Ministry of Internal Security -Somalia

Call Website Contact the organization

Ministry of Internal Security -Somalia Bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaan ka shaqaynaa sugidda amniga gudaha, xasiloonida, iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Qaabilay Wafdi ka Socday IOM SoomaaliyaMuqdisho, 7 Oktoobar 2026: Agaasim...
07/10/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Qaabilay Wafdi ka Socday IOM Soomaaliya

Muqdisho, 7 Oktoobar 2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Mohamed H. Shire, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda IOM oo ay hoggaaminaysay Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska,
Prestage Murima. Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Mudane Mpilo Nkomo, oo dhowaan la wareegi doona xilka Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska IOM Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta labada dhinac, gaar ahaan maamulka socdaalka, maaraynta xuduudaha, xasilinta iyo horumarinta hawlaha wadajirka ah.

Agaasimaha Guud ayaa IOM uga mahadceliyay taageerada iyo wada-shaqaynta joogtada ah, iyadoo labada dhinac ay isla garteen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta isku-dubbaridka iyo iskaashiga ku aaddan amniga gudaha iyo xasilinta dalka.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Agaasimayaasha Waaxyaha Qorshaynta iyo Siyaasadda, Maamulka iyo Maaliyadda.

Agaasimaha Guud oo Guddoomiyey Kulanka Laba-toddobaadlaha ahMuqdisho, 6 Oktoobar 2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amn...
06/10/2026

Agaasimaha Guud oo Guddoomiyey Kulanka Laba-toddobaadlaha ah

Muqdisho, 6 Oktoobar 2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Shire, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka laba-toddobaadlaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha socda, qorshe-hawleedka waaxyaha iyo mudnaanta shaqo. Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale ka warbixiyey safarkii shaqo ee Wasaaradda ee dalka Shiinaha iyo kulamadii uu la xiriiray.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay dib-u-dayactirka xarunta Wasaaradda, u diyaar-garowga miisaaniyadda 2026–2027, xaaladda shuruucda iyo siyaasadaha, iyo howlaha mudnaanta leh ee u baahan dardargelin.

Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyey diyaarinta qorshaha waxqabadka sannadlaha ah, xoojinta isku-duwidda waaxyaha iyo wada-shaqeynta, si loo dardargeliyo fulinta howlaha Wasaaradda.

DHAMMAAD

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha.
Website: https://mois.gov.so
Twitter: https://twitter.com/moisfgs

27/09/2026
Wasaaradda Amniga Gudaha oo Abaalmarisay Howlwadeennadii Shirweynihii Qaran ee Amniga Gudaha.Wasaaradda Amniga Gudaha ee...
23/09/2026

Wasaaradda Amniga Gudaha oo Abaalmarisay Howlwadeennadii Shirweynihii Qaran ee Amniga Gudaha.

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad Cash-sharaf ah oo lagu maamuusay howlwadeennadii, hay’adihii iyo dhammaan intii ka qaybqaadatay qabanqaabada iyo hirgelinta Shirweynihii Qaran ee Amniga Gudaha, kaas oo 1–2 Sebtembar 2026 lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye; xubno ka tirsan guddiyada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya; Agaasimaha Guud; agaasime-waaxeedyada, shaqaalaha Wasaaradda, Xafiiska Amniga Qaranka, Saraakiil ka socotay hay'addaha amniga gudaha iyo marti-sharaf kale.

Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa bogaadiyay dadaalka iyo shaqada adag ee ay howlwadeennada Wasaaraddu geliyeen qabsoomidda Shirweynaha. Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay hay’adihii iyo shirkadihii taageeray, gaar ahaan Shirkadda Aleel Communications, oo door muhiim ah ka qaadatay dhinaca Warbaahinta iyo tebinta Shirweynaha. Wasiirku wuxuu xusay in wada-shaqayntu ay laf-dhabar u ahayd guusha Shirweynaha asagoo si gaar ah ugu mahadceliyay dadaalka iyo hawlkarnimada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda kaasoo wax weyn ku soo kordhiyay waxqabadka Wasaaradda isla markaana suurtogeliyay qabsoomida shirweynaha Qaran.

Ugu dambayn, Wasiirka iyo madaxda kale ayaa Shahaadooyin mahadcelin iyo aqoonsi ah guddoonsiiyay howlwadeennadii Wasaaradda, hay’addaha amniga gudaha, Shirkadda Aleel Communications iyo shaqsiyaadkii sida gaarka ah uga qaybqaatay qabanqaabada iyo hirgelinta Shirweynaha.

Wasiirka Amniga Gudaha oo la Kulmay Safiirka JarmalkaWasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane ...
23/09/2026

Wasiirka Amniga Gudaha oo la Kulmay Safiirka Jarmalka

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Sebastian Groth.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amniga dalka, xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo socdaalka, la-dagaallanka burcad-badeednimada iyo dambiyada xuduudaha ka gudba.

Safiirka Jarmalka ayaa bogaadiyey wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan tan kala dhexeysa Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, isagoo adkeeyey muhiimadda iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada amniga, socdaalka iyo xuduudaha.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay qorshayaasha la xiriira bixitaanka AUSSOM iyo muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo la xoojinayo awoodda hay’adaha amniga iyo taageerada saaxiibbada caalamiga ah.

BAAHIN SHAQO-QAADASHO GUDAHA AHJagada: Agaasimaha Waaxda Maamulka ShaqaalahaGuddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowlad...
23/09/2026

BAAHIN SHAQO-QAADASHO GUDAHA AH

Jagada: Agaasimaha Waaxda Maamulka Shaqaalaha

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda wuxuu ku wargelinayaa dhammaan shaqaalaha Dowladda ee buuxiya shuruudaha iyo aqoonta looga baahan yahay jagada Agaasimaha Waaxda Maamulka Shaqaalaha in jagadani u furan tahay Shaqo-qaadasho Gudaha ah (Internal Merit-Based Recruitment).

Shaqaalaha Dowladda ee buuxiya shuruudaha jagada waxaa lagu wargelinayaa in ay codsiyadooda ku soo gudbiyaan Nidaamka Elektaroonigga ah ee Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, iyagoo adeegsanaya akoonkooda (User Account) ay ku leeyihiin nidaamka.

Gabdhaha ka tirsan shaqaalaha Dowladda waxaa si gaar ah loogu dhiirrigelinayaa in ay soo codsadaan jagadan.

Si aad u hesho faahfaahinta jagada, shuruudaha iyo habka codsashada, fadlan raac linkigan:

https://ncsc.gov.so/p/job-detail?d=37

Waqtiga K**a Dambaysta ah
04 Oktoobar 2026 — 11:59 PM

____________-___________-__________
Xafiiska Xiriirka Dadweynaha
Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya
Website: www.ncsc.gov.so
E-mail: [email protected]

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeyb galay xafladda 77-guurada Aasaaska ShiinahaMuqdisho, 21 Sebtembar 2026 — Wasiirka Amni...
21/09/2026

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeyb galay xafladda 77-guurada Aasaaska Shiinaha

Muqdisho, 21 Sebtembar 2026 — Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa ka qeyb galay munaasabad ay Safaaradda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ku qabatay Muqdisho, taas oo lagu xusayay 77-guurada Aasaaska Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah.

Munaasabadda ayaa lagu xusay xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, oo ku dhisan xiriir soo jireen ah iyo danaha labada dal.

Wasaaradda Amniga Gudaha oo soo bandhigtay waxqabad muuqdaWasaaradda Amniga Gudaha ayaa si wanaagsan uga qaybqaadatay qi...
13/09/2026

Wasaaradda Amniga Gudaha oo soo bandhigtay waxqabad muuqda

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa si wanaagsan uga qaybqaadatay qiimeynta waxqabadka Wasaaradaha Xukuumadda DanQaran, oo uu hoggaamiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Qiimeyntu waxay cabbirtay heerka fulinta ballanqaadyadii iyo qorshayaashii ay Wasiirradu la saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo la adeegsanayo hannaan dijitaal ah oo daahfuran, kaas oo si cad u muujinaya natiijooyinka Wasaarad kasta.

Waxqabadka Wasaaradda Amniga Gudaha wuxuu ka tarjumayaa dadaallada lagu xoojinayo amniga, lagu tayeynayo hay’adaha, lagu isku-dubbaridayo hawlaha amniga, laguna horumarinayo adeegyada amni ee shacabka Soomaaliyeed.

Natiijadani waxay ku timid hoggaan leh jihayn cad, isla-xisaabtan joogto ah iyo wada-shaqayn xooggan oo dhexmartay Wasaaradda iyo hay’adaha hoos yimaada.

Wasaaraddu waxaa ka go’an in waxqabadka la gaaray loo beddelo saameyn waarta oo shacabka ku dareemaan amni, xasillooni iyo kalsooni hay’adeed, iyadoo la dardargelinayo hirgelinta mudnaanta amniga qaranka iyo qorshayaasha Xukuumadda DanQaran.

DHAMMAAD

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha.
Website: https://mois.gov.so
Twitter: https://twitter.com/moisfgs

Wasiirka Amniga Gudaha oo booqday xarumaha Booliiska iyo warshado ku yaalla XuzhouXUZHOU, SHIINAHA — Wasiirka Amniga Gud...
12/09/2026

Wasiirka Amniga Gudaha oo booqday xarumaha Booliiska iyo warshado ku yaalla Xuzhou

XUZHOU, SHIINAHA — Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga Shiinaha, ayaa booqday xarumaha Booliiska iyo warshado ku yaalla magaalada Xuzhou ee Gobolka Jiangsu.

Wafdiga ayaa booqday Saldhigga Booliiska Caasimadda Xuzhou, halkaas oo lagu soo bandhigay hababka Booliisku u maareeyo amniga iyo adeegyada shacabka, iyo doorka tiknoolajiyadda ee hawlaha Booliiska.

Wafdiga ayaa sidoo kale booqday warshado iyo xarumo bandhig oo soo saara gaadiid iyo tiknoolajiyad loo adeegsado adeegyada amniga, halkaas oo lagu soo bandhigay habka wax-soo-saarka iyo adeegsiga tiknoolajiyadda.

Booqashada ayaa fursad u siisay wafdiga Soomaaliya inay qiimeeyaan khibradaha iyo nidaamyada casriga ah ee Booliiska Xuzhou, gaar ahaan adeegsiga tiknoolajiyadda, maamulka amniga iyo adeegga shacabka.

Dardargelinta qorshaha iyo waxqabadka Wasaaradda Amniga Gudaha.Ku-simaha Agaasimaha Guud, Mudane Cabdullaahi Faarax, aya...
12/09/2026

Dardargelinta qorshaha iyo waxqabadka Wasaaradda Amniga Gudaha.

Ku-simaha Agaasimaha Guud, Mudane Cabdullaahi Faarax, ayaa guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray hirgelinta natiijooyinkii Shirweynihii Amniga Gudaha ee 1–2 Sebtembar 2026, iyo qiimeynta waxqabadka sanadlaha ah ee Wasaaradda iyo hay’adaha hoos yimaada.

Waxaa sidoo kale la isla eegay hawlaha la qabtay, kuwa socda iyo caqabadaha hortaagan kuwa aan weli qabsoomin, iyadoo la adkeeyay in la dardargeliyo hawlaha mudnaanta u leh Wasaaradda.

Address

VIA TANZANIA Street, EX 888 BILDING
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Internal Security -Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ministry of Internal Security -Somalia:

Shortcuts

Share