07/05/2026
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qabatay kulan lagu ansixinayo Siyaasadda iyo Sharciga Iskaashatooyinka Qaranka (Validation meeting for National Cooperatives policy and law) , kaas oo ay ka soo qaybgaleen hay’adaha dowladda, Dowlad Goboleedyada, ganacsatada gaarka loo leeyahay, iyo iskaashatooyinka kala duwan ee dalka.
Intii uu kulanku socday, waxaa si faahfaahsan loo soo bandhigay Siyaasadda iyo Sharciga Iskaashatooyinka Qaranka, iyadoo lagu xoojiyay doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan casriyeynta iyo horumarinta waaxda iskaashatooyinka Soomaaliya, kobcinta iskaashiga bulshada, iyo ballaarinta fursadaha dhaqaale ee dalka.
Wasaaraddu waxay xaqiijisay sida ay uga go’an tahay dardargelinta hannaanka sharciyeed ee haray, isla markaana ay u gudbin doonto Siyaasadda iyo Sharciga Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si loo ansixiyo sida ugu dhakhsaha badan.
Ka qaybgalayaasha kala duwan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay qaab-dhismeedka sharci ee iskaashatooyinka, waxayna bogaadiyeen hoggaaminta Wasaaradda ee geeddi-socodkan oo dhan. Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale si firfircoon uga qaybqaatay talooyinkooda, laga soo bilaabo la-tashiyadii h**e ilaa heerka ansixinta.
Kulanka waxaa furay, isla markaana soo xiray Agaasimaha Waaxda Ganacsiga Yaryar , Dhexdhexaadka iyo Iskaashatooyinka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed.
=DHAMMAAD=
07/05/2026
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Xassan, ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah iyo kor u qaadista iskaashiga ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta warshadaha.
Kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal, si loo gaaro dano wadajir ah oo waxtar u leh shacabka labada dal.
=DHAMMAAD=
06/05/2026
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa Siyaasadda iyo Sharciga Iskaashatooyinka Qaranka (National Cooperatives Policy and Acts) , kaas oo ay ka qayb galeen Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowlad Goboleedyada dalka. Kulanka ayaa waxaa furay Ku-simaha Agaasimaha Guud, Marwo Abshira Yusuf Axmed.
Intii uu kulanku socday, waxaa lagu soo bandhigay natiijooyinka ka soo baxay daraasaad iyo xog-ururin lagu sameeyay xaaladda iskaashatooyinka dalka, kuwaas oo ay barbar socdeen la-tashiyo lala yeeshay daneeyayaal kala duwan, oo ay ka mid yihiin hay’adaha dowladda, ganacsatada, iyo qaybaha kala duwan ee iskaashatooyinka.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo bandhigay qabyo-qoraalka Siyaasadda iyo Sharciga Iskaashatooyinka Qaranka.
Diyaarinta Siyaasadda iyo Sharciga Iskaashatooyinka Qaranka ayaa ah mid muhiim u ah hirgelinta hannaan sharciyeed oo hagaya, isla markaana aasaas adag u noqonaya horumarinta iskaashatooyinka. Tani waxay door weyn ka qaadan doontaa kobcinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka, iyo kor u qaadista wax-soo-saarka dalka.
=DHAMMAAD=
21/04/2026
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Xassan, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada iyo Deganaanshaha ee Soomaaliya, Mudane George Conway.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kobcinta hannaan horumarineed oo ku dhisan ganacsi iyo maalgashi, si loo xaqiijiyo dhaqaale ku saleysan wax-soo-saar iyo maalgelin, halkii uu ku tiirsanaan lahaa kaalmada.
Labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda iskaashi dhow, isku-duwid wax ku ool ah, iyo wadashaqeyn joogto ah oo lagu taageerayo adkaysi dhaqaale iyo horumar waara oo mustaqbalka fog ah.
=DHAMMAAD=
16/04/2026
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Hindiya ee Soomaaliya, Mudane Adarsh Swaika.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Hindiya, iyadoo laga wada hadlay fursadaha lagu horumarin karo ganacsiga, maalgashiga, iyo kor u qaadista wax-soo-saarka.
Sidoo kale, waxaa la falanqeeyay hababka lagu sii ballaarin karo isu-socodka ganacsiga iyo fursadaha iskaashi ee dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha.
Labada dhinac waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah iyo wada-shaqeynta u dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya.
=DHAMMAAD=
14/04/2026
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Xasan, ayaa maanta kulan wax ku ool ah la qaatay wakiillo ka socday warshadaha dalka, kaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda.
Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Maxamed Abukar Shariif, iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, Marwo Hawo Axmed Xasan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta u dhexeysa dowladda iyo bahda warshadaha dalka, horumarinta siyaasado dhiirrigeliya kobaca warshadaha iyo maalgelinta gaarka loo leeyahay, hirgelinta aagagga warshadaha, wax ka qabashada caqabadaha haysta warshadaha, iyo kor u qaadista barnaamijyada dhisidda awoodda ee bahda warshadaha dalka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ay ku horumarinayso deegaanka ganacsi ee dalka, si loo xoojiyo kobaca dhaqaalaha iyo doorka muhiimka ah ee ganacsiga gaarka loo leeyahay.
=DHAMMAAD=
13/04/2026
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, mudane Gamal Maxamed Xasan, ayaa maanta ka qaybgalay ololaha abuurista geedaha oo uu hormuud ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi Barre, kana dhacay xarunta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Tani waxay muujinaysaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta deegaanka iyo horumarinta Soomaaliya cagaaran.
Sidoo kale, Wasiir Gamal Maxamed Xasan ayaa xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ku martigeliyay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), iyo Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, mudane Bashir Maxamed Jaamac, kuwaas oo ka qaybgalay olol la mid ah ololaha abuurista geedaha.
Hindisahan qaran ayaa lagu xoojinayaa ilaalinta deegaanka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, si loo xaqiijiyo Soomaaliya cagaaran oo waara.
=DHAMMAAD=
07/04/2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ibraahim Cismaan, ayaa ka qayb galay kulan shaqo oo uu qabtay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasoo looga hadlay dardargelinta iyo fududeynta dukumentiyada la xiriira diiwaangelinta iyo fulinta heshiisyada iyo qandaraasyada hay’adaha dowladda.
Kulankani waxa uu sidoo kale diiradda saaray xoojinta isku xirnaanta hay’adaha, hubinta in howlaha ay u socdaan si waafaqsan sharciyada iyo nidaamka, iyo kor u qaadidda isla-xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka guud.
Tallaabooyinkan ayaa muhiim u ah ilaalinta danaha qaranka, xoojinta kalsoonida shacabka lagu qabo hay’adaha dowladda, iyo horumarinta adeeg dowladeed oo hufan, oo ku dhisan daahfurnaan.
=DHAMMAAD=
31/03/2026
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Xasan, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda saxiixa heshiis is-afgarad (MoU) oo dhexmaray Shirkadda Hormuud iyo Hay’adda GIZ ee Jarmalka, kaasoo lagu horumarinayo dhaqaalaha dijitaalka ee Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa door muhiim ah ka qaadanaya xoojinta iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyadoo la dhiirrigelinayo hal-abuurka, kobcinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah (SMEs), iyo abuurista fursado shaqo oo waara.
Wasiirka ayaa soo dhaweeyay heshiiskan, isaga oo ku tilmaamay mid laf-dhabar u ah horumarinta ganacsiga dijitaalka ah iyo ballaarinta suuqyada, si loo kobciyo tartanka, wax-soo-saarka gudaha, iyo horumarinta adeegyada dijitaalka.
Heshiiskan wuxuu sidoo kale xoojinayaa ka faa’iidaysiga fursadaha ka jira isdhexgalka Bulshada Bariga Afrika (EAC), isagoo dhiirrigelinaya ganacsi furan, isku xirnaanta suuqyada, iyo horumar dhaqaale oo wadajir ah.
=DHAMMAAD=
28/03/2026
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Xasan, ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Ganacsiga ee Boqortooyada Morocco, Mudane Omar Hejira, intii uu socday Shirka 14-aad ee Wasiirrada ee Ururka Ganacsiga Aduunka (14th WTO Ministerial Conference) oo ka dhacay Magaalada Yaoundé, Cameroon.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal, ka faa’iidaysiga fursadaha ka jira Ururka Ganacsiga Aduunka (WTO) iyo Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), iyo horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Kulanka ayaa sidoo kale xoojiyay isfahamka labada dal ee ku aaddan horumarinta ganacsiga, maalgashiga, iyo abuurista fursado shaqo oo waara.
Shirka waxaa Wasiirka ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Ibraahim Cismaan.
==DHAMMAAD==
28/03/2026
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Xasan, ayaa la kulmay dhiggiisa Ethiopia, Mudane Kassahun Gofe, intii uu socday Shirka Wasiirada ee 14aad ee Ururka Ganacsiga Aduunka (14th World Trade Organization Ministerial Conference) oo ka dhacay Magaalada Yaoundé, Cameroon.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa ganacsiga labada dal, loona xallin lahaa caqabadaha ganacsi, isla markaana loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale ee istiraatiijiga ah.
Kulankani wuxuu fursad u ahaa in la sahmiyo fursadaha cusub ee iskaashiga ganacsi iyo horumarinta dhaqaalaha, iyadoo la dhiirrigelinayo horumar waara oo labada dal ka wada faa’iidaystaan.
Shirka waxaa Wasiirka ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Ibraahim Cismaan.
==DHAMMAAD==