Maamulka Degmada Dayniile

Maamulka Degmada Dayniile

Share

Howlaha Maamulka Degmada Dayniile

Photos from Maamulka Degmada Dayniile's post 23/12/2025

Xarumaha Coddeynta Ee Degnada Dayniile dhamaan bulshada waxaad ka codeyn kartaan Goobaha hoos ku xusan. Fadlan codkaaga ku ciil bax mawaadin

26/09/2025

Jamaahiirta Dayniile berri waa diyaar๐Ÿ–

๐ŸŸ

17/08/2025
16/08/2025

Kumannaan Bulshada Degmada Dayniile ah oo ay Hoggaaminayaan Maamulka Degmada ayaa Caawa ka qeyb-galay Bandhig Ballaaran oo Shacabka Caasimaddu ku taageerayay Diiwaan-gelinta Doorashooyinka ee Gobolka Banaadir

๐——๐—ฎ๐—น ๐—ก๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฎ๐—ต ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐——๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ ๐—ค๐—ผ๐—ณ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—–๐—ผ๐—ฑ ๐—ฎ๐—ต

Photos from Maamulka Degmada Dayniile's post 10/07/2025

Maamulka degmada Dayniile ayaa soo agaasimay kulan looga hadlay Wacyigelinta Bulshada ee Kaalinta Isdiiwaangelinta Doorashooyinka qof iyo cod oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka, mudane Xasan Macallim Maxamuud, xildhibaanno, dadweynaha iyo waxgardka degmada iyo masโ€™uuliyiin kale.

Guddoomiye Muungaab ayaa shacabka Degmada Dayniile ku bogaadiyay sida ay hormuudka ugu yihiin dadaallada dawlad-dhiska, gaar ahaan isdiiwaangelinta doorashada iyo wada-shaqaynta heyโ€™addaha amniga.

Photos from Maamulka Degmada Dayniile's post 10/07/2025

Hordhac: Kulanka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ee Wacyi-gelinta Bulshada Degmada Dayniile iyo Kaalinta Diiwaan-gelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod ah

Photos from Maamulka Degmada Dayniile's post 10/07/2025

Hordhac: Xafladda Soo dhaweynta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)

Photos from Maamulka Degmada Dayniile's post 20/05/2025

Wasiirka Amniga Gudaha mudane Abdullaahi Sheikh Ismaaciil Fartaag, Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustaf Sheikh Ali Dhuhulow iyo Gudoomiyaha Degmada Dayniile Mudane Sheikh Omar Mahadalle oo ay wehliyaan Masโ€™uuliyiin kale ayaa xariga ka jaray dhismaha Xarunta 3-aad ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Mahadalle oo u Mahadceliyay madaxda Qaranka ee suura-gelisay in xaruntaan la furo ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada loo soo dhaweeyo adeegga baasaboor bixinta oo ay safar dheer u geli jireen, waxaana sidoo kale uu ka hadlay muhiimadda ay xaruntaani u leedahay dadka degmada, degmooyinka iyo deegaannada ku xeeran.

Maamulka degmada waxaa ka goโ€™an in dhamaan adeegyada dowladeed ee lagama maarmaanka u ah nolosha bulshada laga hir-geliyo degmada.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xilidhibaano ay ka mid yihiin Xildh. Cadar Cali Maxamed iyo Xildh. Dayax Axmed Cumar, Agaasimihii h**e ee hayโ€™adda socdaalka iyo jinsiyadda Janaraal Abdullaahi Gaafow, Gudoomiyaha degmada howlwadaag Mudane bashiir cabdi maxamed, Gudoomiye ku xigeenada Degmada iyo Odoyaasha deegaanka.

Photos from Maamulka Degmada Dayniile's post 20/05/2025

Hordhaca: Sawirada Xafladda Xarig-jarka Xarunta 3-aad ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

10/05/2025

Maalinti Seddexaad waxaa si habsami leh uga socda xarumaha degmada Dayniile howlaha diiwaangelinta doorashada golaha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir

Muwaadin Maanta is diiwaangali, si berri aad codkaaga ugu doorato qofkii aad u aragto in masiirkaaga aad ku aamini karto.

10/05/2025

๐——๐—ฟ. ๐—œ๐˜€๐—บ๐—ฎ๐—ฒ๐—น ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ถ ๐—œ๐—น๐—ฒ๐˜†๐—ธ: Maanta waxaan noqday Muwaadin wax dooran kara, lana dooran karo, dhalinyarada deegaanka waxaan ugu baaqayaa in ay is diiwaan-geliyaan si ay berri codkooda ugu ciil baxaan.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Address

Daynile Street Community Center Dayniile District
Mogadishu
252