BAYDHABO:-Taliyaha Ciidanka XDS Gen Ibraahim Maxamed Maxamuud''Bilaha ugu dhaw Degaanada koonfurgalbeed waxaa ka Bilaaban Doono Howlgalo Culus''
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
Waa bogga Rasmiga ah ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
01/06/2026
BEYDHABO—TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED S/GUUTO IBRAAHIM MAXAMED MAXAMUUD OO TABABAR U FURAY CUTUBYO KA TIRSAN CIIDANKA BIRMADKA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFURGALBEED.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ay wehliyeen Wasiiro ka tirsan Maamulka KGS ayaa Dugsiga tababarka ee Magaalada Baydhabo tababar ugu furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Birmadka Koongfur Galbeed kuwaas oo loo diyaarinayo Dagaal ka dhanka ah Khawaarijta
S/GUUTO Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa ku bogaadiyay ciidamada dadaalkooda iyo geesinimadooda, waxa uuna adkeeyay in guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu ku yimid isku-duubnida iyo naf-hurnimada ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Ciidanka xooga Dalka Soomaaliyeed
E-mail: [email protected]
30/05/2026
WARSAXAAFADEED.
BEYDHABO 30 MAY 2026
28/05/2026
Kusimaha Taliyaha CXDS ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Gen Sahal Cabdulahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka, ayaa Xarunta Taliska Xoogga ku soo dhaweeyay wafdi ka socda Dowladda Talyaaniga oo uu wehlinayo Military Attaché-ga Dowladda Talyaaniga,
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta u dhaxeysa CXDS iyo Ciidanka Dowladda Talyaaniga, gaar ahaan dhinacyada taageerada, tababarrada iyo horumarinta ciidamada.
Geesta kale Taliyaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo Taliska Ciidanka Talyaaniga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin CXDS, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan horumarinta iyo tayeynta ciidamada Xoogga.
Ugu dambeyn wafdiga Ka socday Dowladda Talyaaniga ayaa dhankooda uga mahadceliyay Taliska CXDS soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka wanaagsan ee loo sameeyay, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada iyo wada shaqeynta kala dhaxeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Sareeye Guuto Sahal Cabdulahi Cumar "Gen khaalid" ayaa munaasabadda Ciidul Adxaa awgeed hambalyo u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.
Ciid Mubarak, Farxad ku Ciid meel waliba aad joogto, fariin Ka timid geesiyada Xoogga Dalka .
26/05/2026
Taliyaha Ciidanka XDS Gen Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa hambalyo ku aaddan Munaasabadda Barakeysan ee Ciidul Adxaa u diray Guud ahaan Ummada Muslimiinta Gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaana si gaar ah hambalyo ugu diray Ciidamada Qalabka Sida Gaar ahaan Ciidanka XDS ee habeen iyo maalin u taagan
Difaaca Qaranka iyo ilaalinta Shacabka Soomaaliyeed.
Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed awoodiisa iyo Sharafta magacii lagu yaqaanay kor ayay u qaaden” Kusimaha taliyaha CXDS ahna taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Gen Sahal Cabdullahi Cumar.
Ku Simaha Taliyaha xoogga Ahna Taliyaha ciidanaka dhulka S/guuto Sahal abdullahi Cumar. Ayaa tababar ufuray cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka.
25/05/2026
Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu furay Dufcadda 12-aad ee Kumaandooska Danab, kuwaasi oo lagu tababarayo Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure ee Bali-doogle.
Munaasabada furitaanka Tababarka ayaa waxaa goob joog ahaa Taliyaha Taliska tababarada iyo dogtariinka XDS Gen axmed Ciise Axmed, Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab Col Cabdicasiis Xuseen Maxamed saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, madax ka socotay saaxiibada caalamiga ah, iyo saraakiil ka tirsan howlgalka taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSOM) iyo ciidamada Uganda ee UPDF.
Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, Col. Cabdicasiis Xuseen Maxamed, (Military) ayaa Dufcadan cusub ee bilaabaya marxaladda adag ee tababarka Kumaandooska Danab Ku booriyay Ka dhabeynta hadafkooda Waxa uuna tilmaamay in dufcaddan cusub la siin doono tababaro heer sare ah
Geesta kale Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doktariinka XDS, Gen. Axmed Ciise Axmed, ayaa tilmaamay in tababarkan uu qeyb ka yahay qorshaha lagu tayeynayo ciidanka Xoogga Dalka , waxa uuna xusay in muhiimad gaar ah la siinayo tayada tababarka iyo kor u qaadidda xirfadaha ciidamada.
Ugu dambeyn Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa tilmaamay in uu furan yahay Tababarka Dufcada 12aad Kumaan Dooska Danab Asagoona Dufcada cusub ku bogaadiyay go'aan qaadashada ey ku doorteen ku biirista Ciidamada Xoogga Dalka
Gaba gabadii Munaasabada Taliyaha ayaa kormeer ku sameeyay goobaha tababarada Ciidamada
Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure ee Bali-doogle ayaa ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee lagu tababaro ciidamada Kumaandooska Danab, kuwaasi oo door weyn ka qaatay howlgalada lagu ciribtirayo Argagixisada iyo sugidda amniga guud ee dalka.
Click here to claim your Sponsored Listing.
