Hassan Abdullahi Qoodow

Hassan Abdullahi Qoodow

Share

"Somaaliyay Baraarug inta aan Buunka la afuufin"

Photos from University of Somalia - UNISO's post 25/08/2025
Photos from Hassan Abdullahi Qoodow's post 18/08/2025

Waxaan ka qayb galay Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, taas oo xilka Hoggaanka Midowga Ardayda Jaamacadda Soomaaliya (MAJSO) ay ku kala wareegeen Guddoomiyihii h**e iyo Guddoomiyaha cusub.

Waxaan u rajaynayaa Hoggaanka Midowga Guul iyo Mustaqbal wanaagsan.

Photos from Hassan Abdullahi Qoodow's post 08/08/2025

Hablayo Abdinaasir Abdullahi Wargale iyo Marwadiisa Nuria Abdirisack Haji oo Maeherkoodubka Ka dhacay Magaalada Nairobi.
Waxaan leeyahay guur barakaysan Guulow ka yeel guurkiina.

07/08/2025

Shalay oo ay Taariikh-du ahayd 06 August 2025, Guddoomiyaha ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š (๐”๐๐ˆ๐’๐Ž) ayaa u magacaabay ๐——๐—ฟ. ๐—”๐—ต๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ (๐—Ÿ๐—ฎ๐—ฎ ๐— ๐˜‚๐˜€๐—ต๐—ธ๐—ถ๐—น๐—ฎ) Guddoomiyaha Naadiga Qalinjebiyaasha Jaamacadda Soomaaliya (UNISO Alumni Association).

Dr. Laa Mushkila inta aan ka aqaano waa nin Karti, Shaqo iyo Dulqaad isku darsaday aadna ugu dhexjira Qalinjebiyaasha kala duwan ee Jaamacadda iyo Bulshada qaybeheeda kale.

Waxaan u rajynayaa in Xilkaan loo igmaday mudada kooban in Allah ku asturo,waxaan rajaynaa in uu noqdo qofkii aas aas dhab ah u samayn lahaa Ururka Qalinjebiyaasha Jaamacadda. Guul iyo Gobanimo.

Photos from Hassan Abdullahi Qoodow's post 03/08/2025

Waxaan ka qayb galay Xafladda Sagootinta Dufcadda 19aad ee Kulliyadda Maamulka iyo Dhaqaalaha.

Waxaan u rajaynayaa ardaydaan Guul iyo Mustaqbal wanaagsan.

26/05/2025

Waa lebisanaa Makaroofan ayaan hortagaa wixii igu soo dhacana waa sheegaa ee yaan layga duubin!
Cali Yare Cali

Photos from Hassan Abdullahi Qoodow's post 21/03/2025

Waxaa la soo gabagabeeyey tartankii Qur'aan Aqriska ahaa ee ay Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) u qabatay ardaydeeda.
Tartankaan, oo ay ardaydu ku kala baratameen aqrinta 30ka Jus iyo 15 Jus ee Qur'aanka, waxaa ardaydii gashay kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad ee labada qaybood tartanka Jaamacaddu ugu deeqday abaalmarin waxbarasho bilaash ah.
Guddoomiyaha Jaamacadda iyo Maamulka kale Munaasibada kasoo qayb galay ayaa bogaadiyey Hormuudka Arrimaha Ardayda Ustad Hassan Abdullahi Qoodow iyo howlwadeenada kale ee sanad kasta xilwayn iska saaray sidii uu u qabsoomi lahaa tartanka Quraanka Kariimka Bisha Ramadaan

27/01/2025

Ma maqashay โ€œAllow Qof aan wax ogayn ha Cadaabinโ€ hadii Jawaabtaadu Haa tahay Buuga Adkeysi Aqri.

Waxaan nasiib yeeshay in aan Goobjoog ka noqdo Bandhigga Buuga Adkeysi ee uu qoray Siyaasiga wayn Xildhibaan Abdirahman Abdishakur Warsame oo ka dhacday Mogadishu. Waxaa i cajabgeliyay Cilmiga iyo Taarikh-da Adkeysi Xambaarsanyahay iyo suโ€™aalaha Goobtaas lagu waydiiyay Xildhibaanka.

Waxaan goโ€™aansaday inaan Buuga Adkesi aqriyo Allahna waa igu guuleeyay aqrintiisa, waxaana iiga soo baxday dhowr arrin:-

1- in aan waxbadan ka ogaaday kana bartay Taariikh-da iyo Sooyaal-ka Siyaasiga Buuga qoray.

2- Taariikh-yo kala duwan iyo Sooyaal Siyaasadeed ee Soomaaliya soo martay oo aan horay u aqrin sheekooyina kalena aanan ku maqlin.

3- waxaan ku ogaaday in badan dadka Soomaaliyeed ka mid ah fahamka ay Siyaasada ka haystaan ku kooban yahay Sawirka dadka madaxda ah iyo Kelmadaha ay ku hadlayaan oo keliya,xaalkuna sidaa ka bedelan yahay.

4- Arrinta aan markaygii h**e shakiga ka qabay hadana markaan Buuga aqriyay xaqiiqsaday waxa ay tahay in Siyaasiga soo galaya Suuqa Siyaasada iyo kan horay ugu jiray Siyaasada labadaba Ookiyaalaha ugu jira ee ay wax ku arkaan/ ku aqriyaan uu yahay in ay Aaminsanyihiin Maqaamka sare Siyaasada lagu gaaro Qinyaano, Qish iyo Been(Qalbiga iyo Afka siyaasiga oo aan wada socan).

5- in uu yaryahay Siyaasi Danaha Guud ee dadka uu Madaxda u yahay ka shaqeeya, bedelkeedana uu ka fkiro Siyaasiga inuu Masaalixdiisa gaarka ah meel sare gaarsiiyo inta Kursiga joogo.

6- in Madaxda Dowladda in badan Umadda ay madaxda u yihiin been uga sheegaan waxyaabaha dhabta ahna laga leexiyo, loona sheego waxyaabo qiyaali ah oo aan Sal iyo Raad toona lahayn, Tusaale ahaan in Dowladaha Caalamku diidan yihiin in Somaaliya dowlad noqato, in Qofku arragtidiisa gaarka ah ka dhigo ahdaaftii Dowladnimo lagu gaari lahaa IWM.

7- inta Garaad-kaygu gaarsiisanyahay iyo sooyaalka Siyaasadeed ee Buuga Adkeysi aan ka aqriyay waxaan meesha iiga muuqan in System Dowladeed oo dhisan marka laga reebo Magaca Dowladda oo hormar ku socdo Siyaasiga u yimaado waxna ku daro berrina ka tago in uusan dhisnayn.

Ugu dambayntii, waxaan u mahadcelinayaa Siyaasiga Buugaan qoray oo runtii ah Hal-abuur cusub oo aan horay qof Siyaasi Somaaliyeed ah looga baran in dadka shacabka loosoo bandhigo Taariikh iyo Sooyaal Siyaasadeed oo aysan waxbadan ka ogayn.

Waxaan intaas ku dari lahaa dhalinyarada waxbarata iyo dadka kale in ay wax aqriyaan u fududahay in Buuga adkeysi aqriyaan waa hubaa inaad wax aadan ogayn hada ogaan doonto aqris kadib waa iga Talo.

28/10/2024

Somaaliya wadan dullinimo ka hana qaaday!

23/10/2024

Xilka sedax arrimood waa laga ilaalshaa !
1- ku aruurso
2- ku Aarso
3- ku Amar ku taaglay.

20/10/2024

โ€œSiyaasad ku salaysan in laga macaasho iyo Shacab dareen laโ€™aan ah maxaa kala haystaโ€

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00