Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda JFS

Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda JFS

Share

Waa Bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda JFS, kala soco waxqabadka Wasaarada

Photos from Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda JFS's post 08/05/2026

Munaasabad iskugu jirta soo dhaweynta Wasiirka dekaddaha iyo Gaadiidka Badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, taageerada musharaxa xisbiga Caddaaladda Iyo Wadirka (JSP) iyo guud ahaan doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka curtay oo ka socda Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Photos from Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda JFS's post 08/05/2026

WASIIRKA WASAARADDA DEKADDAHA XFS OO SAFAR SHAQO KU TAGAY DEGMADA WAAJID EE GOBOLKA BAKOOL.

Waajid, May 08, 2026; Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdulkadir Mohamed Nur ayaa maanta safar shaqo ku gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, isaga oo hoggaaminaya wafdi ballaaran oo ka kooban mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Ururka Caddaaladda Iyo Wadajirka (JSP).

Safarka wasiirka ayaa ahaa mid muhiim u ah xoojinta iyo dar-dargelinta Doorashooyinka qof iyo codka ah ee 10-ka bishan ka dhici doona dhammaan deegaannada maamulka koonfur Galbeed, iyo sidoo kale u kuurgelidda xaaladaha guud ee ka jira Degmada Waajid iyo deegaannada ku xeeran.

Waftiga Wasiirku markii ay soo gaareen Degmada Waajid, waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey maamulka Gobolka Bakool, kan Degmada Waajid, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada, qaybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabadda soo dhaweynta Intii lagu guda jiray maamulka Waajid, Nabaddoonada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa halkaas ka jeediyey khudbado ay ku soo bandhigeen aragtidooda sida xoojinta midnimada, wadashaqaynta bulshada iyo Dawladda, dar-dargelinta hawlaha Doorashooyinka qof iyo codka ah, Horimarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada caafimaadka, waxbarashada, iyo sidoo kale xoojinta amniga. Waxay si gaar ah u xuseen muhiimadda ay leedahay in meel looga soo wada jeesto cadawga ummadda Soomaaliyeed.

Wasiir Abdulkadir Mohamed Nur, ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo maamulka Degmada Waajid sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen, wuxuuna sheegay in booqashadiisu tahay mid lagu xoojinayo in dadka degmada waajid ee Gobolka Bakool la jaan-qaadaan isbeddelka maamuul ee ka dhacay Dowladda Koonfur Galbeed, isla markaana lagu dar-dargelinayo hirgelinta barnaamijyada horumarineed ee dowladda, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in Xukuumada Danqaran ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada bulshada iyo gaarsiinta maamulka wanaagsan dhammaan Deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambayntii wasiirku wuxuu tilmaamay in dowladdu ay xoogga saari doonto xoojinta nidaamka dowladnimo, adkaynta amniga iyo midnimada bulshada, si shacabka ay door muuqda uga qaataan hoggaaminta iyo horumarinta deegaannadooda wuxuu ku boorriyey bulshada Waajid inay ka shaqeeyaan nabadda, wadajirka, iyo ilaalinta xasilloonida, maadaama ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee horumarka.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃.
-----------------------------------
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA DEKADAHA IYO GAADIIDKA BADDA XFS.

Photos from Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda JFS's post 03/05/2026

WASIIRKA WASAARADDA DEKADDAHA XFS OO XAFIISKIISA KU QAABILAY SAFIIRKA DAWLADDA TURKIGA.

Muqdisho, May 03, 2026; Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdulkadir Mohamed Nur ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dawladda Turkiga, Mudane Alper Aktaş.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka horumarinta Dekeddaha, dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo kor u qaadista adeegyada gaadiidka badda, si loo taageero kobaca dhaqaale ee Soomaaliya.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa uga mahadceliyay Dawladda Türkiye taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo adkeeyay go'aanka dawladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa xaqiijiyay diyaar garowga Türkiye ee ku aaddan taageeridda dadaallada horumarineed ee Soomaaliya, isaga oo muujiyay muhiimadda iskaashi waara oo labada dal dhexmara.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah oo dhex mara Soomaaliya iyo Turkiga, halka Safiirka Turkiguna uu bogaadiyay dadaallada horumarineed ee ay Wasaaraddu waddo.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃.
-----------------------------------
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA DEKADAHA IYO GAADIIDKA BADDA XFS.

01/05/2026

Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa hambalyo ku aaddan xuska munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May u diray dhammaan shaqaale weynaha Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa si gaar ah Howlwadeenada Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey shaqada adag iyo waajibaadka qaran ee ay bulshada u hayaan, isagoo kula dardaarmay in ay sii laba jibaaran

27/04/2026

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda oo Abaalmarin Heer Qaran ah Lagu Maamuusay

Muqdisho, 28 Abriil 2026 — Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Xildhibaan Abdulkadir Mohamed Nur, ayaa caawa lagu maamuusay munaasabadda Somali Night Awards, isaga oo loo aqoonsaday siyaasiga ugu saameynta badan gayiga Soomaaliyeed sannadka 2026.

Abaalmarintan ayaa ka tarjumaysa dadaalka joogtada ah iyo hoggaaminta wax-ku-oolka ah ee Wasiirku ka muujiyay horumarinta kaabeyaasha dekadaha, kobcinta adeegyada gaadiidka badda, iyo xoojinta doorka ay wasaaraddu ku leedahay kobaca dhaqaalaha dalka.

Bahda Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Wasiirka, iyaga oo xusay in abaalmarintani ay dhiirrigelin u tahay xoojinta howlaha horumarineed ee lagu gaarsiinayo dalka horumar waara.

—Dhammaad—

22/04/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta dhexe ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya.

22/04/2026

Hadaljeedinta Wasiirka Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ee munaasabadda daahfurka dhismaha cusub ee Wasaaradda,

Photos from Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda JFS's post 22/04/2026

XARIG-JARKA XARUNTA DHEXE EE WASAARADDA DEKADAHA & GAADIIDKA BADDA

Waxaa sharaf wayn noo ah in Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, uu maanta noo xarig-jaro dhismaha cusub ee wasaaradda.

26 sano ka dib, wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda ayaa yeelanaysa xarun casri ah oo loo qalabeeyay si heer sara ah kuna haboon howlaha wasaaradda iyo haybadda qaranka.

Qorshaha wasaaradda ayaa ah in aan hurumarin degdeg ah ku sameyno dhammaan kaabayaasha dhaqaale ee dekadaha, marsooyinka iyo gaadiidka badda ee dhamaan deegaannada dalka oo dhan annaga oo kaashanayno dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah DFS.

22/04/2026

Daahfurka xarunta cusub ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo maanta la xarigjarayo.

Photos from Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda JFS's post 16/04/2026

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Xildhibaan Abdulkadir Mohamed Nur, ayaa ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Sheikh Mohamud, ee ka qaybgalay safarka rasmiga ah ee dalka Türkiye.

Wafdiga Madaxweynaha JFS ee maanta gaaray dalka Türkiye, si ay uga qayb galaan Madasha Caalamiga ah ee Antalya Diplomacy Forum, oo ah goob muhiim u ah is-dhaafsiga aragtiyaha siyaasadeed iyo diblomaasiyadda caalamiga ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa waxaa si diirran magaalada Istanbul ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Türkiye, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, iyagoo yeeshay kulan miro dhal ah oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal.

Dalka Türkiye waa saaxiib istaraatiiji ah oo door muuqda ka qaata taageerada, dib u dhiska, iyo horumarinta Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada muhiimka ah.

—Dhammaad—

Photos from Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda JFS's post 10/04/2026

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Abdulkadir Mohamed Nur, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu soo dhaweynayay markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey oo soo gaaray xeebaha dalka, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda.

Wasiirka ayaa xusay in imaanshaha markabkan uu yahay tallaabo muhiim u ah ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, isaga oo tilmaamay doorka ay Wasaaraddu ku lahayd fududeynta howlaha la xiriira soo dhaweyntiisa iyo hawlgalka uu bilaabi doono.

Sidoo kale, wuxuu adkeeyay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah iyo ilaalinta danaha qaranka, isagoo rajo ka muujiyay in mashruucani uu wax ka tari doono koboca dhaqaalaha dalka.

—DHAMMAAD—

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Shangani District
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00