Taliska Kulliyada Tababarka Turksom

  • Home
  • Taliska Kulliyada Tababarka Turksom
Call Contact the organization

Taliska Kulliyada Tababarka Turksom halkani waa page rasmiga ah ee kuliyada TURKSOM

20/09/2026
27/07/2026

WARGELIN

Dhammaan tartamayaasha u tartamaya leyli saraakiisha kulliyadda CXDS ee TÜRKSOM, kuwaas oo ka gudbay wejiga koowaad ee diiwaangelinta isla markaana haysta Warqadda Ballanta Imtixaanka Qoraalka, waxaa la ogeysiinayaa qodobadan:-

1. Waxyaabaha aan la oggolayn in lala yimaado ama lasoo qaato:
• Taleefannada casriga ah (smart phone).
• Saacadaha casriga ah (smart watch).
• Xisaabiyeyaasha (scientific calculator ama nooc kasta oo calculator ah).
(Waxaa keliya la oggol yahay taleefanka caadiga ah (nokia/niicle).

2. Waxyaabaha la ogolyahay in lala yimaado ama la soo qaato:
• Qalin qore.
• Qalin biire.
• Tirtire.

3. Waqtiga imaanshaha:
Tartame kasta waa inuu Kulliyada yimaadaa hal (1) saac ka hor waqtiga ku qoran warqaddiisa ballanta.

FG. Lama oggolaan doono soo daahid ama kasoo dib marid waqtiga loo asteeyey.
Mahadsanidiin.

05/07/2026

OGEYSIIS

Ardayda Codsadayaasha kulliyada Marka ay imadaan
Marxaladaha Xulashada waxay noqondonta sida tan

Maalinta 1:
Hubinta dukumentiga
Qiimaynta jirka
Imtixaanka ku filnaanshaha jirka (sport)
Ardayda waa inay la yimaadaan dharka isboortiga (tracksuit, shorts, funaanad, kabaha isboortiga).
Maalinka 1aad intaa hadaad ka gudubto waxaa lagu siinaya balanta maalinka imtixaanka qoraalka aad galayso

Fadlan Iska Eeg shuruudaha kaliya Qofna ugama baahnid inuu garab ku siiyo kaliya toos u imaaw maalmaha la sugay ee ardayda la diiwaan galinayo adigoo imanaaya xarunta Kulliyada Turksom.

02/07/2026

Dufcada 9aad ee DUGSIGA TABABARKA TURKSOM

OGEYSIIS OGEYSIISKulliyadda Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee TURKSOM waxay ku wargelinaysaa dhammaan dhal...
10/06/2026

OGEYSIIS OGEYSIIS
Kulliyadda Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee TURKSOM waxay ku wargelinaysaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee doonaysa inay ka mid noqdaan Layli Saraakiisha cusub ee sanad-dugsiyeedka 2026–2027, in la furay diiwaangelinta codsiyada.
Jadwalka Diiwaangelinta:
▪️ Ragga: 13-ka Luulyo ilaa 23-ka Luulyo 2026.
▪️ Gabdhaha: 25-ka Luulyo ilaa 27-ka Luulyo 2026.
Shuruudaha Laga Rabo Codsadayaasha:
✔️ Da'doodu waa inay u dhexaysaa 18 ilaa 22 sano jir (Waa in sannadaha 2004 ilaa 2008 dhalashadisu tahay).
✔️Waa inuu yahay mu waadin somaliyeed oo uu heysto karka NIRA
✔️ Waa inay haystaan Shahaadada Dugsiga Sare ama Shahaadada Heerka Koowaad ee Jaamacadda.
✔️ Codsadayaasha haysta Shahaadada Jaamacadda waa inay sidoo kale soo gudbiyaan Shahaadada Dugsiga Sare.
Fiiro Gaar ah: Dhammaan codsadayaasha waxaa laga doonayaa inay soo bandhigaan dukumentiyada rasmiga ah ee lagu xaqiijinayo aqoontooda iyo da'dooda.

10/06/2026

KUSOO DHAWAADA TALISKA TABABARKA EE TURKSOM

Address

Jasiira Road

252

Telephone

+252613063156

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Taliska Kulliyada Tababarka Turksom posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Taliska Kulliyada Tababarka Turksom:

Shortcuts

  • Want your organization to be the top-listed government service?

Share