Somali Civil Aviation Authority - SCAA

Somali Civil Aviation Authority - SCAA

Share

Somali Civil Aviation Authority (SCAA) (previously: Somali Civil Aviation and Meteorology Authority (SCAMA) is the national civil aviation body of Somali.

based on adden abdulle international airport Mogadishu Somalia.

Photos from Somali Civil Aviation Authority - SCAA's post 15/05/2026

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo ka qeybgalay shir heer gobol ah oo lagu horumarinayo Duulista Rayidka

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Ahmed Moallin Hassan ayaa ka qeybgalay kulan heer gobol ah oo looga hadlayay horumarinta iyo xoojinta Duulista Rayidka dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda CASSOA (Civil Aviation Safety and Security Oversight Agency).

Shirkan oo ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya intii u dhaxeysay 14 – 15 May 2026, ayaa diiradda lagu saaray sare u qaadista wacyiga iyo iskaashiga dhinacyada amniga, badqabka iyo sii jiritaanka Duulista Rayidka. Waxa sidoo kale lagu falanqeeyay caqabadaha saameynta ku leh hawlaha duulimaadyada heer gobol iyo heer caalami, si loo helo xalal mideysan oo waara.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay madax iyo khubaro ka kala socotay hay’adaha Duulista Rayidka ee dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika, kuwaas oo is dhaafsaday khibrado iyo talooyin la xiriira horumarinta nidaamyada Duulista Rayidka iyo la jaanqaadidda heerarka iyo habraacyada caalamiga ah ee ICAO.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Md. Ahmed Moallin Hassan ayaa sheegay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso horumarinta Duulista Rayidka iyo xoojinta iskaashiga gobolka si loo gaaro duulimaadyo ammaan ah, badqab leh oo waara.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxaa ka go’an inay sii xoojiso wada shaqeynta heer gobol iyo heer caalami si loo horumariyo adeegyada Duulista Rayidka, loona xaqiijiyo amni, badqab iyo kobac waara oo waafaqsan heerarka caalamiga ah,” ayuu yiri Maareeyaha Guud.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo Duulista Rayidka gobolka, iyadoo la xoojinayo iskaashiga iyo mideynta qorshayaasha la xiriira amniga iyo badqabka hawada.

Photos from Somali Civil Aviation Authority - SCAA's post 26/04/2026

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Ahmed Moallin Hassan oo ay wehliyaan xubno ka tirsan hoggaanka sare ee Hay’adda, ayaa kulan muhiim ah xarunta dhexe ee Hay’adda kula qaatay wafdi ka socday Xafiiska Maalgashiga Soomaaliya (SOMINVEST).

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta maalgashiga Duulista Rayidka oo laf-dhabar u ah kobaca dhaqaale iyo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka. Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay is-weydaarsadeen aragtiyo wax-ku-ool ah, waxayna si qoto dheer u falanqeeyeen fursadaha maalgashi iyo mashaariicda istiraatiijiga ah ee mudnaanta u leh horumarinta Duulista Rayidka Dalka.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa adkaysay doorkeeda muhiimka ah ee ilaalinta madaxbannaanida Hawada Dalka iyo fududeynta isu-socodka hawada, iyadoo sidoo kale muujisay baahida loo qabo maalgelin lagu xoojinayo kaabeyaasha garoomada diyaaradaha iyo adeegyada la xiriira.

Ugu dambeyn, Hay’adda Duulista iyo SOMINVEST waxay isku raaceen xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga dhow, si loo abuuro jawi ku habboon soo jiidashada maalgashi ballaaran oo lagu horumarinayo qaybta Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Photos from Somali Civil Aviation Authority - SCAA's post 12/04/2026

Hambalyo iyo Bogaadin

Aniga oo ah Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Md. Ahmed Moallin Hassan, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Taliska, Hoggaannada, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, munaasabadda qiimaha leh ee 12-ka April, oo ku beegan sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Maalintan taariikhiga ah waxay xambaarsan tahay macne weyn oo ku saabsan halgan, geesinimo iyo naf-hurnimo ay Ciidamadeennu u galeen difaaca madax-bannaanida dalka, ilaalinta midnimada dhuleed, iyo dhowrista sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa laf-dhabarta sugidda amniga qaranka iyo difaaca jiritaanka dowladnimada.

Waxaan si qoto dheer u bogaadinayaa dadaalka hagar la’aanta ah ee aad u huraysaan badbaadinta shacabka iyo xasilloonida dalka, idinkoo mar walba u taagan difaaca Qaranka, xaalad kasta iyo waqti kasta. Naf-hurnimadiinnu waa astaan muujinaysa waddaniyad dhab ah iyo xilkasnimo qaran.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu idin siiyo guulo joogto ah, idinna xoojiyo dadaalladiinna, idinna waafajiyo gudashada waajibaadkiinna Qaran, si aad u sii adkaysiisaan difaaca madax-bannaanida dalka iyo ilaalinta sharafka ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay sii xoojiyaan taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si wadajir ah loogu xaqiijiyo nabad waarta, midnimo Qaran iyo horumar la taaban karo.

Md. Ahmed Moallim Hassan
Maareeyaha Guud
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed

04/04/2026

21 Aqoonyahan oo tababar Duulista Rayidka ku soo qaatay Dalka Tanzania ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho.

Photos from Somali Civil Aviation Authority - SCAA's post 04/04/2026

Madaxda Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweyn rasmi ah u sameeyay 21 shaqaale oo ka tirsan Hay’adda, kuwaas oo dhawaan loogu soo xiray tababar muddo socday oo ay ku qaadanayeen dalka Tanzania.

Munaasabadda soo dhaweynta ayaa waxaa ka hadlay Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda ahna Kusimaha Maareeyaha Guud Md. Cabdiraxiim Axmed Xuseen, isagoo si diirran ugu bogaadiyay shaqaalaha aqoonta iyo xirfadaha ay soo kororsadeen isla markaana ku boorriyay in ay si hufan ugu adeegaan dalka, ugana faa’iideeyaan Hay’adda iyo guud ahaan horumarinta Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda ahna Agaasimaha Maaxida Hawada, Md. Ayuub Cabdullaahi Ibraahim ayaa hambalyeeyay shaqaalaha, isagoo ku ammaanay dadaalkii iyo dulqaadkii ay muujiyeen muddadii tababarka iyo sida ay uga faa’iideysteen fursadda qaaliga ah ee la siiyay.

Dhankooda, shaqaalaha la soo dhaweeyay ayaa si wadajir ah ugu mahadceliyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, iyo Madaxda Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, fursadda ay u heleen in ay helaan tababar tayo sare leh oo caalami ah.

Waxay sidoo kale ballanqaadeen in aqoonta iyo khibradda ay soo barteen ay ku dabaqi doonaan shaqadooda, si ay door muuqda uga qaataan horumarinta iyo tayeynta adeegyada Duulista Rayidka ee dalka, una gaarsiiyaan heerarka caalamiga ah ee la jaanqaadaya shuruucda iyo habraacyada ICAO.

Photos from Somali Civil Aviation Authority - SCAA's post 02/04/2026
02/04/2026
Photos from Somali Civil Aviation Authority - SCAA's post 02/04/2026

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo Tababar Muhiim ah soo xiray

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Ahmed Moallin Hassan ayaa si rasmi ah u soo xiray tababar heer sare ah oo ay ka faa’iideysteen 21 xirfadlayaal Soomaaliyeed oo ka tirsan Hay’adda Duulista, kuwaas oo muddo lix (6) bilood ah waxbarasho iyo tababar ku qaadanayay Xarunta Tababarada Duulista Rayidka ee dalka Tanzania.

Tababarkan oo ahaa mid si qoto dheer u taabanaya horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Duulista Rayidka ayaa diiradda lagu saaray dhinacyada muhiimka ah ee maamulka & la socodka qulqulka hawada (Air Traffic Management) iyo habraacyada Caalamiga ah ee ICAO.

Xafladda xiritaanka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb galay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Tanzania, Agaasimaha Xarunta Tababarada Duulista ee Tanzania, iyo masuuliyiin kale oo sar sare, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyay dadaalka iyo kartida ardayda Soomaaliyeed.

Mudane Ahmed Moallin Hassan ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ku tilmaamay tababarkan mid muhiim u ah dib-u-dhiska iyo tayeynta Hay’adda, isaga oo xusay in xirfadlayaashan ay door weyn ka qaadan doonaan horumarinta adeegyada Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo la jaanqaadidda heerarka caalamiga ah.

“Maanta waxaan halkan ku xireynaa kaliya tababar, balse waxaan furaynaa bog cusub oo ku saabsan horumarka iyo tayeynta Duulista Rayidka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Maareeyaha Guud.

Dhankiisa, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Tanzania ayaa ammaanay iskaashiga labada dal, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Tanzania ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca tababarada iyo horumarinta awoodda shaqaalaha.

Sidoo kale, Agaasimaha Xarunta Tababarada Duulista ee Tanzania ayaa tilmaamay in ardayda Soomaaliyeed ay muujiyeen dadaal, anshax iyo karti sare intii uu socday tababarku, taasoo muujinaysa mustaqbal ifaya oo u yaalla Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, 21-ka xirfadlayaal ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin muujinaya dhammaystirka tababarka, iyagoo muujiyay farxad iyo diyaar u ahaansho ay ugu adeegayaan dalkooda.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ay ku xoojinayso tayada iyo xirfadda shaqaalaheeda, si loo xaqiijiyo badbaado, hufnaan iyo adeegyo Duulimaad oo la jaanqaadaya heerarka Caalamiga ah.

Dhammaad

Photos from Somali Civil Aviation Authority - SCAA's post 29/03/2026

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Md. Ahmed Moallin Hassan ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar heer sare ah oo ku saabsan dejinta, dib-u-eegista iyo ansixinta shuruucda Duulista Rayidka kaasoo loo qabtay saraakiisha & howl-wadeenada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Tababarkan oo lagu tilmaamay mid xoojinaya nidaamka iyo badqabka Duulista Dalka, ayaa qeyb ka ah barnaamijyo tababaro tixane ah oo ay iska kaashanayaan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo Hay’adda Bulshada Bariga Afrika u qaabilsan Duulista ee loo soo gaabiyo CASSOA. Ujeeddada tababarkan ayaa ah kor u qaadista aqoonta, xirfadaha iyo waayo-aragnimada shaqaalaha, si loo gaarsiiyo heerarka caalamiga ah ee Duulista Rayidka, loona xoojiyo kalsoonida iyo hufnaanta hawlaha duulimaadyada Soomaaliya.

16/03/2026

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Md. Ahmed Moallin Hassan ayaa kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaaladda Baladweyne, kaasoo ay beryahan ka socdeen howlo dayactir iyo casriyeeyn ballaaran.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Maareeyaha Guud waxa uu indha-indheyn ku sameeyay qeybaha kala duwan ee garoonka, gaar ahaan goobaha ay ka socdeen howlaha dib-u-dayactirka iyo horumarinta kaabeyaasha muhiimka u ah hawlaha Duulista. Waxa uu sidoo kale la kulmay masuuliyiinta iyo farsamayaqaannada ku howlan mashruuca si uu u qiimeeyo heerka ay marayaan shaqooyinka la qabtay iyo qorshaha lagu dhammeystirayo qeybaha haray.

Maareeyaha Guud ayaa ka warbixiyay in qayb weyn oo ka mid ah howlaha dayactirka iyo casriyeynta la qabtay, halka shaqooyin kale oo muhiim ah ay weli socdaan, kuwaas oo la filayo in lagu soo gabagabeeyo waqtiga loogu talagalay. Waxa uu xusay in mashruucan uu muhiim u yahay horumarinta adeegyada Duulista iyo kor u qaadidda badqabka iyo tayada adeegyada garoonka.

Ugu dambeyn, Md. Ahmed Moallin Hassan ayaa ku booriyay dhammaan dhinacyada ku lugta leh mashruuca in ay dardargeliyaan shaqooyinka harsan si garoonku u noqdo mid si buuxda u buuxiya heerarka iyo habraacyada caalamiga ah ee Duulista Rayidka, islamarkaana uu door muhiim ah uga qaato isku xirka gaadiidka hawada iyo horumarinta adeegyada bulshada ee gobolka.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Aden Abdulle International Airport
Mogadishu