06/11/2025
Stadium muqdisho waxaa galabta ka dhacaayo kulanka finalaha ee tartanka degmooyinka Gobolka Benaadir kasoo qeybgalayasha dhamaan waxaan ka baxeynaa 6da saac xarunta degmada.
Waqtigu wuu dhamaadaaa wuuna cararaa balse
Tariikhdu ma guurto
06/11/2025
Stadium muqdisho waxaa galabta ka dhacaayo kulanka finalaha ee tartanka degmooyinka Gobolka Benaadir kasoo qeybgalayasha dhamaan waxaan ka baxeynaa 6da saac xarunta degmada.
13/10/2025
Dhamaan Bahwaynta Sportska Degmada Dharkeynley beei haduu Alle Idmo wareega 16 ka waxaa wada ciyaari doona Heliwaa vs Dharkeenley 14/10/2025 3:30 Pm.
01/10/2025
Degmada Dharkeynley iyo Degmada Howl-wadaag ayaa galabta isaga hor Imaan doonan garoonka Stadium Muqdisho kulan katirsan tartanka degmooyinka Gobolka Benaadir.
Tageerayasha Degmada Dharkeynley waxaan rajeyneynaa iney garoonka soo buuxiyaan galabta si aan ugarab istaagno xidigaha nagu matalaayo tartanka sanadkaan oo ah mid xiiso gaara leh.
26/09/2025
Taageerayaasha Degmada Dharkeynley waxaan ugu baaqayaa in ay so buuxiyaan Goroonka soona garabka istaagaan ciyaartoydooda. guuashana waa dharkeenley insha'allah.
25/09/2025
Maalinta bari ah oo taariikhdu tahay 26/09/25 waxaa furmaya Insha allah tartanka kubada cagta degmoyinka Gobolka Benaadir, waxaana lagu daah furi doona Degmada Dharkaynley & Degmada Kaaraan.
Taageerayaasha Degmada Dharkeynley waxaan ugu baaqayaa in ay so buuxiyaan Goroonka soona garabka istaagaan ciyaartoydooda. guuashana waa dharkeynley insha allah.
17/09/2025
Ciyaaryahan Ceydiid Cabdullahi Ibraahim ( China ) oo qeeb ka ah xulka Degmada Dharkenley ayaa galabta so gaaray dalka waxaana so dhaweeyay Gudoomiyaha sports ka Degmada Md Nur Ikar Nur, iyo Gudomiyaha Dhalinyarada degmada md mahad said Sido kale macalin ka degmda ismail shiikha.
xarunta Degmada Dharkenleey ee gobolka Banaadir oo ay si habsami leh ugu socota diiwaangelinta codbixiyaasha.
Muwaadin is diiwaangeli oo qaado kaarka codbixinta.
20/05/2025
Maamulka Degmada Dharkeynley ayaa Maanta wacyigelin ka sameeyay Waaxyaha ay ka kooban tahay Degmada, si ay bulshada isku diiwaangeliyaan isla markaana ay u qaataan shahaadada Diiwaangelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka.
Ururka dhalinyarada ee degmada dharkeenley ayaa bulshada ugu tagay xaafadaha kuna wacyigeliyeen in ay isdiiwaangeliyaan si ay ugu mid noqdaan Golaha Deegaanka, isla markaana ay u doortaan cida hogaanka u qaban laheyd.
Gudomiyaha Dhalinyarada degmada Dharkeynley Mahad Said ayaa ugu baaqay Dhalinyarada Iyo dhamaan qeybihiisa Kala duwan ee ku dhaqan degmada Dharkeynley,iney iska diwaangeliyaan qaadashada kaarka codbixinta si ay udoortaan maamuladooda Ina dhisaan aayahooda Iyo mistaqbalkooda.
03/05/2025
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kormeer ku tagay xarunta Degmada Dharkeenley oo uu maanta ka bilawday is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha dadweynaha ee ku saleysan doorashooyinka dalka ee qof iyo cod.
Duqa Muqdisho ayaa Degmada Dharkeynley kula kulmay qeybaha kala gedisan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan hogaanka dhaqanka, kuwaasi oo u taagnaa in ay isdiiwaangeliyaan isla markaana ay qaataan shahaadada codbixinta.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ugu baaqay bulshada in ay gaaraan goobaha loo asteeyay isdiiwaangelinta si ay u qaataan shahaadada codbixinta, si ay u helaan xuquuqdooda ku aadan in ay wax doortaan isla markaana la doorto.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—
02/05/2025
Beri waa maalintii la sugaayay! Is-diiwaan gelintu waxay si rasmi ah uga bilaabaneysaa Degmada Dharkenley. Shacabka sharafta lehow, isku soo baxa, ka qeyb qaata, oo xaqiijiya codkiinna. Waa waqtigii aan codkeenna awood u beddeli lahayn. Is-diiwaan geli oo mustaqbalkaaga dooro!