19/11/2024
Hambalyo Madaxwaynaha La doortay ee Somaliland Mudane C/Raxmaan Maxammed Cabdilaahi, oo hantay quluubta cod bixiye yaasha Somaliland, waxa xusid iyo amaan mudan in C/raxmaan uu qanciyay oo iyaguna ay ku qanceen una codeeyeen mudantii kala duwanaa ee dhaqanka, aqoonyahanka, abwaanada, ganacsatada, iyo shacabka ay hoy-wadaagta ahaayeen Madaxwayne Muuse Biixi iyo dagmooyinkii rukumada u ahaa Xisbiga Kulmiye.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa isagana Sharaf wayn u ah in uu qabtay afar Doorasho oo si nabddoon u dhacay lahaana culayskooda maadama oo ay ahaayeen doorashooyin isa saar ah oo xasarad badan.
Sida Madaxweynaha ladoortay Mr.Cirro ku xusay khudbadiisii maanta waxa haboon in laga shaqayo walaalaynta, isu soo jiidka, iyo wadajirka shacbkii uu ololuhu kal fogeeyay.
Waxa guulaystay Guddidii qabatay doorashada iyo shacabkii safafka dhaadheer u galay isdiiwaan galinta, ee hadana maalin kale safaf dhaadheer u galay kaadh qaadashada, ee hadana maalin kale safaf dhaadheer u galay in ay codkooda si nabad ah u dhiibtaan.
Deero deero may hirdiyin iyagoo ay safka codbinta kuwada jireen bulshadii u kala codaynaysay xisbiyadii kala aragtida duwanaa, waxa hambalyo mudan Ardaydii Jaamahadaha ee ka shaqaynayay sanaadiiqda codbixinta, odayaashii dhaqanka ee doorka sharfan kulahaa qabashada doorashada iyo ciidamadii sugayay Amniga Doorashada.
Waxa hambalyo midan sadexda xisbi ee ku guulaystay sadexda kaalmood ee u sareeyay Waddani Kaah iyo Kulmiye, iyo ururadii kale dadaalka sameeyay.
Ilbaxnimada la sheegaa waa intaas HAMBALYO.
Amb Ahmed Safiina
18/11/2024
Dhawr qiso oo nadex maray madaxwayne Siilaanyo.
Rabbiyoow Raxamaanoow maanta raxmadaada ayuu marti u yahay ee raali ahaan-shahaaga ku casuum Aamiin Aamiin Aamiin.
Madaxwayne Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu ahaa shakhsi aad iyo aad u qalbi wanaagsan, waligii qof soo gaadha ama soo martiya ama la soo shaqeeyay aanuu marnaba agtiisa ku qoloon jirin ayuu ahaa.
Muddadii aan la soo shaqeeyay oo aad u yarayd waxa aan ka bartay micnaha siyaasadda suubban iyo hagidda hannaaka hufan ee bulshada, mararka qaarkoodna waxa uu iiga sheekayn jiray waalidkay qaar kamid ah iyo taariikhdii ay isla soo mareen.
Waxa uu si gaar ah dhawr mar iiga sheekeeyay Allaha u naxariistee Ayayday Kaaha Ducaale Cawaale Sharmaarke oo aas aastay Kaam Kaaha oo iyada loogu magac daray oo xagga Hawd ka xigta Magaalada Bali-Gubadle.
Waxa uu igu yidhi marka ay nagu xumaato xaalada Bali-Gubadle waxa aanu tagi jirnay Kaam Kaaha, Ayaydaa ayaa nagu marti qaadi jirtay gurigeedana nadajin jirtay oo talis aanu ka dhigan jirnay cuntadana gacan teeda ayay noogu samayn jirtay (AHUN).
Madaxwayne Siilaanyo waxa uu igu odhan jiray Inna kaahoow ayaydaa cilmi badan oo xaga dhaqanka ah ayaan ka bartay oo markii dambe siyaasadda iyo xukunka dalka iga anfacay.
Runtii waxa uu ahaa Hogaamiyo hal-abuur leh, hadal wanaagsan, gacan furan, talo keene ah, talo qaate ah, dhagaysi wacan, waxa uu ahaa nin kalayaqaana ragga la shaqeeya ninba meeshuu ku habboon yahay u dira, waxa uu ahaa halyay geesi ah, hadalka heliyaqaana, gole kafuul leh, gartu markay murugtana gooyn yaqaana, raggana wanaaga u qira.
Waxa aan xasuustaa mar aan safar kamid ah safaradiisi aan la socday, ku dhawaad 50 gaadhi oo madax iyo ciidan la socdaan aanu ku soo baxnay Buuro Baacad ah, gaadhigii in yar qaboojiyana uu bacaadda galaayo, dhamaan gaadiidkii ayaa bacaad iyo niistii wada galay waxaa ka soo badbaaday sadex gaadhi oo kaliya, waa gaadhigii Madaxwaynaha ee isagu saarnaa, kii aan anigu saarnaa oo ahaa gaadhigii Wasiir Cali Waran Cade oo aanu wada soconay iyo hal gaadhi oo ka mid ah kuwii ciidanka ilaalada madaxtooyadda, sadaxdeeni gaadhi markaanu cabaar fogaanay oo aannu gaadhnay meel diri ah oo adag ayaanu is taagnay si aanu u sugno gaadiidka hadhay intuu soo dagay ayuu isla goobtii ku dalacsiiyay askarigii waday gaadhiga ciidanka darajo hal xidig ah, sarkaalkaas magaciisii ma xasuusto ee cidii garanaysaa bal ha xusto oo ha ii markhaati furto.
Waxa uu yaqaanay sida ragga loo sharfo maqaam koodana kor loogu qaado bulshadana loo tuso hebel maqaamka uu agtiisa ka joogo, isala maalintaa aan safarkiisa la socday waxa aannu baxnay salaadii subax horteeda mudo saacad ah markii aannu soconay ayaa salaada loo istaagay wasiirkii madaxtooyada ee xiligaas oo ahaa wasiir Xirsi Cali Xaani Xassan oo ahaa hagaha safarka ayaa igu yidhi Axamdoow salaada inoo Aadaan,
Waxa aan koray dhagax yara dheer intii aan adimayay ayaaba safka la sii galay oo la buuxiyay waxa gaadhigii Madaxwaynaha laga soo dajiyay sadex sijaayadood mid kamida imaamka ayaa loo dhigay labadii kalena waa lays garab dhigay mid madaxwaynaha ayaa lagu yidhi fadal madaxwayne tii kalena anaa laygu yidhi fadal,
Markaanu sunaysanay ayaan salaadii aqimay, Wasiir xirsi ayaa na tujiyay, salaadii markii laga baxay soomalidu porotocolka way jiidhaaye hal mar ayay dadkii wada istaageen Madaxwaynaha oo aan wali istaagin waana la soo wada eegayaa, fadhiga ayuu ku sii yara hakaday ana isagaan ixtiraamay oo maan kicin ee waan sii ag fadhiyay intuu xagayga soo eegay ayuu afka dhagta ii saaray mudo shan daqiiqo ah ayuu iiga sheekaynayay geed wayn oo hortayada ku yaala magaciisa, manfaciisa iyo deegana Soomaalida meelaha uu ka baxo ana sheekada waan ka gurayaa marna waanu dhoola cadaynaynaa dadkii oo dhan, Wasiiradii iyo Ciidamadamadii way na kor taagan yihiin waxa aanu ku wada hadlayno cidi maqli mayso ee anaga ayay na daawanayaan oo arimo kale ayaabay u haystaan wada hadalka.
Intaa wixii ka dambeeyay madaxdii oo dhan way iska kay horaysiiyaan porotocol kaygii mid ka sareeya ayaa lay siiyay hoy iyo deegaan hadii la d**o qolka u wacan ayaa lay dajiyaa, wax badan ayaa is badalay!!
Habeenimadii markii la dagay ee shaqo oo dhan soo dhamaatay ayaan ku idhi Madaxwayne sheekadii saaka ee geedku waxa ay ii tartay hadaad ogtahay waad yaabi, intuu aad u qoslay ayuu yidhi micnaha aan kalahaaba intaas ayay ahayd, mudo dhan ayuu ii socday maamuuskii ka dhashay sheekadaas.
Safarkaasi markuu soo dhamaaday waxa lagu nastay magaala xeebeedka Barbara, dhawr nin oon ku jiro wuxuu noo noqday macalin dabaasha na bara sadex cisho ayaanu dadabaalanaynay Badda Barbara.
Waxa uu ahaa masuul qof walba maqaamkiisa ku qaabila, dumarka ixtiraama, waayeelka soo dhaweeya, dadka jilicsan u naxariista, danyarta la damqada, bukaanka ka war haya, dhalinyaradana fursad siiya oo tababara, qodobadaa aan tiriyay oo dhan midkasta sheeko iyo qiso cajiib ah ayaan u hayaa ee halkan kuma soo koobi karo.
Muddada aan arki jiray ama aan la soo shaqeeyay aad ayay u koobnayd ee waxa jira rag hayday u gacan qaadaan taariikh badan ka qori kara.
Caawa waa habeenkii u horaysay ee qabri ku hoydo ee dhammaan teen aynu uwada ducayno, Rabbi janadii fardawsa haka waraabiyo samir iyo iimaana haynaga wada siiyo gaar ahaan qoyska reer Axmed siilaanyo, Aamiin Aamiin Aamiin.
Amb Ahmed Safiina
08/07/2023
Waxa aan xanuunka la dareemayaa walaalaheen reer ee xalay uu baabiiyay dabka qabsaday suuqa Taywaan, waa arrin xanuun nagu ah in hanti badani dabkaa aynu ku waynay, ilaaha Raxmaanka ah baaynu u waydiinaynaa in uu ciwad kheyr leh iyo sabir ugu booga dhayo.
Waxa aan ugu baaqayaa Ganacsatada umadda Soomaaliyeed in ay u gurmadaan ganacsatadii yaryareed ee ku xoola waayay dabkaa aan waxba reebin, Alla Mahad Leh.
Amb Ahmed Safiina
05/04/2023
Waxa inaga baxay Halyaygii Hanka waynaa Pro Ismaciil Maxamuud Hurre Buubaa, Rabiyoow Raxmaanoow raali ahaan shahaaga ku marti-soor.
Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii, dhammaan asxaabtiisii iyo dhammaan ummadihii ay soo wada shaqeeyeen, Inaalilaahi waa inaa ilayhi raajaacuun.
Amb Ahmed Safiina
Amb Ahmed Safiina
Senior Adviser to the / Former Spokesperson for the Election Commissions / PhD Candidate.
05/02/2023
Waxa nasoo gadhay dhambaal siday warka geerida inaadeer kay Xussen Nuur Aadan oo maanta ku Geeriyoodey Dalka Hindia waa geeri naxdin leh Raxmaanku hawnxariisto dhamaantayo Rabbi samin iyo iimaan hanasiiyo Aamiin. .إنّا لله وإنّا إليهِ رَاجعُون
Amb Ahmed Safiina
01/01/2023
Alxamdulilaa waxa hada Salaadii Cishaai ee Masjidal Xaraamka Makkah Al Mukarma kadib lagaga tukaday janaasada Sheekh Ismaaciil Maxamuud Cigaal.
Ilaahay ducadii iyo dadaalkii ay Asxaabtu sameeyeen wuu inaga aqbalay oo waxa hada lagu Aasiy Sheekh Ismaaciil Xabaalaha Janatu Maclaaa oo ay ku aasan yihiin boqolaal Saxaabadii Rasuulka SCW oo ay koow ka tahay Hooyadeen Khadiija Bintu Khuwayla.
Dadka Makkah ku dhinta oo badan iyo xabaalahan oo kooban awgood Xabaalahan waxa laxidhay 15 sano kahor oo waxa ay u jiraan Masjidal Xaraamka wax kayar 450 talaabo waxana lagu furaa amar ka soo baxa Amaarada Makkah Al Mukarama, Alxamdu lilaah sheekh ismaaciil waa loo furay oo hada ayaa lagu aasay.
Waxa aynu u mahad celinaynaa dhammaan intii ka qayb qaadatay oo uu ugu horeeyo Amiirka Makkaha Al Mukarama Amiir Khaalid Al Faysal iyo Madaxwaynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele iyo Dhamaan Axbaabta sheekh Ismaaciil oo ilaahay Badiyay, Dhamaantiin waad mahad santihiin.
Ilaahayoow Raxmaanoow Sheekh Ismaaciil caawa waa kuu marti, Raxmaanoow Raali ahaan shahaaga iyo Janadii Firdawsa in aad ku soorto ayaanu kuu waydiinay sheekha, Aamiin Aamiin Aamiin.
Amb Ahmed Safiina
31/12/2022
Waxa aan halkaan tacsi uga dirayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Ummadda Islaamka ah anigoo ku hadlaya magacayga iyo magacaga aabahay Xaaji Aadan Dagaal geerida ku timid sheekheenii Amiirkii Culimaa udiinka Dacwada Tabliiqa Sh Ismaaciil Maxamuud Cigaal Cuumbaale.
Waxa aan markhaati ka ahay ilaahayna la hor istaagayaa in Sheekh Ismaaciil uu wakhtigiisa maalkiisa iyo cimrigiisa u huray fidinta dacwada diinta Islaamka iyo kor yeelida kalmada Allaah, wuxa uu ahaa muumin raxmad badan, dadaal badan, cibaado badan, qiyaamu laylka ooga, umaray fidinta diinta islaamka deegaano dawlado iyo dhul badan, waxa uu sabab u noqday hanuuninta ummado badan qaar dhintay iyo qaar noolba, tacabkiisii wanaagsanaa waxa uu ka muuqdaa dhammaan deegaanada ay Soomaalidu dagto.
Waxa uu aad iyo aad u jeclaa in tobanka dambe ee bisha Ramadaan uu ku ictikaafo Masjid Al-Xaraam, waxa uu u soo Xaji jiray sanad dhaaf ilaa iyo sideetamaadkii qarnigii tagay, waxa uu masjidal xaraamka ka fadhiisan jiray qaybta looyaqaano Shaamiya oo ah waqooyiga Xaramka waa inta u dhaxaysa Baabal Cumra iyo Baabul Fatax, Alxamdu lilaah bishii Ramadaan ee u damysayna waanu wada joognay Masjidal Xaraamka.
Waxa aan Raxmaanka u waydiinayaa in uu sheekha ka raali noqdo iyo in uu sheekha hoygiisa ka dhigo Jannatul firdaws iyo jaarka Nabi Muxammad SCW, ilaahayoow hana fidnayn gadaashii, camalkiisii iyo raadkiisii wanaagsanaa ee uu ka tagayna baaqi ka yeel inta ay cadceedu bari ka soo baxayso, Aamiin Aamiin Aamiin.
Waxa aan Ilaaha Raxmaanka ah uga baryaynaa in lagaga tukado goobtuu u jeclaa in uu ku tukado ee xaraamka oo qabrigiisu noqdo oo lagu aaso xabaalaha Reer Makkah ee Al-Maclaa oo ay ku aasan yihiin boqolaal Saxaabadii Rasuulka SCW iyo Taabiciyiin oo ay ka mid yihiin Umul Muuminiin Hooyadeen Khadiija binta Khuwayla, C/laahi bin subayr, Asmaa bintu Abiibakar iyo inamadii Rasuuka SCW oo kala ahaa Qaasim bin Muxammad iyo Cabdallah bin Muxammad.
Waxa kale oo ku aasan xabaalaha Al-Maclaa Nabi Muxammad SCW awoowyadii Cabdil Mudalib, Cabdi Manaaf iyo Qusay bin kilaab oo ahaa qofkii ugu horeeyay ee lagu aaso xabaalaha Al Meclaa ee reer makkah oo Masjid Al xaramka u jirta wax kayar 450 talaabo.
Asxaabeey idinkuna Aamiin dhaha, Aamiin.
Amb Ahmed Safiina
30/08/2022
Waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa walaalkay ahna Saaxiibkay Abdulkadir Eidleh oo ka qalinjabiyey Masters-kii labaad ee Aqoonta Dawlad wanaagga iyo Hoggaaminta, runtii inta aan ka aqaan saaxiibkay waa Shakhsi howlkar ah, daacad ah, dadaal badan isla markaana dun wanaag u dhashay.
Ilaahay waxa aan ka baryayaa in uu ku anfaco aqoontaa uu bartay dadkiisa & dalkiisaba. Hambalyo Saaxiib.
Amb Ahmed Safiina
18/08/2022
Alle ha u naxariisto Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi"
(Tiir baa naga baxay, tusaale mudnaa.
Gob baa Naga tagay tudhaale badnaa.
Togbaa naga gudhay tashigu ku xidhnaa.
Tiriig baa damay tuulada u shidnaa.
Tilmaamaa go'ay toolmooni badnaa.)
إنّا لله وإنّا إليهِ رَاجعُون
Amb Ahmed Safiina