20/03/2026
CIID wanaagsan dhamaan Ummadda Soomaaliyeed.
This is my official page
20/03/2026
CIID wanaagsan dhamaan Ummadda Soomaaliyeed.
02/01/2026
Waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa caruuska Yusuf Maxamed Cabdullaahi iyo caruusadda Iqra Cabdullaahi Maxamed, oo meherkoodu ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxaan Alle uga baryaynaa in ay kala helaan barako iyo khayr badan.
08/11/2024
Waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa Caruuska Maxamed Mukhtar iyo caruusada Raxma Caraaye oo meherkoodu ka dhacay magaalada Muqdisho. Allah ha isku barakeeyo, barako iyo kheyr badan hakala helaan. Rahmaa Araye
29/10/2024
Waxaan fursad u helay in aan booqdo iskuulada dowladda ee St. Louis Park, Minnesota, halkaas oo si diirran ay iigu soo dhaweeyeen maamulka sare, macallimiinta, iyo ardayda. Aad baan ugu farxay in aan arko bay’ad waxbarasho oo wanaagsan iyo dadaalka lagu bixiyay in la abuuro meel ardayda ay ku horumari karaan.
Intii aan booqashada ku jiray, waxaan la sheekeystay ardayda Soomaali-Ameerikaan ah ee iskuuladaas dhigta, waxaanan ka dhageystay sheekadooda waxbarasho, riyadooda, iyo hamigooda mustaqbalka. Waxaan aad ugu farxay in aan ogaado in iskuulada ay leeyihiin barnaamijyo isweydaarsi oo ay ku wada shaqeeyaan, taas oo aan aaminsanahay in ay fursad weyn u tahay iskaashiga iskuulada Soomaaliya iyo Mareykanka.
Aad baan ugu mahadcelinayaa maamulka iskuulka St. Louis Park soo dhoweyntooda, waxaana rajeynayaa in mustaqbalka aan si wadajir ah uga shaqeyno sidii aan u taageeri lahayn ardayda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Somali Embassy in Washington, D.C. - USA
29/10/2024
Culimada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ayaan la qaatey kullan salaan iyo isbarasho daaranaa. Waxaan gaarsiiy salaan aan ka siday MW Hassan Sheikh Maxamuud. Sidoo kale waxaan culimada warbixin dheer ka siiyay xaalka siyaasadda, dhaqaalaha iyo nabad-gelyada dalka. Waxaan ku bogaadiyay dowrka culimada ee dhowrida diinta iyo dhaqanka Ummadda Soomaaliyeed ee Mareykanka.
Soo dhoweyn kadib, Cullimada, waxey isiiyeen talooyin wax ku ool ah. Ugu danbeyn waxaan ku balaney inaan iska kaashano furista Qunsuliyadda Guud ee Minnesota iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka. Somali Embassy in Washington, D.C. - USA
Waxaan tacsi u dirayaa Mohamed Cambe oo ka tirsan saraakiisha Somali Embassy in Washington, D.C. - USA oo hooyadiis Nimco Mohamud Farah tii Rabbi ay ugu timid dalka India. Waxaan marxuumadda Alle u waydiinaynaa denbi dhaaf iyo naxariis. Reerkana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.
إنا لله و إنا اليه راجعون
20/10/2024
Columbus, Ohio: Waxaan maanta si gaar ah ula kulmay Xildhibaanada Waqooyiga Ameerika ee asalkooda Soomaliya kasoo jeeda. Hogaamiyeyaashaan oo daliil nool u ah kartida iyo karaanka qofka Soomaaliga ayaan ku amaanay sida ay uga soo dhalaaleen dedaalkii waalidkooda iyo hamuunkii ay u qabeen Umadda Soomaaliyeed.
Waxaan warbixin dheer kasiiyay Soomaaliya iyo dedaalada dalka ka socdo ee dib-u-dhiska dowladnimada. Waxaan u bidhaamiyay caqabadaha ku geedaaman dalka iyo fursaddaha baaxada leh ee u bidhaamaya Umadda Soomaaliyeed.
Waxaan isla qaadannay in ay yihiin buundada xoojin doonta xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya Soomaliya iyo Ameerika. Waxaan ku casuumay in ay Soomaaliya soo booqdaan.
Waxaan u mahadcelinayaa Xildhibaan Ismaaciil Maxamed oo Columbus, Ohio shirka agaasimey.
19/10/2024
Waxaan uga tacsiyaynayaa Wasiir Ahmed Macalin Fiqi iyo qoyskiisa geeridii ku timid Hooyo Faadumo Shirdoon Ducaale oo tii Alle ugu timid magaalada Muqdisho.
Eebbe ha u naxariisto, marti la jecelyahayna Allaha ka yeelo. Dhamaan reerkana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.
06/10/2024
Alla u naxariisto Sheikh Ibrahim Maxamed Garcadde oo tiisii maanta ku ahaatey Xamar.
Waxaan tacsi gaarsiinayaa Marwo Maryan Sheikh Ibrahim Rasmi Garcadde Mudane Maxamed Muuse Mohamed Muse Hasan iyo dhamaan Qoyskiisa, Ehelkiisa, asxaabtiisa iyo dhamaan Ummadda Soomaaliyeed.
Waxaan Allah weydiisanayaa inuu u naxariisto marxuumka oo uu ka waraabiyo Jannatul Firdows.
29/09/2024
Nuxurka Khudbadii Ra’iisul Wasaare Hamza uu ka jeediyay Shirweynaha 79-aad ee Qaramada Midoobay (UNGA79
——————————————————
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Mareykanka waxay idin soo gudbinaysaa lixda qodob ee ugu waaweynaa qudbadda Ra’iisul Wasaare Mudane Xamza Cabdi Barre, ka jeediyay Kalfadhiga 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Qudbaddiisa waxaa ugu muhiimsanaa:
1. Midnimada caalamka ee ka dhanka ah colaadaha iyo xaaladaha bini'aadantinimo:
Ra'iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay baahida degdega ah ee loo qabo wadajirka caalamiga ah si wax looga qabto iskahorimaadyada sii kordhaya iyo dhibaatooyinka bini'aadantinimo, gaar ahaan Sudan, Gaza, iyo Ukraine. Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in si deg deg ah loo joojiyo colaadaha ka aloosan deegaanadaas, waxayna carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay sharciga caalamiga ah iyo gargaarka bini’aadantinimo.
2. Difaaca Qaranimada Soomaaliya:
Farriin adag oo uu u diray beesha caalamka, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku celceliyay in Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay difaacdo midnimada dhulkeeda, gaar ahaan daandaansiga Itoobiya ee dhawaanahan. Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa isku dayga sharci darrada ah ee ay Itoobiya ku doonayso inay ku wiiqdo madaxbannaanida Soomaaliya, waxayna ku boorinaysaa dhammaan ummadaha in ay ilaaliyaan mabaadi'da midnimada qaranka iyo wadajirka dhuleed, kuwaas oo muhiim u ah xasilloonida gobolka.
3. Adkeynta Nabadda iyo Amniga:
Ra’iisul Wasaare Barre ayaa iftiimiyay horumarka ballaaran ee Soomaaliya ay ka sameysay la dagaallanka argagixisada, gaar ahaan soo celinta 2/3 dhulkii ay maamulayeen Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale la aqoonsaday guulaha laga gaaray howlgallada nabad ilaalinta sida AMISOM iyo ATMIS.
4. Dib u habaynta hay'adaha caalamiga ah:
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu u ololeeyay in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo hay’adaha maaliyadda ee caalamiga ah, taasoo ka tarjumaysa xaqiiqada dhabta ah ee juqraafiyeed ee maanta. Dib-u-habayntan, ayuu ku nuux-nuuxsaday, inay lagama maarmaan tahay si loo hubiyo in codadka Afrika iyo gobollada kale ee soo koraya ay si waafi ah uga muuqdaan go'aannada caalamiga ah.
5. Isbeddelka Cimilada:
Soomaaliya ayaa safka h**e kaga jirta xiisadda cimilada, iyadoo ay ka jiraan xaalado cimilo oo aad u daran oo dhibaato u geysta dadkeeda iyo kheyraadkeeda. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la fududeeyo helitaanka maalgelinta cimilada ee caalamiga ah si waddamada taagta daran ee Soomaaliya oo kale ay u dhistaan adkeysi iyo badbaado bulshooyinkooda. Abuuritaanka Sanduuqa Khasaaraha iyo Dhaawaca waa la bogaadiyay, laakiin baaqa ku aaddan helitaan caddaalad ah ayaa weli ah mid muhiim ah.
6. Dariiqa Horumarka dalkeena
Soomaaliya waxay diyaar u tahay kobac dhaqaale, iyadoo leh kheyraad aad u badan oo aan laga faa'iidaysan sida beeraha, xoolaha, tamarta la cusboonaysiin karo, iyo dhaqaalaha buluugga ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhawaaqay diyaarinta Qorshaha Isbadalka Qaran ee looga gol leeyahay in hantidaas looga faa’ideysto xasiloonida iyo horumarka dalka.
Iyadoo Soomaaliya ay isu diyaarinayso inay fadhigeeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025-ka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu dib u xaqiijiyey sida ay qarankeenna uga go’an tahay horumarinta nabadda, dhinacyada badan leh, iyo shuruucda caalamiga ah. Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato sidii loo heli lahaa nidaam caalami ah oo loo siman yahay oo nabdoon, iyadoo ka shaqaynaysa midnimada bulshada caalamka.
29/09/2024
I would like to take this opportunity to thank Ambassador Abukar Dahir Osman for hosting the Somali delegation led by Prime Minister Hamza Abdi Barre during the 79th United Nations General Assembly. I admire Ambassador Abukar’s dedicated service to his beloved country.
29/09/2024
Pleased to witness the proactive engagements of Foriegn Minister Ahmed Moallim Fiqi , advocating for Somalia’s priority agendas on the global stage.
https://usa.mfa.gov.so/somalia-a-week-of-diplomatic-leadership-at-the-unga-79/