31/05/2026
Gudoomiyaha 2-aad ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, Mudane Mohamed Abdullahi Salad, ayaa shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Agaasimayaasha Hay’adda, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo, qiimeynta waxqabadkii la soo qabtay, iyo qorsheynta barnaamijyada cusub ee mudnaanta u leh hay’adda.
Kulanka oo ay ka soo qeybgaleen Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ayaa lagu soo bandhigay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan howlaha socda, guulaha la gaaray, iyo caqabadaha jira, si loo helo hannaan shaqo oo hufan isla markaana kor loogu qaado adeegyada loo fidinayo qaxootiga, barakacayaasha iyo bulshada nugul.
Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay dhammaan howl-wadeennada hay’adda dadaalka ay muujiyeen intii lagu guda jiray munaasabaddii Ciidda Carafo, isagoo si gaar ah ugu hambalyeeyay guusha laga gaaray gaarsiinta deeqihii udxiyada kumannaanka qoys ee danta yar. Mudanaha ayaa xusay in in ka badan dhowr kun oo qof ay ka faa’iideysteen udxiyadii ay hay’addu gaarsiisay bulshada tabaaleysan, taas oo ka tarjumaysa doorka muhiimka ah ee hay’addu ka qaadato garab istaagga dadka nugul xilliyada farxadda iyo munaasabadaha diimeed.
Sidoo kale, Agaasimayaasha ayaa kulanka ku gorfeeyay qorshayaasha cusub ee la doonayo in la hirgeliyo muddada soo socota, iyagoo si qoto dheer u falanqeeyay baahiyaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyada hay’adda. Waxaa sidoo kale la iska xog wareystay heerka ay marayaan howlaha h**e loo qorsheeyay, waxyaabihii qabsoomay, caqabadihii la kulmay, iyo tallaabooyinka lagu xallin karo si loo xaqiijiyo in qorshayaasha hay’addu ay u socdaan sidii loogu talagalay.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa Agaasimayaasha ku boorriyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, xoojiyaan wada-shaqeynta ka dhexeysa waaxyaha kala duwan, isla markaana mudnaan gaar ah siiyaan adeegyada bulshada qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed, si loo gaaro yoolalka horumarineed ee hay’addu hiigsanayso.
--------------
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/NCRIsom
Twitter https://twitter.com/NCRIsom
Instagram: https://instagram.com/NCRIsom
Website: https://ncri.gov.so
YouTube: https://youtube.com/NCRIsom
26/05/2026
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliya Mudane Liiban Cabdi Cigaal ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda barakeysan ee Ciidul Carafo.
Guddoomiyuhu waxa uu Alle uga baryay ummadda Soomaaliyeed nabad, barwaaqo iyo horumar waara, isaga oo si gaar ah ugu hambalyeeyay qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Ciid wanaagsan, sanadkaan sanadkiisa bashbash iyo barwaaqo ku gaara.
--------------
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/NCRIsom
Twitter https://twitter.com/NCRIsom
Instagram: https://instagram.com/NCRIsom
Website: https://ncri.gov.so
YouTube: https://youtube.com/NCRIsom See less
23/05/2026
Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed Mudane Abdullah Adan Abdi ayaa shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee agaasimeyaasha hay’adda, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo, kor u qaadidda tayada adeegyada la gaarsiiyo qaxootiga iyo barakacayaasha, iyo xoojinta wada-shaqeynta gudaha hay’adda.
Shirka ayaa lagu falanqeeyay warbixinno ku saabsan howlaha socda, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mudnaanta leh ee lagu horumarinayo adeegyada bani’aadannimo iyo barnaamijyada taageerada bulshada nugul. Agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ayaa soo bandhigay heerka ay marayaan howlaha muhiimka ah iyo dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta shaqada.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda howlaha, la xisaabtanka, iyo dardargelinta adeegyada loo fidinayo shacabka ay saameeyeen barakaca iyo xaaladaha bini’aadannimo. Sidoo kale, wuxuu ku boorriyay agaasimeyaasha in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo adeegyo tayo leh iyo fulinta qorshayaasha hay’adda si waafaqsan himilooyinka qaranka.
--------------
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/NCRIsom
Twitter https://twitter.com/NCRIsom
Instagram: https://instagram.com/NCRIsom
Website: https://ncri.gov.so
YouTube: https://youtube.com/NCRIsom
17/05/2026
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed Mudane Liibaan Cabdi Cigaal ayaa ka qeyb galay kulan uu shir guddoomiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS mudane Ali Yusuf Ali - Xoosh, kaas oo looga hadlay Hindisaha Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dejinta sharci rasmi ah oo hagaya shaqada goleyaasha deegaanka iyo xiriirka wada shaqeyneed ee u dhexeeya maamulka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka hoos yimaada.
Sidoo kale, kulankan wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay barakacayaasha ku nool Gobolka Banaadir, maadaama maamulka degmooyinka iyo goleyaasha deegaanka ay door weyn ku leeyihiin gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah, horumarinta bulshada, xal u helidda baahiyaha barakacayaasha iyo xoojinta matalaaddooda gudaha bulshada ay ku nool yihiin.
--------------
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/NCRIsom
Twitter https://twitter.com/NCRIsom
Instagram: https://instagram.com/NCRIsom
Website: https://ncri.gov.so
YouTube: https://youtube.com/NCRIsom
15/05/2026
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Liibaan Cabdi Cigaal, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed munaasabadda 15-ka May oo ah Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed, isla markaana ku beegan sanad-guuradii aas-aaska ururkii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in maalintani ay tahay maalin qiimo weyn u leh shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, maadaama ay astaan u tahay halgan, waddaniyad, midnimo iyo dadaalkii ay dhallinyaradii Soomaaliyeed u galeen xorriyadda iyo dowladnimada dalka.
Mudane Liibaan Cabdi Cigaal ayaa xusay in dhallinyaradu ay yihiin laf-dhabarta bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay ka yihiin tirada ugu badan ee bulshada, taasoo ka dhigeysa awoodda ugu weyn ee lagu gaari karo horumar waara, nabad, iyo dib u dhiska dalka. Waxa uu tilmaamay in kaalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ay si weyn uga muuqato dhinacyada waxbarashada, ganacsiga, hal-abuurka, tiknoolajiyadda iyo dadaallada bulshada lagu horumarinayo.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay leeyihiin karti, maskax iyo awood ay ku horseedi karaan dalka isbeddel wanaagsan, haddii la helo fursado ku habboon, taageero iyo dhiirrigelin joogto ah. Waxa uu ku booriyay dhallinyarada inay sii xoojiyaan midnimada, wadashaqeynta, aqoonta iyo ka qeyb qaadashada horumarka dalka.
“Dhallinyaradu waa rajada maanta iyo hoggaanka berri ee Soomaaliya. Waa awoodda ugu muhiimsan ee lagu gaari karo Soomaaliya nabdoon, horumarsan oo mustaqbal ifaya leh,” ayuu yiri Guddoomiyaha Hay’adda.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed Mudane Liibaan Cabdi Cigaal ayaa Alle uga baryay dhallinyarada Soomaaliyeed guul, horumar iyo mustaqbal wanaagsan, isagoo ugu baaqay inay door muuqda ka qaataan dib u dhiska dalka, ilaalinta midnimada iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.
--------------
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/NCRIsom
Twitter https://twitter.com/NCRIsom
Instagram: https://instagram.com/NCRIsom
Website: https://ncri.gov.so
YouTube: https://youtube.com/NCRIsom
13/05/2026
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Liibaan Cabdi Cigaal, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeyb galay kulan muhiim ah oo lagu daah-furayay Mashruuca KOBAC, isaga oo hoggaaminayay xubno ka socday Hay’adda.
Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta taageerada iyo horumarinta nolosha dadka barakacayaasha ah iyo bulshooyinka nugul ee ay saameeyeen duruufaha adag ee dalka ka jira, iyadoo Mashruuca KOBAC uu yahay mashruuc loogu talagalay abuurista fursado cusub oo dhinaca kobcinta xirfadaha, shaqo-abuurka, iyo horumarinta awoodaha bulshada.
Guddoomiyaha Hay’adda, Mudane Liibaan Cabdi Cigaal, ayaa kulanka ka jeediyay khudbad qoto dheer oo uu kaga hadlay muhiimadda ay leedahay in la helo mashaariic waxtar u leh dadka barakacayaasha ah, kuwaas oo muddo dheer wajahaya caqabado dhinaca nolasha, shaqo la’aanta, adeegyada aasaasiga ah, iyo fursadaha horumarineed.
Mudane Liibaan ayaa si gaar ah carrabka ugu adkeeyay baahida weyn ee loo qabo mashaariicda noocan oo kale ah, isaga oo tilmaamay in bulshada barakacayaasha Soomaaliyeed ay u baahan yihiin taageero joogto ah oo ka baxsan gargaar degdeg ah, si loo gaaro xalal waara oo horseeda isku filnaansho iyo nolol wanaagsan.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay xaaladaha nololeed ee adag ee ay la tacaalayaan qoysaska barakacayaasha ah, isagoo xusay in Mashruuca KOBAC uu door muhiim ah ka qaadan karo dib u dhiska rajada bulshada, kobcinta xirfadaha dhalinyarada iyo haweenka, iyo sare u qaadidda fursadaha dhaqaale ee bulshada nugul.
Mudane Liibaan Cabdi Cigaal ayaa sheegay in mashruucani uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo adkeysiga bulshada, isla markaana uu gacan ka geysan doono yareynta saboolnimada iyo ku tiirsanaanta gargaarka bani’aadannimo. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay dhammaan hay’adaha iyo dhinacyada ka qeyb qaatay hirgelinta Mashruuca KOBAC, isaga oo ku baaqay in la sii xoojiyo wada shaqeynta lagu taageerayo dadka barakacayaasha ah iyo bulshada martida loo yahay.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in Hay’addu ay ka go’an tahay dardargelinta dadaallada lagu horumarinayo xaaladda barakacayaasha, si loo helo bulsho awood leh oo ka faa’iideysan karta fursadaha horumarineed ee dalka ka jira.
--------------
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/NCRIsom
Twitter https://twitter.com/NCRIsom
Instagram: https://instagram.com/NCRIsom
Website: https://ncri.gov.so
YouTube: https://youtube.com/NCRIsom
07/05/2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon. Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhoweeyey Guddoomiyaha Hay’adda, Mudane Liibaan Cabdi Cigaal.
Intii uu kormeerku socday, Wasiirka waxaa warbixinno faahfaahsan laga siiyey habsami u socodka shaqooyinka iyo adeegyada kala duwan ee ay bixiso hay’addu. Warbixinnadaasi waxay si gaar ah diiradda u saareen qorshayaasha horumarineed, dadaallada lagu xoojinayo taageerada qaxootiga iyo barakacayaasha, iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada bani’aadannimo ee ay hay’addu bulshada u hayso.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Xoosh ayaa bogaadiyey shaqada muhiimka ah ee hay’addu u hayso bulshada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay doorka muuqda ee ay ka qaadato daryeelka, taageerada, iyo u adeegidda dadka nugul ee ay saameeyeen duruufaha adag. Wasiirku waxa uu sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta howlaha socda si loo xaqiijiyo himilooyinka qaran ee la xiriira arrimaha bani’aadannimada, dib-u-dejinta, iyo horumarinta bulshada.
Dhanka kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa goob-joog ka noqday adeegyo daryeel iyo taageero ah oo loo fidinayey qaar kamid ah barakacayaasha ay hay’addu gacanta ku hayso. Wasiirka ayaa ku ammaanay maamulka iyo shaqaalaha hay’adda dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan caawinta iyo garab istaagga dadka tabaaleysan.
--------------
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/NCRIsom
Twitter https://twitter.com/NCRIsom
Instagram: https://instagram.com/NCRIsom
Website: https://ncri.gov.so
YouTube: https://youtube.com/NCRIsom
06/05/2026
Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, iyadoo iskaashi dhow la leh hay’adaha AVORD, HIMILO, WARO, KARDO, HORN AID iyo SASDO, ayaa qiimeyn ballaaran ku sameeyay saameynta roobabkii dhawaan ka da’ay magaalada Muqdisho ay ku yeesheen barakacayaasha ku nool Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.
Qiimeyntan ayaa iftiimisay xaalado nololeed oo aad u adag oo ay wajahayaan qoysaska barakacayaasha, gaar ahaan dhinacyada hoyga oo si weyn u burburay, helitaanka biyaha nadiifta ah, adeegyada caafimaadka, iyo duruufaha nolol-maalmeedka oo sii xumaanaya.
Intaa waxaa dheer, hay’adaha ayaa si qoto dheer u falanqeeyay baahiyaha degdegga ah ee jira, si loo dardargeliyo loona xoojiyo gurmadka bini’aadantinimo ee la gaarsiinayo dadka ay roobabku saameeyeen.
Hay’adaha ka qeybgalay qiimeyntan waxay ballanqaadeen inay sii wadi doonaan isla markaana xoojin doonaan wada-shaqeynta iyo taageerada ay u fidinayaan bulshada ay dhibaatadu saameysay, iyagoo ka shaqeynaya xalal waara oo wax looga qabanayo xaaladaha taagan.
--------------
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/NCRIsom
Twitter https://twitter.com/NCRIsom
Instagram: https://instagram.com/NCRIsom
Website: www.ncri.gov.so
YouTube: https://youtube.com/NCRIsom