03/06/2026
: Waxaa cambaaraynaynaa falkasta oo gacan ka hadal ah. Waxaana ku baaqaynaa wadahadal loo dhanyahay.
Ujeedka waa u hawlgelida sidii loo heli lahaa qaran awood u leh isku filnaansho dhaqaalle iyo mid amni.
03/06/2026
: Waxaa cambaaraynaynaa falkasta oo gacan ka hadal ah. Waxaana ku baaqaynaa wadahadal loo dhanyahay.
26/05/2026
CIID WANAAGSAN đ
20/05/2026
SOO JEEDIN: NIDAAMKA DOORASHO EE DALKA KU HABBOON
Doorashadu waa saldhigga ugu weyn ee dowladnimo casri ah iyo nidaam dimuqraadiyadeed oo ku dhisan rabitaanka shacabka. Dal kasta oo doonaya horumar siyaasadeed, xasillooni iyo dowladnimo waarta wuxuu u baahan yahay nidaam doorasho oo caddaalad ah, daahfuran, isla markaana ay muwaadiniintu si siman uga qayb qaataan. Soomaaliya muddo dheer waxay ku shaqeynaysay nidaamka awood-qaybsiga qabiilka ee loo yaqaan 4.5, kaas oo markii h**e loo arkayay xal ku meel gaar ah oo lagu dejinayo xaaladaha colaadeed iyo kala qeybsanaanta bulshada. Si kastaba ha ahaatee, nidaamkan wuxuu noqday caqabad weyn oo hortaagan hirgelinta dimuqraadiyad dhab ah iyo doorasho qof iyo cod ah. 25 diseembar 2025 waxaa hirgashay nidaam doorasho oo qof iyo cod ah oo ka dhacday gobolka Banaadir taasoo aan ku dhisneen wax qabiil ah, waxayna u dhacday si qurux badan oo nabadoon, laakiin doorashada ka dhacday Koonfur Galbeed Soomaaliya waa ay ka duwaneed mida ka dhacday gobolka Banaadir. Mida ka dhacday KG Soomaaliya waxaa la isdhexgeliyay qabiilka (4.5) iyo doorasho qof iyo cod ah.
Markii la eegay xaaladaha doorashooyinka ee dalka, gaar ahaan kuwii ka dhacay gobolka Banaadir iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaa muuqata kala duwanaansho weyn oo u dhexeeya isdhexgelinta nidaamka doorasho xor ah iyo nidaamka ku dhisan qabiilka. Arrintani waxay dhalisay dood siyaasadeed iyo falanqeyn cilmiyaysan oo ku saabsan mustaqbalka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya.
PODCAST 3: Nidaamka Doorasho ee Dalka ku Habboon
14/05/2026
Hambalyo 15 maay - Maalinka Dhalinyaradda Soomaaliyeed
______
Xisbiga Qaransoor wuxuu Dhalinyarada iyo Ummada Soomaaliyeed ugu Hambalyeynayaa Munaasabadda Xuska Maalinta 15 Maay.
Maanta oo kale xisbiga SYL, Subaxnimadii 15 Maay 1943, waa wakhtigii ay taggeen xafiiskii Dhiinsiga Ingiriiska, iyagoo wata codsigii lagu dalbayey ruqsada Naadiga, kadib waa loo ogolaaday, Muddo yar ka dib, Xisbigu wuu xoogeeystay. Waxaana jiray dareen waddaniyadeed, dadnimo iyo baahi loo qabo qarannimada Soomaaliyeed. Sidoo kale ku darso waxay ahayeen kuwa aan intooda badan aqoon badan aan lahayn, marka la isu barbardhigo dhalinyarada maanta jira ee Soomaaliyeed. Maxaa dhalinyarada maanta jira u diiday inay dadnimadooda iyo dareenkooda waddaniyeed soo bandhigaan, dhaqdhaqaaqna ay ku daraan?
Waa su'aal u baahan inaad adigaba isweydiiso mana aqaano cida aad ka jawaab sugayso. Dhalinyaro waxaa la joogaa wakhtigii aad masuul ka noqon lahaydeen naftiina, sharafta qarankeena, dib-usoo celinta xasilloonida iyo karaamadii Soomaaliyeed. Sida kali ee aad masuuliyadaasi u qaadi kartaan waa inaad isweydiisaan 'Kumaan ahay aniga? 'Maxaa faa'ido ah ayaa ku jira jiritaanka qoomiyadeyda Soomaaliyeed? âYaa ii diidan inaan noolaado? 'Yaa ka shaqeeya bahdilka sharafta iyo karaamada ummada Soomaaliyeed? 'Maxaase ka qaban karaa hadda?
Qaransoor Podcast 2: Maxay Soomaaliya ugu jirin nidaam dowladnimo oo ku habboon mustaqbalka jiilalkeena?
Dhegayso: Waxa hortaagan Dowladnimada Soomaaliya.
10/05/2026
Xisbiga Qaransoor
Urur Siyaasaddeedka Qaransoor ayaa ugu baaqaya dhammaan dhinacyada isku haya arrimaha siyaasadda iyo amniga dalka inay mudnaanta koowaad siiyaan nabadda, wadajirka bulshada, iyo illaalinta badqabka shacabka Soomaaliyeed.
Xilligan adag ee uu dalku wajahayo duruufaha nololeed, xaaladaha amni, iyo khilaafaadka siyaasaddeed ee soo noqnoqday, waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo hannaan wadajir iyo is-afgarad ku dhisan si looga gudbo caqabadaha jira, ayaa lagu yiri war saxaafaddeedka Qaransoor.
Urur Siyaasaddeedka Qaransoor ayaa ka muujinayay walaac weyn oo sii kordhaya murannada siyaasaddeed ee caqabadda ku noqday xasilloonida iyo horumarka dalka. Ururku ayaa aaminsan in soo noqnoqoshada khilaafaadka siyaasaddeed ay salka ku hayaan nidaamka awood-qaybsiga ee hadda jira, gaar ahaan habka 4.5, kaas oo muddo dheer sababay kala aragti duwanaan, tabashooyin siyaasaddeed, iyo kalsooni darro ka dhex jirta saamileyda siyaasadda dalka. Inkasta oo nidaamkaasi door ku lahaa dib u heshiisiintii h**e iyo dib u yagleelidda dowladnimada, haddana wuxuu noqday mid aan dabooli karin baahiyaha siyaasaddeed iyo matalaadda dhabta ah ee shacabka Soomaaliyeed.
Qaransoor ayaa ku baaqayaa in la qabto wada-hadal qaran oo dhab ah, loo dhan yahay, laguna saleeyo daacadnimo, is-ixtiraam, iyo ilaalinta danaha guud ee qaranka. Wadahadalladaasi waa inay noqdaan kuwo ay ka qayb galaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada, ururrada siyaasadeed, bulshada rayidka ah, aqoonyahannada, culimada, haweenka, iyo dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa muhiim ah in aan cidna laga reebin wada-tashiyada qaran, si loo helo goâaanno ay bulshada oo dhan wada leedahay. https://www.diblomaasi.com/qaransoor-oo-ku-baaqday-nabadda-iyo-wadahadal-loo-dhan-yahay/
10/05/2026
WAR SAXAAFADDEED - Baaq nabaddeed iyo wadahadal loo dhan yahay
Urur Siyaasaddeedka Qaransoor wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada isku haya arrimaha siyaasadda iyo amniga dalka inay mudnaanta koowaad siiyaan nabadda, wadajirka bulshada, iyo illaalinta badqabka shacabka Soomaaliyeed. Dalka Soomaaliya wuxuu marayaa marxalad adag oo isugu jirta duruufo nololleed oo culus, abaaro soo noqnoqday, xaalado amni oo aan degganayn, iyo khilaafyo siyaasaddeed oo muddo dheer soo jiitamayay. Ururku wuxuu muujinayaa walaac weyn oo ku saabsan sii kordhaya khilaafaadka siyaasaddeed ee dalka, kuwaas oo saameyn toos ah ku yeeshay xasilloonida guud, horumarka dowladnimada, iyo rajada shacabka Soomaaliyeed. Waxaanu aaminsanahay in soo noqnoqoshada murannada siyaasadeed ay salka ku hayaan nidaamka dowladnimo ee hadda jira, gaar ahaan habka awood-qaybsiga ee 4.5, kaas oo muddo dheer sababay kala aragti duwanaan, tabashooyin siyaasaddeed, iyo kalsooni darro ka dhex jirta saamileyda siyaasadda dalka.
Sidaas darteed, Urur Siyaasaddeedka Qaransoor wuxuu ku baaqayaa in la qabto wada-hadal qaran oo dhab ah, loo dhan yahay, laguna saleeyo is-ixtiraam, daacadnimo, iyo danaha guud ee qaranka. Wadahadalladaasi waa inay noqdaan kuwo aan cidna laga reebin, islamarkaana ay ka qayb galaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso mustaqbalka dalka, oo ay ku jiraan dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada, ururrada siyaasadeed, bulshada rayidka ah, aqoonyahannada, haweenka, iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.
Waxaa wax laga xumaado ah in marar badan kulamada looga hadlayo masiirka dalka iyo geeddi-socodka siyaasadeed ay ka maqan yihiin ururrada siyaasadeed ee dalka, kuwaas oo laf-dhabar u noqon kara hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed iyo xisbiyada badan ee Soomaaliya hiigsaneyso. Waxaan dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqeynaa inay xaqiijiso in ururrada siyaasadeed ay si buuxda uga qayb galaan shirarka iyo wada-tashiyada qaran, maadaama ay muhiim u yihiin dhismaha dowladnimo ku dhisan dimuqraadiyad, wadaag awood, iyo matalaad dhab ah. Qaransoor wuxuu sidoo kale xusuusinayaa in xal kasta oo lagu gaari karo wada-hadal iyo is-afgarad uu ka wanaagsan yahay khilaaf iyo iska hor imaad sii kala fogeeya bulshada Soomaaliyeed. Taariikhdu waxay ina bartay in colaadaha iyo isqabqabsigu aysan xal waara keenin, halka wadahadalka iyo tanaasulku ay horseedaan nabad, xasillooni, iyo horumar waara.
âHaddii la dagaallami karo, maxaa loo diidayaa in la heshiin karo?â Nabadda iyo wada-hadalku waa waddada keliya ee lagu gaari karo mustaqbal wanaagsan oo ay shacabka Soomaaliyeed ku wada noolaadaan sinaan, caddaalad, iyo horumar. Urur Siyaasaddeedka Qaransoor wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in mustaqbalka Soomaaliya uu ku xiran yahay awoodda aynu u leenahay wada-hadal, isu tanaasul, iyo illaalinta danta guud ee qaranka.
Wabillaahi Towfiiq
Xisbiga Qaransoor â Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
05/05/2026
U coddee Xisbiga Qaransoor, waa fursaddaada maanta!
Qaransoor waa isbeddel doon dhab ah oo xambaarsan himilo qaran, horumar waara, iyo aragti fog oo lagu dhisayo mustaqbal ka wanaagsan kan maanta. Halku-dhigga âMaanta aan dooranno isbeddel, berri aan goosanno guulâ wuxuu si cad u muujinayaa jihada uu Xisbigu u socdo iyo qorshaha uu ku doonayo in uu ku gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed nolol ammaan ah, cadaalad ku dhisan, iyo horumar la taaban karo.
Ujeedka ugu weyn ee Qaransoor waa in la dhiso qaran leh awood dhab ah oo isku filnaansho dhaqaale iyo mid amni ah. Taas waxaa lagu gaari karaa iyadoo la kobciyo wax-soo-saarka dalka, la dhiirrigeliyo ganacsiga gudaha, lana abuuro fursado shaqo oo ballaaran oo dhalinyarada iyo bulshada inteeda kale ay ka faaâiideystaan. Qaransoor wuxuu aaminsan yahay in horumar dhaqaale uu sal u yahay xasillooni siyaasadeed iyo mid bulsho.
Sidoo kale, Xisbiga Qaransoor wuxuu si gaar ah xoogga u saarayaa dhismaha nidaam cadaalad ah oo lagu kalsoonaan karo. Caddaaladdu waa tiirka ay ku taagan tahay dowladnimo sugan. Sidaas darteed, waxaa la doonayaa garsoor madax-bannaan, la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta oo dhan si siman. Qaransoor wuxuu sidoo kale ka shaqeynayaa xoojinta midnimada bulshada, ka gudbidda kala qaybsanaanta, iyo dhismaha kalsooni dhex marta shacabka iyo dowladda. Nabadda iyo amniga waa aas-aaska horumar kasta.
Codkaaga maanta waa doorashadaada berri. U codee isbeddel, u codee horumar, u codee mustaqbal ifaya. Qaransoor waa rajo cusub iyo jidka loo maro Soomaaliya barwaaqo iyo nabad waarta.
| Monday | 08:00 - 04:00 |
| Tuesday | 08:00 - 04:00 |
| Wednesday | 08:00 - 04:00 |
| Thursday | 09:00 - 03:00 |
| Saturday | 09:00 - 17:00 |
| Sunday | 09:00 - 17:00 |