19/03/2026
Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa hambalyo diirran u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Gobolka Banaadir, munaasabadda barakeysan ee Ciidda Soonfur.
Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in Ciidda Soonfur ay tahay maalin weyn oo muujinaysa farxad, midnimo iyo isxilqaan, isagoo bulshada ku booriyay inay xoojiyaan wadajirka, is-caawinta iyo ilaalinta nabadda.
Sidoo kale, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa Eebbe uga baryay shacabka Soomaaliyeed inuu ka aqbalo soonkii iyo cibaadadii ay soo guteen, kana yeelo mid ajar iyo kheyr u horseeda.
Ugu dambeyn, wuxuu shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay Ciid farxad leh oo ku dheehan nabad, barwaaqo iyo horumar.
🌙
22/02/2026
GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA ARRIMAHA BULSHADA IYO WACYIGELINTA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO SI RASMI AH U DAAH-FURAY TARTANKA SANADLAHA AH EE QUR’AANKA KARIIMKA
Muqdisho, Febraayo 22, 2026: Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa Axadda maanta si rasmi ah u daah-furay Tartanka Qur’aanka Kariimka ee uu Sanad kasta qabto Maamulka Gobolka Banaadir.
Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in tartankan uu qayb ka yahay barnaamijyada lagu weyneynayo bisha barakeysan ee Ramadaan, islamarkaana uu dhiirrigelin u yahay barashada iyo xifdinta Qur’aanka Kariimka.
Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay maamullada degmooyinka iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo guntiga u giijistay sidii loo sii joogteyn lahaa tartankan sanadlaha ah.
Sanadkan waxaa tartanka ka qaybgalaya 63 arday, kuwaas oo ku tartamaya Qaybaha Qur’aanka ee 30-ka Jus, 20 Jus, iyo 10 Jus. Ardaydan ayaa kasoo baxay tartamo horey uga dhacay degmooyinka Gobolka Banaadir, halkaas oo si caddaalad iyo hufnaan leh looga soo xulay.
Ardayda kaalmaha sare ka gala tartankan ayaa Gobolka Banaadir ku meteli doona Musaabaqada Heer Federaal ee ay qabato Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Islaamka, taas oo uu taabbageliyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Macallin Maxamuud Maxamed Maxamuud, ayaa ku ammaanay ardayda sida wanaagsan ee ay ugu diyaar garoobeen tartanka, isagoo xusay in ay dadaal iyo karti muujiyeen.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Akaadeemiyada Culuumta Qur’aanka ee Gobolka Banaadir, Shiikh Maxamed Daahir Macalin, ayaa bogaadiyay ardayda iyo waalidiinta ku garab istaagay, kuna dhiirrigeliyay dadaalkooda.
Tartanka Qur’aanka Kariimka ee uu sanad kasta taabbageliyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ah mid lagu dhiirrigeliyo jiilka soo koraya inay ku tartamaan barashada diinta iyo ku dhaqanka akhlaaqda suubban, iyadoo kuwa guulaysta la siiyo abaal-gudyo heer sare ah.
DHAMMAAD