Kalmadda Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka ah Mudane Muxuyadiin Shaatax uu ka jeediyay munaasabadda Bandhigga Horumarka iyo Xoojinta Wada-shaqeynta Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed.
Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS
Official page of the Ministry of Justice and Constitutional Affairs Federal Gov of Somalia.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Faysal Aadan Xasan oo madaxda iyo marti-sharafta kasoo qeyb gashay u bidhaamiyay ujeedka munaasabadda Bandhigga Horumarka iyo Xoojinta Wada-shaqeynta Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed.
08/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa xalay soo xiray munaasabadda bandhigga horumarka iyo xoojinta wada-shaqeynta Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda.
Munaasabadda oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, hay’adaha Bahda Caddaaladda, xildhibaanno iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa lagu soo bandhigay horumarka hay’adaha Bahda Cadaaladda Ayada oo hadda Bahdu leedahay Istaraatiijiyad Mideysan oo ay kuwada shaqeyso.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda isku xirnaanta hay’adaha dowladda, tayeynta adeegyada horumarineed ee hay'adaha isaga oo bogaadiyay isbeddellada iyo dadaallada ka socda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, gaar ahaan howlaha dib-u-habeynta ee uu ku dhaqaaqay taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Wasiirka oo ugu dambeyn bogaadiyay ciidamada geesiyaasha ah ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaas oo baacsanayo Khawaarijta gabbalkoodu dhacay ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay xoojiyaan doorkooda ku aaddan ilaalinta amniga iyo xasilloonida dalka si loo adkeeyo wadajirka iyo nabad-gelyada dalka.
— 𝐃𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐝 —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir:
𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐑𝐚𝐬𝐡𝐢𝐢𝐝 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadwaynaha
[email protected] - [email protected]
Website: https://moj.gov.so
Twitter: https://twitter.com/MojSomalia
Instagram: https://www.instagram.com/mojsomalia/
Flickr: https://www.flickr.com/photos/mojcasomalia/
07/05/2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda JFS Mudane Cali Yuusuf Cali - Xoosh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda Bandhigga Horumarka iyo Xoojinta Wada-shaqeynta Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay guulaha Muuqda ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo guud ahaan bahda Cadaaladda.
07/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) oo kalmad ka jeediyay munaasabadda Bandhigga Horumarka iyo Xoojinta Wada-shaqeynta Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed ayaa ku ammaanay Wasaaradda isbeddelka Wax-qabadka baaxadda leh ee laga gaaray Horrumarinta howlaha Wasaaradda iyo guud ahaan Bahda Cadaaladda.
07/05/2026
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda Bandhigga Horumarka iyo Xoojinta wada-shaqaynta bahda Caddaaladda Soomaaliyeed oo bogaadiyay horumarka bahda Cadaaladda ayaa bidhaamiyay in la joogo waqtigii loo wada guntan lahaa tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed
07/05/2026
Senator Axmed Maxamed Cali ( Af-caddeey) oo kalmad ka jeediyay munaasabadda Bandhigga Horumarka iyo Xoojinta Wada-shaqeynta Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed ayaa boggaadiyay guulaha lataaban karo ee laga gaaray dhameystirkii dastuurka , Dib-u-habeynta sharciyada dalka iyo xoojinta adeegyada garsoorka dalka.
07/05/2026
Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale oo kalmad ka jeediyay munaasabadda Bandhigga Horumarka iyo Xoojinta Wada-shaqeynta Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay hay’adaha bahda caddaaladda iyo dadaallada xoojinta garsoorka oo horumarro badan laga gaaray
07/05/2026
Kooxda Onkod Ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa munaasabadda Bandhigga Horumarka iyo Xoojinta Wada-shaqeynta Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed ku soo bandhigay hees ka hadlaysa Wax-qabadka wasaaradda Cadaaladda iyo dadaalladii ay ku guuleystay.
"Wasaaradda Cadaalladu
Beryahaan Calankeedaa mudan
Caqabaddii Dastuurka iyo
Qabyadi bay Ciribtirtoo
Garsoor Casriyeysan iyo
Waxqabad Cadcad bay la timid"
07/05/2026
Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka ah Muxuyadiin Shaatax oo kalmad ka jeediyay munaasabadda Bandhigga Horumarka iyo Xoojinta Wada-shaqeynta Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay horumarka bahda caddaaladda.
07/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka xukuumadda JFS , Xildhibaano iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada oo kasoo qeyb galay munaasabadda Bandhigga Horumarka iyo Xoojinta Wada-shaqeynta Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed ayaa Kormeeray dhismaha Xafiisyada Wasaaradda oo dayactir, dib-u-habeyn iyo qalabeyn casri ah lagu sameeyay.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Website
Address
Mogadishu
Opening Hours
| Monday | 09:00 - 17:00 |
| Tuesday | 09:00 - 17:00 |
| Wednesday | 09:00 - 17:00 |
| Thursday | 09:00 - 17:00 |
| Saturday | 09:00 - 17:00 |
| Sunday | 09:00 - 17:00 |
