallah, iyo Madaxa Bisha Cas ee Qatar Dr. Fatih Zaki ayaa bogaadiyay dadaallada Hay’adda SoDMA ee xaqiijinta in gargaarku gaaro dadka mudnaanta gaarka ah leh. Waxa ay sidoo kale ballan qaadeen inay sii xoojin doonaan wada-shaqeynta kala dhaxeysa SoDMA iyo kooxaheeda howlaha gargaarka iyo mashaariicda bani’aadannimo.
19/05/2026
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buurhakabo ee gobolka Bay, halkaas oo ay ka jiraan xaalado bani’aadannimo oo deg-deg ah (Emergency).
Wafdiga waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush, Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Isku-duwaha Gargaarka Bini’aadannimada, George Conway, iyo wakiillo ka socday hay’adaha gargaarka.
Wafdiga ayaa magaalada Buurhakabo ka daahfuray gargaar loogu talagalay 2,500 oo qoys oo nugul, kaas oo ay iska kaashadeen Hay’adda SoDMA iyo dowladda Shiinaha.
Sidoo kale, wafdiga ayaa kulan la yeeshay hay’adaha gargaarka, waxayna kormeer ku tageen xeryaha barakacayaasha iyo isbitaalka weyn ee magaalada, halkaas oo ay ku arkeen xaaladaha adag ee nololeed iyo caafimaad ee ka jira degmada.
Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adda SoDMA iyo dowladda Shiinaha uga mahadceliyay gurmadka la gaarsiiyay shacabka reer Buurhakabo.
Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle waxuu sheegay in Buurhakabo loo siiyay mudnaanta gurmadka maadaama ay tahay degmada ugu daran xilligan marka loo eego xaaladaha bani’aadannimo ee dalka.