Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS

Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS

Share

Ministry of Agriculture & Irrigation Federal Republic of Somalia.
📞 Hotline (Call Center): 507

08/05/2026

Anigoo ah Muxsin Saciid Yuusuf, una taagan xilka Musharax Xoghayaha Hoggaanka Ururka
Dhalinyarada Beeralayda Soomaaliyeed, waxaan si sharaf iyo kalsooni leh idinka codsanayaa codkiina iyo taageeradiina si aan ugu adeego dhalinyarada beeralayda Soomaaliyeed.

________

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
Call Center:- 507
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.

08/05/2026

Anigoo ah Fartuun Abdirax Axmed, una taagan xilka Musharax Xoghaye Hoggaanka Ururka Dhalinyarada Beeralayda Soomaaliyeed, waxaan idinka codsanayaa codkiinna iyo taageeradiina si aan idiinkugu adeego hufnaan, karti iyo daacadnimo ku dheehan tahay.

____

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
Call Center:- 507
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.

08/05/2026

Doorashada Hoggaanka Ururka Dhalinyarada Beeralayda Soomaaliyeed waa xaq ay dhalinyarada u leeyihiin inay doortaan hoggaanka ay ayaga rabaan iyagu aaminsanyihii, kana turjumaya aragtidooda, codkooda iyo himilooyinkooda mustaqbalka.

Waa doorasho ka tarjumeysa midnimo, horumar iyo rabitaanka dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan helitaanka hoggaan daacadnimo, karti iyo hufnaan ku hoggaamiya, isla markaana ka shaqeeya hormarinta iyo kobcinta beeraha, abuura fursado shaqo iyo xoojinta doorka dhalinyarada ee horumarka dalka.

Waa waqtigii dhalinyarada beeraleyda Soomaaliyeed ay codkooda mideyn lahaayeen, kuna dooran lahaayeen hoggaan leh aragti fog iyo waxqabad muuqda.







________

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
Call Center:- 507
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.

06/05/2026

Maxamed Siidow Subeyr ayaa u taagan qabashada xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka Dhalinyarada Beeraleeyda Soomaaliyeed, isagoo wata aragti cusub oo ku saleysan horumarinta beeraha, dhiirrigelinta dhalinyarada, iyo xoojinta wadajirka beeraleyda Soomaaliyeed.

Wuxuuna balan qaaday inuu noqdo cod matala dhalinyarada, isla markaana horseeda u noqda isbeddel dhab ah oo kor u qaada wax soosaarka iyo fursadaha shaqo ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

____

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
Call Center:- 507
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.

06/05/2026

Waxaan ahay musharax u taagan xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka Dhalinyarada Beeraleyda Soomaaliyeed, waxaana si sharaf leh ugu dalbanayaa dhammaan dhalinyarada beeraleyda codkooda.

Haddii aad i doorataan, waxaan idiin ballan qaadayaa in aa noqdo ruux codkiina ku hadla, difaacana danihiina, isla markaana aan idinkala shaqeeyo si aan u abuurno fursado horumar ah ee dhanka beeraha kuna asteesan aqoon iyo hal-abuurnimo si kor ugu wada qaadno wax soosaarka beeraha.

Miski Hashi
U tartameysa Xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka Dhalinyarada Beeraleyda Soomaaliyeed

____

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
Call Center:- 507
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.

06/05/2026

Yusuuf Maxamed Muriidi, ahna musharax u taagan xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka Dhalinyarada Beeraleyda Soomaaliyeed, ayaa ugu baaqay dhalinyarada inay codkooda siiyaan, isagoo ballanqaaday in uu noqon doono hoggaan fir fircoon kaasoo u hiiliya beeraleyda da’da yar. wuxuu sheegay inuu noqon doono mid codkooda ku hadla taagane garabkooda xili kasta, isla markaana uu furi doono fursado cusub oo waxbarasho, horumar iyo hal-abuurnimo u horseeda dhalinyarada maanta iyo kuwa mustaqbalka xiiseynaya barashada ama ka shaqeynta beeraha.

________

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
Call Center:- 507
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.

Photos from Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS's post 05/05/2026

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Hagidda Mashruuca JOSP, oo ah mashruuc mudnaan qaran leh kaasoo laf-dhabar u ah xal u helidda fatahaadaha iyo abaaraha, isla markaana xoojinaayo in dalka uu isku filnaanshiyo cunto gaaro iyo nolol-maalmeedka bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka oo ay kasoo qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlada Goboleedka Hirshabeelle, kulankaan ayaa lagu bogaadiyay doorka fuliyaasha mashruuca, deeq-bixiyeyaasha, iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee wada fulinta. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay ka go’naanta buuxda, iyadoo la isku raacay in la dardargeliyo hirgelinta mashruuca si waafaqsan degdegga baahiyaha jira.

________

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
Call Center:- 507
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.

Photos from Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS's post 05/05/2026

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS ayaa intii u dhaxeesay 2 – 4 May 2026 shir ku qabatay Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed shir farsamo oo lagu xoojinayo diyaarinta Siyaasadda Waraabka Qaranka iyo Sharciga Waraabka.

Intii uu socday shirku, waxaa la sameeyay la-tashiyo iyo wada-shaqeyn dhow oo u dhexeeya heer federaal iyo dowlad-goboleed, si loo hubiyo in siyaasadda waraabku ka tarjumeyso xaaladaha dhabta ah ee deegaanka, isla markaana sharciga yeesho qaab cad oo la fulin karo, iyadoo sidoo la xoojinaayo iyo isku xernaanta heerarka kala duwan ee dowlada.

Shirkan ayaa soo saaray aragti mideysan iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinaayo nidaamka waraabka dalka, gaar ahaan maamulka biyaha, cadaaladda qaybinta iyo hirgelinta adeegyo waraab oo waara.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS waxay sii wadi doontaa taageerada farsamo ay siiso dowlad-goboleedyada, si loo dhiso siyaasado iyo sharciyo adag oo hagaya horumarinta waraabka Soomaaliya.

________

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
Call Center:- 507
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.

04/05/2026

Musharax Gudoomiye Mudane: Cabdi Deeq Cabdale Xasan, una taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Beeraleyda ee SAYA, ayaa bilaabay ololihiisa doorasho, isagoo codka ka dalbaday dhammaan dhalinyarada beeralayda Soomaaliyeed.

Musharraxa ayaa ballan qaaday in haddii la doorto, uu si gaar ah diiradda u saari doono kobcinta fursadaha shaqo, taageeridda hal-abuurka iyo horumarinta wax soosaarka si dhalinyaradu u noqdaan laf-dhabarta dhaqaalaha dalka.

________

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
Call Center:- 507
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.

04/05/2026

Musharax Gudoomiye Mudane: Maxamed Aadan Cali Farow, oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Beeraleyda ee SAYA, ayaa si rasmi ah u bilaabay ololihiisa doorasho, isagoo codka ka dalbaday dhammaan dhalinyarada beeralayda ah in codkooda siiyaan.

________

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
Call Center:- 507
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.

04/05/2026

Musharax Gudoomiye Mudane: Xasan Xuseen Maxamed oo u tartamaya xilka Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Beeraleyda ee SAYA,ayaa si rasmi ah u bilaabay ololihiisa doorasho, isagoo codka ka dalbaday dhammaan dhalinyarada beeralayda ah.

Musharaxa wuxuu ballan qaaday inuu xoogga saari doono horumarinta U qareemida dhakinyarada beeraleeyda, wax-soosaarka beeraha, kobcinta fursadaha shaqo ee dhalinyarada iyo taageeridda hal-abuurka iyo tiknoolajiyada casriga ah ee beeraha.

Ugu dambayn, Musharax Xasan Xuseen Maxamed wuxuu shaaciyey qorshaha cusub ee abuurista barnaamij ay dhalinyarada ku wadaagi karaan xogta, fikradaha iyo fursadaha la xiriira beeraha si loo xoojiyo isgaarsiinta, iskaashiga iyo horumarka guud ee dhalinyarada beeralayda.

____

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
Call Center:- 507
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

Mogadishu