Ministry of Public Works, Reconstruction and Housing - Galmudug State

Ministry of Public Works, Reconstruction and Housing - Galmudug State

Share

Official Page of Ministry of Public Works, Reconstruction and Housing - Galmudug, Somalia.

Photos from Ministry of Public Works, Reconstruction and Housing - Galmudug State's post 29/04/2026

MUNAASABADDA WACYI-GELINTA BULSHADA EE KA QEYB-GALKA HIRGALINTA MASHRUUCA RIPSOM DHUUSOMAREEB - QARADHI (60KM)

Arbaco, 29 April ,2026

Waxaa si guula inoogu soo dhamaadey kulamo dhowra oo la xiriirey Wacyi-gelinta iyo ka qayb qaadashada bulshada ee dhismaha waddada xiriirisa Dhuusamareeb iyo Qaradhi.

Shirka waxaa ka qayb galay Masuuliyiinta Wasaaradda, Wasiiro, Maamulka Caasimadda, Maareyaha Mashruuca RIPSOM ee Soomaaliya, Shirkadda Al-Nasar iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug.

Masuuliyiinta Wasaaradda iyo dhamaan ka qeyb-galayaashu waxa ay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay ka qayb qaadashada dhismaha wadada iyo Xoojinta doorka Bulshada ay ku leeyihiin Hirgelinta mashruuca.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ayaa bulshada u iftiimiyey Doorka Dowladda, Marxaladihii loo soo marey in heerkaan la soo gaaro iyo in wadadaani ay door weyn ka qaadan doonto Horumarinta isku socodka gaadiidka, kobcinta ganacsiga iyo fududeynta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, waxaa Wasaaraddu Munaasabadda ka sheegtey Mashaariicda kale ee Wadooyinka ee Socda iyo kuwa Qorsheysan sida;

Kuwa Socda:

Wadada Halbowlaha ee Caasimadda
Guricel - Dhuusamareb,

Wadooyinka Qorsheysan

Qaradhi-Galkacyo 140km
Baxdo-Cadaado 90km
Cadaado-Caabudwaaq 55km.

Photos from Ministry of Public Works, Reconstruction and Housing - Galmudug State's post 28/04/2026

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradda Hawlaha Guud ee Galmudug, Unuga hagida mashruuca RIPSO iyo shirkadda Al-Nasri Engineering and Road Construction Company LTD, oo gacanta ku haysa dhismaha waddada Dhuusamareeb–Qaradhi (60 km), ayaa wacyigelin ka sameeyay deegaannada Mirig, Mareergur, Godinlabe iyo Qaradhi.
Ujeeddada safarkan wacyigelinta ah waxay ahayd in bulshada lagu baraarujiyo muhiimadda mashruuca, isla markaana ay door muuqda ka qaataan fududeynta howlaha ay waddo shirkadda dhismaha laamiga.

Photos from Ministry of Public Works, Reconstruction and Housing - Galmudug State's post 01/04/2026

Dhuusamareeb, 31 Maarso 2026 — Waxaa si rasmi ah u bilowday Dhismaha wadada laamiga ah ee isku xiri doonta magaalada Dhuusamareeb iyo Cadaado 60kms+11 Km.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka caasimadda Dhuusamareeb, Mudane Cabdisamad Salaad Aadan (Sanweyne) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Galmudug Mudane Eng.Maxamed Cabdi Cilmi oo ay weheliyaan Agaasimaha Waaxda Howlaha Guud iyo Dhulbixinta ee Dowladda Hoose, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka, Maareeyaha Guud ee mashruuca RIPSO, Iyo Khuburo ka socota Wasaaradda Howlaha Guud ee Galmudug, ayaa kormeer ku sameeyay bilowga dhismaha Wadadan muhiimka ah.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale kormeeray waddo ku-meel-gaar ah oo loo diyaariyay inay isticmaalaan gaadiidka inta uu socdo dhismaha waddada laamiga ah (Diversion Road) si loo hubiyo in bulshada safarka ah aysan la kulmin wax caqabado ah.

Madaxda shirkadda dhismaha ee Alnasri Group, oo gacanta ku haysa fulinta mashruuca, ayaa sheegtay in dhismaha waddada lagu soo gabagabeyn doono waqtigii loo qorsheeyay,Dhanka kale, qaar ka mid ah darawallada iyo dadka isticmaala waddada ayaa soo dhaweeyay mashruucan, iyagoo sheegay in ay h**ey dhibaatooyin badan ugu qabeen waddada oo burbursan, taasoo mararka qaar keentay shilal iyo hakad ku yimaada safarrada wadda

Mashruucan ayaa la filayaa inuu si weyn u horumariyo isku socodka iyo isku xirka deegaanada Dhuusamareeb iyo Cadaado, isla markaana uu fududeeyo isu socodka bulshada iyo ganacsiga.

—DHAMMAAD—

31/03/2026

Hadal-jeedinta Wasiir Dowlaha Wasaaradda ee xiritaanka Shirka Maayarada iyo Wasaaradaha Galmudug.

Photos from Ministry of Public Works, Reconstruction and Housing - Galmudug State's post 31/03/2026

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Galmudug, Mudane Mahad Hassan Sh.Yuusuf, ayaa ka qeyb-galey xiritaanka Shirka Maayarada iyo Wasaaradaha Galmudug oo lagu qabtey Degmada Guriceel.

Intii uu shirku socday, Wasaaradda Howlaha Guud waxa ay Madasha ku soo bandhigtey Muhiimadda iyo Xoojinta Wadashaqeynta 2da heer Dowladeed, Hormarinta Kaabayaasha Adeegyada bulshada, wax ka qabashadda Magaalooyinka sida Qorshe la'aanta ku fidaya iyo Hirgalinta Shuruucda la xiriirta Nidaaminta/Naqshadeynta Magaalooyinka iyo Maamulka Dhulka.

Wasiiru Dowlaha ayaa Maayarada ku booriyey Taaba-galinta Qorshaha Master Plan-ka Magaalooyinka si loo Nidaamiyo hirgalinta Kaabayaasha adeegyada Bulshada iyo Bilicda Magaalooyinka Galmudug.

29/03/2026

Wasaarada Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Galmudug iyada oo ka duuleysa Hormarka la taaban karo ee laga gaarey Dhisidda Maamulada Dagmooyinka, Maamul-daadajinta iyo Himilada fog ee Hormarineed ee Magaalooyinka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo kuwa Adeegyada Bulshada Galmudug, Waxaa la diyaariyey Nidaamyo wadashaqeyn oo hufan oo Wasaaradu la yeelato Dowladaha Hoose si waafaqsan Qorshaha Isbadalka Qaran iyo midka Galmudug.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda oo arinkaa faahfaahin ka bixinaya hoos uga bogo ⤵️

Photos from Ministry of Public Works, Reconstruction and Housing - Galmudug State's post 29/03/2026

GURICEEL, 29 Maarso 2026

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Galmudug ayaa magaalada Guriceel uga qeyb galay shirka Madasha Maayarada iyo Wasaaradaha Galmudug.

Wasaaradda Howlaha Guud waxay Madasha la wadaageen Qorsheyaal Wax-ku-oola oo lagu Dardar-galinayo wadashaqeynta Wasaaradda iyo Dowladaha hoose si loogu guntado horumarinta adeegyada Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo kuwa Adeegyada Arimaha bulshada ee heer Degmo iyo heer State.

Photos from Ministry of Public Works, Reconstruction and Housing - Galmudug State's post 07/03/2026

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Galmudug, Mudane: Axmed Dhiblawe Casir, ayaa guddoomiyey shir u dhexeeyay ma'suuliyiinta Wasaaradda iyo madaxda Shirkaddaha gacanta ku haya Dhismaha laamiga isku xira Dhuusomareeb - Qaradhi (60km). Shirka ayaa ka dhacay Caasimadda Dhuusonareeb, Xafiiska Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Galmudug.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta dhismaha laamiga Dhuusomareeb - Qaradhi oo si rasmi ah u bilowday. Kulanka ayaa looga hadlay Qorshe-howleedyada, wadashaqeynta iyo kormeerada joogta ah ee isku-dhafan inta uu soconayo Dhismaha wadadan muhiimka ah si waqtiga iyo tayadaba loo dhowro.

Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa howlaha dhismaha laamiga, iyadoo la falanqeeyay hababka ugu macquulsan ee lagu laban-laabi karo xawaaraha shaqada si mashruucu u dhammaado waqtigii loogu talagalay.

Wasiirka wasaaradda oo ay wehelinayaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo mas'uuliyiin ka socday shirkadaha fulinaya mashruuca ayaa sidoo kale kormeer ku tagay goobta uu ka socdo dhismaha laamiga Negaad ee Caasimadda iyo xarunta Lab-ka, si ay iskula jaanqaadaan mashaariicda horumarinta Galmudug.

Photos from Ministry of Public Works, Reconstruction and Housing - Galmudug State's post 19/02/2026

Dhuusamareeb: 19 February , 2026.

Agaasimaha Wasaaradda Howlaha Guud , Dib-u-Dhiska Iyo Guriyeynta Dowladda Galmudug Eng.Mohamed Abdi Elmi oo ay wehliyaan Engineero wasaarada ka tirsan ayaa kormeer shaqo ku tegay dhismaha Isbitaalka Weyn ee Refeeralka Gobolka Galgaduud, kaas oo dhismihiisu marayo heer gabagabo ah.

Kormeerkan oo ahaa meertada 5aad ee Wasaaradda ayaa ujeedkiisu ahaa qiimeyn iyo hubin ku saabsan heerka uu marayo dhismaha isbitaalka, si loo xaqiijiyo in shaqadu u socoto si habsami leh oo waafaqsan qorshihii h**e loo dejiyay.

Intii uu kormeerku socday, kormeerayaashu waxa ay warbixin faah-faahsan ka dhegeysteen injineerrada iyo shirkadda dhismaha waday ee Buruuj ,kana warbixisay xaaladda guud ee mashruuca iyo horumarka laga gaaray dhismaha isbitaalka.

Ugu dambeyn Wasaaradda ayaa ku dhiirrigelisay shaqaalaha iyo shirkada Dhismaha Buruuj in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aadan dhismaha isbitaalkani oo muhiim u leh tayeynta adeegyada caafimaadka iyo daboolidda baahiyaha caafimaad ee bulshada Gobolka Galgaduud iyo guud ahaan Galmudug, .

17/02/2026

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃, DIB U DHISKA IYO GURIYEYNTA -GALMUDUG 𝐀XMED DHIBLAAWE CASIR 𝐎𝐎 𝐒𝐇𝐀𝐂𝐀𝐁𝐊𝐀 GALMUDUG 𝐔𝐆𝐔 𝐇𝐀𝐌𝐁𝐀𝐋𝐘𝐄𝐄𝐘EY BILASHADA 𝐁𝐈𝐒𝐇𝐀 𝐁𝐀𝐑𝐀𝐊EYSAN 𝐄𝐄 𝐑𝐀𝐌𝐀𝐃𝐀𝐀𝐍.

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼 | 𝟭𝟳- 𝗙𝗲𝗯𝗿𝗮𝗮𝘆𝗼 - 𝟮𝟬𝟮𝟲 - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Galmudug mudane Axmed Dhiblawe Casir, ayaa hambalyo iyo bogaadin diirran u diray dhammaan Ummadda Reer Galmudug meel kasta oo ay joogaan, iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ee ku kala nool daafaha dunida, munaasabadda qiimaha leh ee curashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Bishan barakaysan waa bil cibaado oo barakeysan, waa bil isku naxariisasho; waa waqti qalbiyadu isu furmaan, wanaagguna bato. Waa fursad qaali ah oo lagu xoojin karo midnimada, wadajirka iyo walaaltinimada bulshada Soomaaliyeed. Wasiirku waxa uu ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed in ay ka faa’iidaystaan fadliga Ramadaan, ku dadaalaan camal suuban, samafal iyo iscafis, isla markaana adkeeyaan xiriirka bulsho iyo wada noolaanshaha nabadeed.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu Alle SWT ka baryey in uu ka aqbalo ummadda Soonka, Salaadda iyo dhammaan acmaasha kheyrka ah ee bishan lagu gudanayo; in uu ku mannaysto dembi dhaaf iyo naxariis, kana dulqaado dhibaatooyinka iyo caqabadaha haysta Ummadda Muslimiinta ah.

Ugu dambayn, waxa uu Alle ka baryey in uu inaga dhigo kuwii ka faa’iideysta khayrka iyo barakada Ramadaan, kana dhigo bishan mid horseedda nabad, barwaaqo iyo midnimo.

RAMADAAN KAREEM

Photos from Ministry of Public Works, Reconstruction and Housing - Galmudug State's post 12/02/2026

Dhusamareeb, February 2026.
Agaasimaha Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-Dhiska Iyo Guriyeynta Dowlada Galmudug mudane Engineer Mohamed Abdi Elmi ayaa ka qeyb-galay shirka isku -xirka dowladda Galmudug iyo daneeyayaasha (Galmudug State Government and Partners Coordination Meeting).

Shirkaan oo muddo labbo cisho ah socday ayaa waxaa kasoo qaybgalay guddoomiyeyaasha degmooyinka Galmudug ,Agaasimayasha Wasaaradaha Galmudug iyo Hay,addaha caalamiga.

Ujeedada kulanka isku-duwidda ee la-hawlgalayaasha ayaa ah in la xoojiyo iskaashiga, la wadaago xogaha, dib u eegista horumarka, ka doodista caqabadaha, iyo in la isku raaco ficillada wadajirka ah si loo gaaro yoolalka guud si wax ku ool ah. Si Gaar ah wasaaradda Howlaha Guud ayaa hoggaamineysa kobcinta kaabayasha Dhaqaalaha dowladda Galmudug oo kamid ah tiirarka ugu muhiiimsan soo kabashada iyo kobaca dhaqaalaha.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address

Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00