Aqalka Sare

Aqalka Sare

Share

Bogga rasmiga ah ee Golaha Aqalka Sare. The Official page of the Somali Upper House. Federal Government Of Somalia

19/03/2026

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa hambalyo diirran u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta caalamka munaasabadda qiimaha badan ee Ciidul-Fidriga.

Guddoomiyuhu wuxuu Alle uga baryay Ummadda Soomaaliyeed in uu ka aqbalo cibaadooyinkii iyo acmaashii suubanaa ee ay soo guteen bishii barakaysnayd ee Ramadaan, isla markaana uu ku gallado khayr, barwaaqo iyo nabad waarta.

Sidoo kale, Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed ku booriyay inay muujiyaan isku duubni, isxilqaan iyo naxariis, gaar ahaan in la garab istaago agoonta iyo dadka danyarta ah ee la daalaadhacaya duruufaha nololeed, si ay uga qeyb qaataan farxadda Ciidda.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.
Email:- [email protected]
Facebook: Aqalka Sare
X:-
TIKTok:
Website:- www.senate.gov.so

Photos from Aqalka Sare's post 16/03/2026

Muqdisho–Soomaaliya, 16 Maarso 2026

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hambalyo u diray wakiillada Xildhibaanada ah ee Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EAC), kuwaas oo maanta lagu dhaariyey magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Fadhiga dhaarinta xildhibaanada waxaa goob-joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania iyo Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), Danjire Ilyaas Cali Xasan.

Guddoomiyaha ayaa xubnahan dalka ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika u rajeeyey in ay si hufnaan iyo karti leh u gutaan waajibaadka qaran ee ka saaran matalaadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay kaalin muuqata ka qaadan doonaan xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika.

Xafıiska Warfaafınta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS
X:-
TIKTok:
Website:- www.senate.gov.so
Email: [email protected]

14/03/2026

Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee 11-aad ayaa muddadii uu shaqeynayay ku guuleystay fulinta waajibaadyo muhiim ah oo kaalin muuqda ka qaatay xoojinta nidaamka dowladnimo ee dalka, horumarinta hanaanka sharci-dejinta, iyo ilaalinta danaha dowlad-goboleedyada.

Intii lagu jiray muddadaas, Goluhu wuxuu si hufan u gutay mas’uuliyadaha dastuuriga ah ee loo xilsaaray, isagoo door firfircoon ka qaatay kobcinta wada-shaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda iyo adkeynta nidaamka dowliga ah. Jaantuska (Infograph) hoose waxaa ku xusan Howlaha iyo guulaha ugu muhiimsan ee Golaha u qabsoomay muddadaas.

Xafıiska Warfaafınta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS
X:-
TIKTok:
Website:- www.senate.gov.so
Email: [email protected]

05/03/2026

Kusimaha Guddoomiyaha Aqalka Sare, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo Khudbad ka jeediyay kulan mahadcelin ah oo uu Madaxweynaha Xasan Sheekh u sameeyey Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ansixiyey Dastuurka Dalka.

Photos from Aqalka Sare's post 05/03/2026

Kusimaha Guddoomiyaha Aqalka Sare, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, oo uu wehelinayo Guddoomiye ku-xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa caawa ka qeyb galay kulan afur ah oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku maamuusay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankaas ayaa lagu muujiyey mahadcelin ku aaddan dadaalka iyo mas’uuliyadda ay muujiyeen mudadii ay socotay shaqada qaran ee dhammeystirka Dastuurka dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in guushan ay tahay tallaabo taariikhi ah oo xoojinaysa dowladnimada, midnimada iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka. Waxa uu sidoo kale adkeeyey in Dastuurka la dhammeystiray uu saldhig u noqon doono dhismaha hay’adaha dowliga ah, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyo horumarinta nidaam dowladeed oo ku dhisan sharciga, isla xisaabtanka iyo hufnaanta.

Dhankiisa, Guddoomiye Cali Shacbaan Ibraahim ayaa xusay in geeddi-socodka dhammeystirka Dastuurka KMG ah iyo dadaalka ballaaran ee lagu bixiyey ay taariikh meel ku qoran u noqon doonto Baarlamaanka 11-aad, taasoo ka tarjumaysa sida ay uga go’nayd Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qabyo-tirka Dastuurka iyo dhismaha dowladnimo adag oo ku dhisan nidaam sharci oo hufan.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.
Email:- [email protected]
Facebook: Aqalka Sare
X:-
TIKTok:
Website:- www.senate.gov.so

Photos from Aqalka Sare's post 04/03/2026

XILDHIBAANNADA LABADA AQAL EE BJFS OO COD AQLABIYAD AH KU ANSIXIYEY DASTUURKA.

Kulanka maanta oo ahaa kulankii 24-aad ee kalfadhiga 7-aad ee fadhiyada wadajirka ah, waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehelinayaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horrayn, Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay Sanatar Cabdiraxmaan Barre Cusmaan oo si rasmi ah uga mid noqday Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka.

Intaas kaddib, mudanayaasha labada aqal ayaa mid mid ugu codeeyay cutubyada dastuurka, iyadoo sidoo kale mudanayaasha labada ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen cutubyadaas, waxaana ansixinta dastuurka oggolaatey 222-Mudane oo labada Aqal ka ka kooban, oo ahaa tiradii guntanka ama kooramku uu ku furmay kulanka maanta.

Guddoonka Baarlamaanka, ayaa gebagebadii xildhibaannada labada aqal uga mahadceliyay doorkii ay ka qaateen ansixinta Dastuurka, islamarkaana Baarlamaanka 11-aad ay maanta guteen waajibaad Qaran oo ay muddo dheer ka sugayeen shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa Sanatarrada iyo Xildhibaannada labada Gole ku wargeliyay in si rasmi ah loo soo gabagabeeyay kalfadhigii 7-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, labadiisa aqalba.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.
Email:- [email protected]
Facebook: Aqalka Sare
X:-
TIKTok:
Website:- www.senate.gov.so

04/03/2026

Sanatarrada iyo Xildhibaannada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Dastuurka JFS.

04/03/2026

Hadaljeedinta Xoghaya Guddiga Lasocodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sanatar Saciid Cabdi Xuseen (Cawke) ee ansixinta Cutubyada 5aad Ilaa 15aad ee Dastuurka.

04/03/2026

Sanatar Cabdiraxmaan Barre Cismaan, ayaa maanta loo dhaariyay xubinnimada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

28/02/2026

Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sanatarrada, Maamulka iyo howl-wadeennada Golaha, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Sanatar Ayaan Aadan Cabdullaahi oo Aabeheed Aadan Cabdullaahi (Xaaji Eeney) uu ku geeriyooday Magaalada Neyroobi ee dalka Kenya.

Guddoonka, Sanatarrada iyo Maamulka Golaha Aqalka Sare, waxay Alle uga baryayaan in Marxuumka uu ku mannaysto Jannatul Firdowsa, naxariistiisana ku gallado, isla markaana samir iyo iimaan uu ka siiyo Sanatar Ayaan, qoyskeeda iyo dhammaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday.

Photos from Aqalka Sare's post 26/02/2026

Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u soo gebagebeeyay marxaladda ka doodista soo-jeedimaha wax ka beddelka Dastuurka, kaddib fadhiyo xiriir ah oo ay xubnaha labada Gole si wadajir ah uga yeesheen qodobbada kala duwan ee Dastuurka.

Kulanka maanta oo ahaa kulankii 23-aad ee kalfadhiga 7-aad ee fadhiyada wadajirka ah, waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana ku wehelinayay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Sanatarrada iyo Xildhibaannada, oo ay maanta u ahayd gebagebada ka doodista cutubyadii ugu dambeeyay ee dib-u-eegista Dastuurka, ayaa si qoto dheer uga aragti dhiibtay qodobbada la xiriira Amniga Qaranka iyo qodobbo guud, iyagoo soo gudbiyay talooyin iyo aragtiyo wax-ku-ool ah oo ku wajahan xoojinta nidaamka amniga dalka iyo tayeynta qodobbada guud ee Dastuurka, si ay ula jaanqaadaan baahiyaha dowladnimo ee jira iyo duruufaha isbeddelaya.

Gunaanadkii kulanka, Guddoonka Labada Aqal ayaa bogaadiyay hannaanka miro-dhalka ah ee ka doodista dib-u-eegista Dastuurka, isaga oo ku ammaanay Mudaneyaasha kaalintooda firfircoon iyo ka-qaybgalka wax-ku-oolka ah. Waxayna xuseen in aragtiyaha iyo fikradaha la soo bandhigay ay si weyn uga qeyb qaadanayaan tayeynta nuxurka wax ka beddelka Dastuurka. Sidoo kale, Guddoonka ayaa faray guddiyada u xilsaaran arrimaha Dastuurka inay si farsamo, habraac iyo waafaqsan shuruucda u soo qaabeeyaan dhammaan talooyinka iyo aragtiyaha la dhiibtay, si loogu diyaariyo marxaladaha xiga ee geeddi-socodka dib-u-eegista iyo ansixinta Dastuurka Qaranka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.
Email:- [email protected]
Facebook: Aqalka Sare
X:-
TIKTok:
Website:- www.senate.gov.so

26/02/2026

Hadaljeedinta Sanatar Saynab Ismaaciil Maxamed iyo aragtideeda ku saabsan wax ka beddelka Dastuurka, gaar ahaan Cutubka 12aad Difaaca iyo Amniga Qaranka iyo Cutubka 13aad qodobo Guud.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


KM0
Mogadishu
252