Abdirahman Hayir

Abdirahman Hayir

Share

Involved in Somali Media & Politics | Youth & Community Advocate”

31/05/2026

Mr Beast oo ka sheekeynayay mid kamid ah dhacdooyinkii ugu yaabka badnaa ee qabsaday ayaa yiri; "Maalin ayaa nin Pizta ii keenay waxaana baqashiish ahaan u siiyay 10,000 (toban kun) oo dollar, markuu lacagta arkay wax falcelin ama qeylo ma uusan sameynin, laga yaabee inuu u maleeyay lacag fake ah ama inaan ku cayaarayo.

Maalintii xigtay ayuu ii yimid waxaana u maleeyay inuu rabo lacag kale oo dheeraad ah, waxaan is dhahay tolow haduu lacag kale ku weydiiyo maxaad sameyn doontaa? Ma rabin inaan albaabka ka furo balse waan furay.

Waxaa lama filaan igu noqotay markaan arkay asigoo ooynaayo, wuxuuna igu yiri; Waxaan u maleynaanay lacagta iney bug tahay, markaan xaqiiqsaday waxaan fasax ka qaatay shaqadeydii, waayo mudo dheer gabadheyda yarta ah wax waqti ah lama qaadan, maalin walba waan shaqeeyaa si aan quudkeena usoo dhiciyo balse ugu dambeyn fasax ayaan qaatay, waxaana gabadheyda la qaatay maalintii iigu farxadda badneyd nolosheyda.

Intaas kadib inta uu hab isiiyay ayuu iga tagay, xilli ilintiisa ay ku tifqeysay garbaheyga".

27/05/2026

Waxaa baraha bulshada dib u qabsaday sawiro laga qaaday Madaxweynaha Ivory coast Al Hassan Watara oo sajaayad ku jiifo, isagoo iska diiday marti qaad ay u sameysay dowladda Sucuudiga.

Tan kasii cajiibsan waxay tahay inuusan wax ilaalo ah soo wadan, xajkana ka soo aaday hantidiisa gaarka ah.

Sanadka uu xajka tegay ma hubo balse wuxuu dib ii xasuusiyay mar uu Malcolm X xajka tegay waraaq uu xaaskiisa u qoray oo u dhignayd: "Qaalideyda Batty laga yaabee in aad rumeysan weyso waxa aan kuu sheegayo balse waxaan ku dukanayaa Makka, waxaan safka ku wada jirnaa nin caddaan ah iyo mid madow ah, waxaan hal saxan ku wada cunnaa nin caddaan indho buluug ah leh, waxaana hal koob ku wada cabnaa sheekh carbeed oo midab furan."

Wuxuu sii raaciyay: "Inta aan joogo dhulkan barakeysan waxaan ogaaday in mushkiladda cunsuriyadda ee ka jirta Mareykanka lagu xallin karo tacaaliinta diinta Islaamka.

✍️ Nasri Juka

27/05/2026

Eid Mubarak

18/05/2026

Waa millionaire-ka ree Nigeria ee Aliko Mohammad Dangote oo ku sugan magaalada godey,
ninkan waa ninka ugu hodan-san qaarada Afrika wuxuuna gacanta ku hayaa mashruuca bacriminta dalaga ee magaalada godey oo ay ku baxaday aduun lacageed oo dhan 2.5 billion oo dollar,

waana midka oogu weyn noociisa ee laga hirgalinayo qaarad africa.

Mashruucan ayay dad badan ku tilmaameen guul weyn oo usoo hoyatay deegaanka soomaalida gaar ahaan dhinaca wax soosaarka beeraha.

16/05/2026

Kulanka Gudoomiye Sadia Yasin Samatar, iyo Boqor burhaan boqor muuse..

15/05/2026

Isimada Dhaqanka Gobalka Bari,öp qayb ka ah Qadada yu sameyey Boqor burhan Boqor muuse..

15/05/2026

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kulan qado sharf ah la qaatay hogaanka dhaqanka Soomaliyed ee ku sugan Muqdishu..

13/05/2026

Dhismaha cusub ee Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dalka…

Photos from Abdirahman Hayir's post 10/05/2026

Inta badan goobihii codeynta degmooyinka Koonfur Galbeed ayaa soo geba geboobay ayadoo ay bilaabatay Tirinta Codadka waloow ay goobaha qaarkood weli dadweynuhu safaf dhaadheer ugu jiraan Codeynta.

Tirinta codadku waxa ay u socotaa si daah furan ayadoo goob walba ay ku sugan yihiin wakiillo ka socda Ururrada doorashan qof iyo Codka ah ku turtamayaan ayadoo warqad walba la tusayo wakiillada marka sanduuqa laga soo bixiyo si ay u ogaaday codkaas cida ku guuleysatay.

Tirinta waxa ay socon doontaa ilaa berrito gelinka dambe waxaana natiijada la filayaa in lagu dhawaaqo 24 saac kadib xiliga doorashada.

10/05/2026

Doorashada tooska ah ee isku sidkan ee Koonfur Galbeed waa mid taariikhi ah oo bogaadin mudan.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Mogadishu