26/09/2025
Dalladda Waxgaradka Iyo Wacyigelinta Bulshada
Dalladda Wacyi-gelinta Qarannimo
26/09/2025
09/08/2025
WACYI IYO DAREEN QARANIMO.
Shacabka Ha Ogaado, Ha Dareemo, Ha Doorto — Waa Cudurdaarka Ummad Xorta Ah!.
🔹 Ha Ogaado — Xaqiiqdu ha qarsoonto, xogta ha la helo, si aan lagu khiyaamin.
🔹 Ha Dareemo — Dhibta iyo danta ha la dareemo, si qalbiga iyo maskaxda shacabka ay u baraarugaan.
🔹 Ha Doorto — Awoodda ha laga faa'iideysto, codka ha noqdo hubka badbaadada mustaqbalka.
U noqo astaan wacyigelin ah oo Soomaaliyeed. Waxaan doonayaa in shacabka lagu dhiirrigeliyo in ay ogaadaan xaqooda, ay dareemaan dantooda, oo ay doortaan mustaqbalkooda.
Dalladda Waxgaradka Iyo Wacyigelinta Bulshada
✍️🏼Muwadin Mohamud Ren.
27/01/2025
Dhulkaanow Hadduu Ku Sheegan Karo Shisheeye, Deris, iyo Calooshii u Shaqeyste, Waxaa Isweydiin Mudan: Yaa Dhabta Kuu Leh?
Waxaa muuqata in odhaahdani uu ka tarjumayo dareen ku saabsan dulmiga iyo b**bka dhulka, taasoo ku salaysan Su'aal weyn oo ah cidda xaqa u leh lahaanshaha iyo ilaalinta dhulkeenna. Haddii cid walba ay sheeganayso dhulkeenna iyadoo ka shaqeynaysa dano shisheeye, maxaa ka hari kara qarannimada iyo xaqiiqada lahaanshaha dhulkeenna?
Hadalku waa mid ku socda dhinacyo kala duwan oo xambaarsan fariin ku saabsan wacyiga, damiirka, iyo ka hortagga dhibaatooyinka ka dhasha cadowga gudaha iyo dibadda. odhaahduna waxaa ka muuqanaya in dhulku uu leeyahay dadka u damqanaya oo damiir leh (Waddaniyiin), kuwaas oo ka ilaalinaya b**b iyo burbur.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dulucda Odhaahda.
Odhaahdani waxay si toos ah u taabanayaa arrin muhiim ah oo ku saabsan dulmiga iyo dayacaadda hantida guud ee ummadda, gaar ahaan dhulka, oo ah laf-dhabarka qarannimada iyo jiritaanka bulsho. Marka la yiraahdo "Dhulkaanow haddey ku b**bayaan shisheeye, deris iyo calooshii u shaqeyste", waxa uu tusaale cad u yahay in b**bka dhulku uu yahay mid ka iman kara dhinacyo badan:
1. Shisheeye: Kuwa ka baxsan dalka, kuwaas oo aan dan ka lahayn dhulkeenna balse ka raadinaya kheyraad iyo dano gaar ah.
2. Deris: Waddamada deriska ah ama qabiilooyinka ku xeeran oo mararka qaar danahooda siyaasadeed ku fushanaya dhulkeenna.
3. Calooshood u shaqeystayaal: Dad Soomaaliyeed oo danahooda gaarka ah ka hormarinaya masiirka guud ee ummadda, una adeegaya shisheeyaha.
Haddaba Dhulka cidda xaqa u leh waa dadkiisa, balse xaq u lahaanshuhu wuxuu ku yimaadaa halgan, wacyi iyo ilaalin joogto ah. Ma jiro shisheeye, deris ama calooshood u shaqeyste marna noqon kara difaac dhab ah oo dhulka xaq ku leh.
"Shacabkayagow, aynu si xikmad leh u dhaqanno si aan u xaqiijinno badbaadadayada."
✍️🏼 Dalladda Waxgaradka Iyo Wacyigelinta Bulshada
12/01/2025
Dowlad Baanu Leenahay, Bulshaduse Daryeel Bey Tabaysaa.
Dowladnimadu waa nidaam bulsho oo ujeedkiisu yahay in lagu hogaamiyo bulshada si ay u gaaraan horumar, xasillooni, iyo caddaalad. Waxaa hubaal ah inay jirto dowlad, Laakiin Su’aasha muhiimka ahi waxay tahay: Dowladdu ma ka tarjumaysaa (daboolaysaa) baahiyaha bulshada? Bulshadu waxay tabaysaa daryeel, taas oo muujinaysa in hoggaanka jira uusan ku filnayn buuxinta waajibaadka ka saaran adeegyada muhiimka ah.
Maxay Bulshadu U Tabaysaa Daryeel?
Bulshada Soomaaliyeed, oo soo martay duruufo adag sida dagaallo sokeeye, abaaro, iyo nidaam dowladnimo oo daciif ah, waxay u baahan tahay dowlad si dhab ah ugu adeegta danaha shacabka. Waxayna u baahan yihiin dawlad daboolaysa baahiyahooda aasaasiga ah ee dhinacyada kala duwan oo ay ka mid yihiin:
1. Caddaalad: Bulshada Soomaaliyeed waxay rabtaa inay ku noolaato deegaan ay ka jirto caddaalad. Haddii xuquuqda qofka si siman loo ilaalin waayo, waxaa dhalan kara kalsooni darro iyo kala qoqobnaan bulsho.
2. Adeegyada Bulshada: Bulshadu waxay xaq u leedahay helitaanka adeegyo muhiim ah sida waxbarasho, caafimaad, iyo biyo nadiif ah. Daryeelka bulshada waxaa kamid ah in la xaqiijiyo in adeegyadaasi ay gaaraan dhammaan gobollada dalka.
3. Shaqo-abuur iyo Deggenaansho Dhaqaale: Qoysas badan oo Soomaaliyeed waxay la daalaa dhacayaan shaqo la’aan iyo saboolnimo. Dowlad mas’uul ah waa inay abuurtaa fursado shaqo oo daahfuran, gaar ahaan dhalinyarada oo ah laf-dhabarta qaranka.
4. Amniga: Bulsho aan dareemin ammaan ma noqon karto mid kobac dhaqaale ama horumar bulsho gaarta. Dowladdu waa inay ka hortagtaa khataraha amni ee soo wajaha bulshada, lana dagaallantaa kooxaha qaswadayaasha ah.
Doorka Dowladda.
Dowladdu waa inay u dhaqantaa sidii waalid u damqanaya carruurtiisa. Haddii dowladdu ay ku mashquulsan tahay dano gaar ah ama ay ku guuldarreyso daryeelka bulshada, waxay lumisaa kalsoonida shacabka, taas oo keenaysa inay meesha ka baxdo isku xirka dowladnimada iyo bulshada.
Maxaase Laga Filayaa Dowlad Wanaagsan?
▪︎ Inay ku saleysnaato caddaalad, sinaan, iyo hufnaan.
▪︎ Inay mudnaanta siiso adeegyada bulshada oo ay dadka ka saarto dhibaatada.
▪︎ Inay dadka ka qeybgeliso go'aan-qaadashada iyada oo la xaqiijinayo in codkooda la maqlo.
▪︎ Inay ilaaliso hantida guud, kana fogaato musuqmaasuqa.
Gunaanad: Inkastoo aan leenahay dowlad, su’aashu waxay tahay: Ma tahay mid ka turjumaysa baahiyaha iyo rabitaanka shacabka? Bulshadu waxay tabeysaa daryeel, waana waajib saaran hoggaanka inuu xaqiijiyo in shacabka ay helaan wax kasta oo ay xaq u leeyihiin. Maamul wanaag waa daryeel bulsho, taas oo saldhig u ah horumarka qaranka.
Farriin: "Shacabkayagow, Aan ku Dhaqanno si faham leh si aan u sugno badbaadadayada."
HAMBALYO 21 NOFEMBAR MAALINTA BARAHA SOMALIYEED.
Barahu Waa Albaabiyo
Irdihii Aqoontoo
Adduunyadu La'aantiisa
Agoon Bey Ahaan Layd
Waa Tusaale Oday iyo
Murti Waaya Aragiyo
Howraar Abwaanoo
Beyd Aan idlaane.
Maalinta oo ah 21 Nofembar oo ku beegan Maalinta Baraha Somaliyeed Waxaan halkan hambalyo uga dirayaa Macalimiinta, Ardayda iyo dhamaan inta ku howlan Waxbarashada Soomaaliya waxaana leeyahay hiigsigiinu ha noqdo mid Dalkeena hagaajin kara, Aayaha Ummaddana wax tara.
Alloow aqoonyahanno
Abaalkii lagu lahaa iyo
Amaahdeenii gudi kara
Arligana wax tari kara
Ubadkeena nooga yeel.
Dalladda Waxgaradka Iyo Wacyigelinta Bulshada
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Website
Address
Mogadishu
