31/05/2026
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS iyo Hey'adda Qaramada Midoobay ee Barnaamijyada Horumarka UNDP ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis wada-shaqeyn.
Heshiiskaan oo ah mid ay labada dhinac kaga wada-shaqeyn doonaan barnaamijyada dhallinyarada, nabadda iyo amniga, horumarinta xirfadaha dhallinyarada, sare u qaadista doorka dhallinyarada ee la dagaalanka isbeddelka cimilada iyo shaqo abuurka dhallinyarada ayaa waxa uu socon doonaa muddo shan sano ah.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS waxaa saxiixa heshiiska ku metelaayay Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali halka dhinaca UNDP uu saxiixa heshiiska ku metelaayay Mr. Lionel Laurens oo ah madaxa UNDP Somalia, ayadoo saxiixa heshiiska uu goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo masuuliyiin labada dhinac kala meteleysay.
Saxiixa kadib, Wasiirka Wasaaradda ayaa sagootin u sameeyay Mr. Lionel Laurens oo dhawaan Soomaaliya ka bedelan doona.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda ayaa wefdiga UNDP soo tusay qeybaha ay ka koobantahay xarunta cusub ee Wasaaradda.
30/05/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐
๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐ทโ๐๐๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐ ๐๐ฆ๐ ๐ผ๐ ๐๐๐๐๐ก๐๐๐ ๐ฝ๐๐โ๐ข๐ข๐๐๐ฆ๐๐๐๐ ๐น๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ฆ๐ waxay ku wargelinaysaa dhammaan taageerayaasha kubadda cagta iyo in ๐๐๐ซ๐จ๐จ๐ง๐ค๐ ๐๐ข๐ข๐ฌ๐ก lagu daawan doono ciyaarta k**a dambaysta ah (Final-ka) ee u dhexeysa ๐๐ซ๐ฌ๐๐ง๐๐ฅ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ซ๐ข๐ฌ ๐๐๐ข๐ง๐ญ-๐๐๐ซ๐ฆ๐๐ข๐ง (๐๐๐), iyadoo wasaaradda ugu talagashay in dhallinyarada iyo taageerayaasha si bilaash ah ku daawadaan ciyaarta.
๐๐จ๐จ๐๐ญ๐: Garoonka Wiish
๐๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐๐: 30.05.2026
๐๐๐ช๐ญ๐ข๐ ๐:: 7:00 PM habeen nimo.
26/05/2026
๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐๐ซ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฌ๐๐จ๐จ๐ซ๐ญ๐ข๐ ๐ ๐๐๐
๐, waxay hambalyo diirran oo ku aaddan munaasabadda ๐ถ๐๐๐๐ข๐ ๐ด๐๐ฅ๐๐ la wadaagaysaa dhammaan ummadda Islaamka meel kasta oo ay joogaan..
Waxaan Alle ka baryeynaa inuu naga aqbalo soonkii, salaaddii iyo acmaashii suubanaa ee maalmihii barakeysnaa ee ๐๐ข๐ฌ๐ก๐ ๐๐๐ซ๐๐๐, noogana dhigo Ciiddaan mid nabad, barwaaqo iyo midnimo ku dheehan.
(๐ช๐๐๐
๐พ๐๐๐๐๐๐๐๐)
21/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ๐ด๐๐
๐๐๐ ๐ด๐๐๐๐๐๐
๐ช๐๐๐
๐๐๐๐๐๐
๐๐ ๐ช๐๐๐, ayaa maanta xarunta cusub ee Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Tรผrkiye u fadhiya Soomaaliya, ๐ด๐๐
๐๐๐ ๐จ๐๐๐๐ ๐จ๐๐๐๐ฬง, oo booqasho maamuus ah (courtesy call) ku yimid Wasaaradda.
Intii uu kulanku socday, Safiirka ayaa bogaadiyay xarunta cusub ee Wasaaradda, isaga oo ammaanay horumarka iyo dardargelinta shaqada ee lagu gaaray mudadii uu Wasiirku hoggaanka Wasaaradda hayay.
Wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay maalgelinta jiilka dhalinyarada, isaga oo xusay in dhallinyaradu yihiin bulshada ugu weyn ee qaranka iyo tiirka ugu muhiimsan ee horumarka Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ๐บ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐ป๐ฬ๐๐๐๐๐, gaar ahaan dhinacyada ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐
๐๐๐๐๐๐ ๐
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
๐. Wasiirka ayaa la wadaagay qorshayaasha Wasaaradda ee lagu dhisayo Naadiga Dabaasha Soomaaliya iyo dadaallada lagu kordhinayo ka qaybgalka kooxaha daโdoodu ka hooseyso 17 sano tartamada heer gobol iyo heer caalami.
Kulanka ayaa muujiyay sida labada dhinac uga goโan tahay xoojinta iskaashiga ku aaddan horumarinta dhallinyarada, kobcinta ciyaaraha, iyo dhismaha hayโadaha dowladeed.
21/05/2026
Qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee nasiibka u yeeshay ๐๐๐๐ช๐๐ ๐๐๐ฃ๐ค๐ ๐๐ ๐ฌ๐๐ง๐ง๐๐๐ค๐๐ง ๐๐๐๐ ๐ / ๐๐๐๐ ๐ ayaa si nabadgalyo ah ku gaaray dhulka barakeysan ee ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐๐๐ ๐๐๐๐ฎ๐ฎ๐๐ข ๐๐๐ซ๐๐๐ข๐ฒ๐, si ay u gutaan acmaasha suuban ee Xajka.
๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐๐ซ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฌ๐๐จ๐จ๐ซ๐ญ๐ข๐ ๐โ oo fursaddan qaaliga ah u fududeysay dhallinyaradan, waxay u rajeenaysaa inuu Alle ka aqblo acmaasha wanaagsan, kana yeelo Xaj Maqbuul ah iyo Dembi dhaaf, kuna soo celiyo dalkooda hooyo iyagoo nabad iyo caafimaad qaba, una soo duceeyay dalka iyo dadka, inshaa Allah.
20/05/2026
Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa gudoomiyay shirka guddiga sare ee mashruuca YOU-ACT (YOU-ACT Project Steering Committee Meeting).
Shirkaan oo ahaa kii seddexaad ee mashruucaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle, madaxda hey'adaha FAO, IOM , Peacebuilding Fund iyo masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS ayaa looga hadlay dhameystirka mashruuca oo gabogabo ah.
Waxaa lagu soo bandhigay shirka howlaha mashruuca laga qabtay 3dii bilood ee lasoo dhaafay iyo warbixinta kormeerka iyo qiimeynta (Monitoring and Evaluation Report).
Wasiirka Wasaaradda oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la balaariyo mashruuca oo ay ka faa'ideysteen dhallinyaro badan.
Ugu dambeyn Guddiga sare ee mashruuca YOU-ACT ayaa bogaadiyay waxqabadka mashruuca iyo howlihii baaxadda lahaa ee qabsoomay seddexdii bilood ee lasoo dhaafay.
19/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 19-ka May oo ka dhacday Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, taas oo ah Maalinta Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Turkiga.
19-kii May 1919 Mustafa Kemal Atatรผrk ayaa gaaray magaalada Samsun oo ka tirsan dalkaas ,isaga oo halkaas ka bilaabay halgankii xorriyadda Turkiga. Taariikhdan ayaana loo aqoonsan yahay bilowgii aas-aaska Turkiga.
Atatรผrk wuxuu maalintan u hibeyay dhalinyarada, sidaas darteed waxaa sanad kasta 19-ka May loo dabaaldegaa Maalinta Dhalinyarada iyo Isboortiga.
Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa munaasabadda uga hambalyeeyay shacabka reer Turki gaar ahaan dhalinyarada dalkaas, isaga oo xusay in maalintani ay Turkiga uga dhigan tahay maalin qaran oo muhiim ah sida 15-ka May oo ah Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.
Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaas oo intooda badan waxbarasho kusoo qaatay dalka Turkiga.
17/05/2026
Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Horumarinta Isboortiga Soomaaliya, taasoo muhiim u ah horumarinta ciyaaraha dalka iyo dib-u-habeynta hayโadaha isboortiga.
Ansixinta Siyaasaddan Qaran waxay door weyn ka qaadan doontaa kobcinta tayada isboortiga, horumarinta maamulka ciyaaraha iyo dhismaha nidaam mideysan oo taageera ciyaartoyda iyo xirfadlayaasha isboortiga Soomaaliyeed.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa juhdi weyn gelisay diyaarinta siyaasaddan, iyadoo muddo dheer waday la-tashiyo ay la yeelanaysay bahda kala duwan ee Isboortiga Soomaaliya.